< Ayuba 29 >
1 Ayuba ya ci gaba da jawabinsa,
Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,
2 “Da ma ina nan lokacin da ya wuce baya can, kwanakin da Allah yake lura da ni,
Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore, Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
3 lokacin da fitilarsa take haske a kaina na yi tafiya cikin duhu tare da haskensa.
Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
4 Kwanakin da nake tasowa, lokacin da abokantakar Allah ta sa wa gidana albarka,
Markii aan xoog lahaan jiray, Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
5 lokacin da Maɗaukaki yana tare da ni, kuma’ya’yana suna kewaye da ni,
Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray, Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
6 lokacin da ake zuba madara a inda nake takawa, duwatsu kuma suna ɓulɓulo mini man zaitun.
Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen, Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
7 “Sa’ad da na je ƙofar birni na zauna a bainin jama’a,
Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray, Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
8 matasan da suka gan ni sukan ja gefe tsofaffi kuma suka tashi tsaye;
Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen, Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
9 sarakuna suka yi shiru suka rufe bakunansu da hannuwansu;
Amiirraduna intay hadalka joojiyaan, Ayay afka gacanta saari jireen.
10 Muryar manya ta yi tsit harshensu ya manne a rufin bakunansu.
Ragga gobta ahuna way aamusi jireen, Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.
11 Duk wanda ya ji ni ya yaba mini waɗanda suka gan ni kuma sun amince da ni,
Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay, Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.
12 domin na ceci matalauta waɗanda suka nemi taimako, da marasa mahaifi waɗanda ba su da wanda zai taimake su.
Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
13 Mutumin da yake bakin mutuwa ya sa mini albarka. Na faranta wa gwauruwa zuciya.
Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay, Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.
14 Na yafa adalci ya zama suturata; gaskiya ita ce rigata da rawanina.
Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
15 Ni ne idon makafi kuma ƙafa ga guragu.
Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray, Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
16 Ni mahaifi ne ga masu bukata; na tsaya wa baƙo.
Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan, Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
17 Na karya ƙarfin mugaye na ƙwato waɗanda suke riƙe da haƙoransu.
Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
18 “Na yi tunani cewa, ‘Zan mutu a cikin gidana, kwanakina da yawa kamar turɓayar ƙasa.
Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa, Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.
19 Jijiyoyina za su kai cikin ruwa, kuma raɓa za tă kwanta a rassana dukan dare.
Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa, Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.
20 Ɗaukakata za tă kasance tare da ni garau, bakana koyaushe sabo ne a hannuna.’
Sharaftaydu way igu cusub tahay, Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.
21 “Mutane suna mai da hankali su saurare ni, suna yin shiru don su ji shawarata.
Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray, Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.
22 Bayan da na yi magana, ba su ƙara ce kome ba. Maganata ta shige su.
Weligood igama ay daba hadlin, Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.
23 Sukan jira ni kamar yadda ake jiran ruwan sama. Sukan sha daga cikin maganganuna kamar mai shan ruwan bazara.
Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
24 Sa’ad da na yi musu murmushi da ƙyar sukan yarda; hasken fuskata yana da daraja a gare su.
Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan, Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.
25 Na zaɓar masu inda za su bi na kuma zauna kamar sarkinsu; na zauna kamar sarki a cikin rundunansu; ina nan kamar mai yi wa masu makoki ta’aziyya.
Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray, Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya, Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.