< Ayuba 21 >
Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 “Ku saurare ni da kyau; bari wannan yă zama ta’aziyyar da za ku ba ni.
Maqla oo warkayga aad u dhegaysta, Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
3 Ku ba ni zarafi in yi magana, bayan na gama sai ku yi ba’arku.
Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
4 “A wurin mutum ne na kawo kukana? Don me ba zan kāsa haƙuri ba?
Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
5 Ku dube ni, ku kuma yi mamaki; ku rufe bakina da hannunku.
Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara.
6 Lokacin da na yi tunanin wannan, sai in ji tsoro; jikina yă fara rawa.
Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
7 Don me mugaye suke rayuwa har su tsufa, suna kuma ƙaruwa da iko?
Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
8 Suna ganin’ya’yansu suna girma, suna ganin jikokinsu suna tasowa a kan idanunsu.
Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
9 Gidajensu suna zama cikin lafiya ba ruwansu da fargaba. Kuma Allah ba ya ba su horo.
Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10 Shanunsu ba sa fasa haihuwa; suna haihuwa ba sa yin ɓari.
Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11 Suna aika’ya’yansu kamar garke;’ya’yansu suna guje-guje da tsalle-tsalle.
Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale, Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12 Suna rera da kayan kiɗa na ganga da garaya; suna jin daɗin busar sarewa.
Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13 Suna yin rayuwarsu cikin arziki kuma su mutu cikin salama. (Sheol )
Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan. (Sheol )
14 Duk da haka suna ce wa Allah, ‘Ka rabu da mu.’ Ba ma so mu san hanyoyinka.
Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15 Wane ne Maɗaukaki har da za mu bauta masa? Wace riba za mu samu ta wurin yin addu’a gare shi?
Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16 Amma arzikinsu ba a hannunsu yake ba saboda haka ba ruwana da shawarar mugaye.
Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto, Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
17 “Duk da haka, sau nawa fitilar mugu take mutuwa? Sau nawa bala’i yake auka masa, ko Allah ya taɓa hukunta mugu cikin fushi?
Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
18 Sau nawa suke zama kamar tattaka a iska, ko kuma kamar ƙura da iskar hadari take kwashewa?
Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
19 An ce ‘Allah yana tara wa’ya’yan mutum horon da zai ba mutumin.’ Bari yă ba mutumin horo don yă san ya yi haka!
Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
20 Bari idanunsa su ga yadda zai hallaka; bari yă sha daga fushin Maɗaukaki.
Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
21 Ko zai damu da iyalin da ya bari a baya sa’ad da kwanakinsa suka ƙare?
Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
22 “Wani zai iya koya wa Allah ilimi tun da yana shari’anta har da waɗanda suke manya masu iko?
Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
23 Wani mutum zai mutu cikin jin daɗi da kwanciyar hankali,
Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon,
24 jikinsa ɓulɓul, ƙasusuwansa da alamar ƙarfi.
Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
25 Wani kuma zai mutu cikin ɗacin rai, bai taɓa jin daɗin wani abu mai kyau ba.
Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
26 Dukansu kuwa za a bizne su a ƙasa, kuma tsutsotsi za su cinye su.
Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola.
27 “Na san duk abin da kuke tunani, yadda za ku saɓa mini.
Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
28 Kuna cewa, ‘Yanzu ina gidan babban mutumin nan, tenti wurin da mugaye suke zama?’
Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
29 Ba ku taɓa tambayar waɗanda suke tafiya ba? Ba ku kula da labaransu,
Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
30 cewa an kāre mugu daga ranar bala’i, an kāre shi daga ranar fushi?
Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
31 Wane ne yake gaya masa abin da ya yi? Wane ne yake rama abin da ya yi?
Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?
32 Za a bizne shi a kabari, a kuma yi tsaron kabarinsa.
Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
33 Akan mai da ƙasa a kan gawarsa a hankali; dukan jama’a suna binsa, da yawa kuma suna gabansa.
Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.
34 “Saboda haka ta yaya za ku iya yi mini ta’aziyya da surutan banzan nan naku? Babu wani abu cikin amsarku sai ƙarya!”
Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?