< Ayuba 13 >
1 “Idanuna sun ga waɗannan duka, kunnuwana sun ji sun kuma gane.
Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
2 Abin da kuka sani, ni ma na sani; ba ku fi ni ba.
Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale, Anigu idinkama liito innaba.
3 Amma ina so in yi magana da Maɗaukaki, in kai kukana wurin Allah kai tsaye.
Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
4 Ku kuma kun ishe ni da ƙarairayi; ku likitocin wofi ne, dukanku!
Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
5 In da za ku yi shiru gaba ɗaya! Zai zama muku hikima.
Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
6 Ku ji gardamata yanzu; ku ji roƙon da zai fito daga bakina.
Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
7 Za ku iya yin muguwar magana a madadin Allah? Ko za ku yi ƙarya a madadinsa?
War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
8 Ko za ku nuna masa sonkai? Ko za ku yi gardama a madadinsa?
War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
9 In ya bincike ku zai tarar ba ku da laifi? Ko za ku iya ruɗe shi yadda za ku ruɗi mutane?
War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
10 Ba shakka zai kwaɓe ku in kun nuna sonkai a ɓoye.
Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan Isagu wuu idin canaanan doonaa.
11 Ko ikonsa ba ya ba ku tsoro? Tsoronsa ba zai auka muku ba?
War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
12 Duk surutanku kamar toka suke; kāriyarku na yimɓu ne.
Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah, Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
13 “Ku yi shiru zan yi magana; sa’an nan abin da zai same ni yă same ni.
Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
14 Don me na sa kaina cikin hatsari na yi kasada da raina?
Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
15 Ko da zai kashe ni ne, begena a cikinsa zai kasance; ba shakka zan kāre kaina a gabansa
Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
16 lalle wannan zai kawo mini kuɓuta gama ba wani marar tsoron Allah da zai iya zuwa wurinsa!
Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
17 Ku saurara da kyau ku ji abin da zan faɗa; bari kunnuwanku su ji abin da zan ce.
Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
18 Yanzu da na shirya ƙarata, na san za a ce ba ni da laifi.
Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
19 Ko wani zai ce ga laifin da na yi? In an same ni da laifi, zan yi shiru in mutu.
Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.
20 “Kai dai biya mini waɗannan bukatu biyu kawai ya Allah, ba zan kuwa ɓoye daga gare ka ba;
Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
21 Ka janye hannunka nesa da ni, ka daina ba ni tsoro da bantsoronka.
Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.
22 Sa’an nan ka kira ni, zan kuwa amsa, ko kuma ka bar ni in yi magana sai ka amsa mini.
Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.
23 Abubuwa nawa na yi waɗanda ba daidai ba, kuma zunubi ne? Ka nuna mini laifina da zunubina.
Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa? Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
24 Don me ka ɓoye mini fuskarka; ka kuma sa na zama kamar maƙiyinka?
Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
25 Ko za a wahalar da ganye wanda iska take hurawa? Ko za ka bi busasshiyar ciyawa?
Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa? Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
26 Gama ka rubuta abubuwa marasa daɗi game da ni; ka sa na yi gādon zunuban ƙuruciyata.
Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa, Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.
27 Ka daure ƙafafuna da sarƙa; kana kallon duk inda na taka ta wurin sa shaida a tafin ƙafafuna.
Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa, Cagahaygana xad baad u dhigtaa.
28 “Haka mutum yake lalacewa kamar ruɓaɓɓen abu, kamar rigar da asu ya cinye.
Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.