< Ishaya 48 >

1 “Ku kasa kunne ga wannan, ya gidan Yaƙub, waɗanda ake kira da sunan Isra’ila suka kuma fito daga zuriyar Yahuda, ku da kuke yin rantsuwa da sunan Ubangiji kuna kuma kira sunan Allah na Isra’ila, amma ba da gaskiya ko adalci ba,
Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.
2 ku da kuke kiran kanku’yan ƙasar birni mai tsarki kuna kuma dogara ga Allah na Isra’ila, Ubangiji Maɗaukaki ne sunansa,
Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
3 na nanata abubuwan da suka riga suka faru tuntuni, bakina ya yi shelar su na kuma sanar da su; sai nan da nan na aikata, suka kuma faru.
Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.
4 Gama na san yadda kuke da taurinkai; jijiyoyin wuyanku ƙarafa ne, goshinku tagulla ne.
Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
5 Saboda haka na faɗa waɗannan abubuwa tuntuni; kafin su faru na yi shelarsu gare ku saboda kada ku ce, ‘Gumakana ne suka yi su; siffar itacena da allahn zinariyana ne ya ƙaddara su.’
sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay.
6 Kun riga kun ji waɗannan abubuwa; kuka gan su duka. Ba za ku yarda da su ba? “Daga yanzu zuwa gaba zan faɗa muku sababbin abubuwa, na ɓoyayyun abubuwan da ba ku sani ba.
Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.
7 Yanzu an halicce su, ba da daɗewa ba; ba ku riga kun ji game da su kafin yau ba. Saboda haka ba za ku ce, ‘I, na san da su ba.’
Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin.
8 Ba ku ji ko balle ku gane ba; tun da kunnenku bai buɗu ba. Tabbatacce na san yadda kun zama masu tayarwa; an kira ku’yan tawaye daga haihuwa.
Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
9 Saboda girman sunana na jinkirta fushina; saboda girman yabona na janye shi daga gare ku, don dai kada a yanke ku.
Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.
10 Duba, na tace ku, ko da yake ba kamar azurfa ba; na gwada ku cikin wutar wahala.
Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.
11 Saboda girmana, saboda girmana, na yi haka. Yaya zan ƙyale a ƙazantar da kaina? Ba zan raba ɗaukakata da wani ba.
Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!
12 “Ka kasa kunne gare ni, ya Yaƙub, Isra’ila, wanda na kira cewa, Ni ne shi; ni ne na farko ni ne kuma na ƙarshe.
Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.
13 Hannuna ne ya kafa harsashen duniya, hannuna na dama kuma ya shimfiɗa sammai; sa’ad da na kira su, duka suka miƙe tsaye gaba ɗaya.
Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
14 “Ku tattaru, dukanku ku kuma saurara, Wanne a cikin gumakan ya iya faɗa waɗannan abubuwa? Zaɓaɓɓen da Ubangiji yake ƙauna zai aikata nufinsa a kan Babilon; hannunsa zai yi gāba da Babiloniyawa.
Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
15 Ni kaina, na faɗa; I, na kira shi. Zan kawo shi, zai kuma yi nasara a cikin aikinsa.
Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.
16 “Ku zo kusa da ni ku kuma saurari wannan. “Daga farkon shela ban yi magana a ɓoye ba; a lokacin da ya faru, ina nan a wurin.” Yanzu kuwa Ubangiji Mai Iko Duka ya aiko ni, da Ruhunsa.
Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
17 Ga abin da Ubangiji yana cewa, Mai Fansarku, Mai Tsarkin nan na Isra’ila ya ce, “Ni ne Ubangiji Allahnku, wanda ya koya muku abin da ya fi muku kyau, wanda ya muku hanyar da za ku bi.
Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen.
18 Da a ce kawai za ku mai da hankali ga umarnaina, da salamarku ta zama kamar kogi, adalcinku kamar raƙuman teku.
Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale,
19 Da zuriyarku ta zama kamar yashi,’ya’yanku kamar tsabar hatsin da ba a iya ƙidayawa; da ba za a taɓa yanke sunansu balle a hallaka su daga gabana ba.”
oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.
20 Ku bar Babilon, ku gudu daga Babiloniyawa! Ku yi shelar wannan da sowa ta farin ciki ku kuma furta shi. Ku aika shi zuwa iyakokin duniya; ku ce, “Ubangiji ya fanshi bawansa Yaƙub.”
Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub.
21 Ba su ji ƙishi ba sa’ad da ya bishe su a cikin hamada; ya sa ruwa ya malalo dominsu daga dutse; ya tsage dutse ruwa kuwa ya kwararo.
Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
22 “Babu salama ga mugaye” in ji Ubangiji.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.

< Ishaya 48 >