< Ezekiyel 42 >

1 Sai mutumin ya kai ni wajen arewa zuwa cikin filin da yake waje ya kuma kawo ni ɗakunan da suke ɗaura da filin haikalin da yake a gefen arewa.
Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii dibadda dhankeeda woqooyi, oo wuxuu i geliyey qolladdii meesha goonida ah ka soo hor jeedday oo dhismaha xagga woqooyi ka soo hor jeedday.
2 Tsawon ginin da yake fuskantar arewa kamu ɗari ne fāɗinsa kuma kamu hamsin.
Oo dhinaca dheer oo dhererkiisu boqol dhudhun ahaa ayaa albaabka woqooyi ku hor yiil, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun.
3 A gaban kamu ashirin na filin da yake can ciki da kuma a gaban daɓen filin da yake waje, akwai rumfuna a jere waɗanda suke fuskantar juna hawa uku-uku.
Barxadda gudaha oo dhererkeedu labaatanka dhudhun ahaa horteeda iyo meesha sallaxa ah barxadda dibadda horteeda waxaa ku yiil balbalo balbalo kale ka soo hor jeedda oo saddex dabaqadood ah.
4 A gaban ɗakunan akwai hanya a can ciki mai fāɗin kamu goma, tsawonta kuma kamu ɗari. Ƙofofinsu suna wajen arewa.
Oo qolladaha hortoodana waxaa ku yiil jid ballaadhkiisu toban dhudhun yahay, dhererkiisuna boqol dhudhun yahay, oo albaabbadooduna waxay u sii jeedeen xagga woqooyi.
5 Ɗakunan da suke bisa ba su da fāɗi, gama mataki hawan benen ya cinye wuri fiye da a ɗakunan da suke a hawa na ƙasa da na tsakiya.
Haddaba qolladaha sare way ka cidhiidhsanaayeen kuwa hoose iyo kuwa dhexe ee dhismaha, waayo, balbalooyinku meeshay yareeyeen.
6 Ɗakunan da suke a hawa na uku ba su da ginshiƙai, yadda filayen suka kasance da su, saboda haka suka matsu fiye da waɗanda suke a hawa na ƙasa da na tsakiya.
Waayo, iyagu waxay ahaayeen saddex dabaqadood, laakiinse tiirar kuwa barxadaha la mid ah ma ay lahayn, sidaas daraaddeed kuwa sare way ka cidhiidhsanaayeen qolladaha hoose iyo kuwa dhexeba.
7 Akwai katanga wadda take waje, wadda ta yi hannun riga da ɗakunan filin waje; ta miƙe a gaban ɗakunan, tsawonta kamu hamsin ne.
Oo derbigii dibadda oo ku ag yiil qolladihii xagga barxadda dibadda u sii jeeday oo xagga hore oo qolladaha ku yiil dhererkiisu wuxuu ahaa konton dhudhun.
8 Yayinda tsawon jerin ɗakunan da suke a gefe kusa da filin da yake waje kamu hamsin ne, tsawon jerin ɗakunan da suke a gefen da yake kurkusa da wuri mai tsarki kamu ɗari ne.
Waayo, qolladihii barxadda dibadda ku yiil dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo bal eeg, macbudka hortiisu waxay ahayd boqol dhudhun.
9 Ɗakunan da suke can ƙasa suna da ƙofar shiga a wajen gabas in za a shiga cikinsu daga filin da yake waje.
Oo qolladahaas hoostooda waxaa ku yiil iriddii dhinaca bari laga geli jiray, meeshii iyaga xagga barxadda looga soo galo.
10 A wajen kudu a ta katangar filin da yake waje, kusa da filin haikali da yake ɗaura da katangar waje, akwai ɗakuna
Oo qollado baa ku yiil derbigii barxadda xagga bari oo ka soo hor jeeda xagga meesha goonida ah iyo xagga dhismaha.
11 da hanya a gabansu. Waɗannan sun yi kama da ɗakunan da suke wajen arewa; tsawonsu da fāɗinsu duk iri ɗaya ne, da irin mafita ɗaya da kuma yadda aka shirya su. Sun yi kama da ƙofofin da suke wajen arewa
Oo jidkii hortooda ku yiil wuxuu u ekaa sidii kii qolladaha xagga woqooyi ku yiil oo kale. Sidooda oo kaluu u dheeraa oo sidoodoo kaluu u ballaadhnaa, oo meelahooda laga baxo oo dhammuna waxay ahaayeen sida qaabkoodoo kale iyo sida albaabbadooda oo kale.
12 haka ma ƙofofin ɗakunan a wajen kudu. Akwai ƙofa a farkon hanyar da ta yi hannun riga da ɗayan katangar da ta miƙe wajen gabas, inda za a iya shiga ɗakunan.
Oo qolladihii xagga koonfureed u sii jeeday albaabbadoodiina waxay lahaayeen albaab jidka madaxiisa ku yiil, kaasoo ah jidkii derbiga xagga bari ka soo hor jeeday, markii iyaga la soo galo.
13 Sai ya ce mini, “Ɗakunan arewa da na kudu waɗanda suke fuskantar filin haikali ɗakunan firistoci ne, inda firistocin da suke kusaci Ubangiji za su ci hadayu mafi tsarki. A can za su ajiye hadayu mafi tsarki, hadayu na gari, hadayu na zunubi da hadayu na laifi, gama wuri mai tsarki ne.
Oo markaasuu igu yidhi, Qolladaha woqooyi iyo qolladaha koonfureed oo meesha goonida ah ka soo hor jeeda waa qolladaha quduuska ah oo wadaaddada Rabbiga u soo dhowaadaa ay waxyaalaha quduuska ah ku cunaan, oo waxay halkaas dhigi doonaan waxyaalaha aad u quduuska ah, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, waayo, meeshaasu waa quduus.
14 Da zarar firistoci suka shiga wuri mai tsarki, ba za su fita zuwa filin da yake waje ba sai sun tuɓe rigunan da suka yi hidima da su, gama waɗannan masu tsarki ne. Za su sa waɗansu riguna kafin su kusaci wuraren da mutane suke.”
Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.
15 Da ya gama auna filin da yake cikin haikali, sai ya fitar da ni ta ƙofar gabas ya auna dukan filin kewaye.
Haddaba markuu qiyaasiddii daarta gudaha dhammaystiray ayuu iriddii xagga bari u sii jeedday iga bixiyey, oo wuxuu qiyaasay hareereheedii oo dhan.
16 Ya auna gefen gabas da karan awo; ya samu kamu ɗari biyar.
Dhankii bari ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur, oo cawsduurkii qiyaasta ayuu ku soo wada wareejiyey.
17 Ya auna gefen arewa da karan awon; ya samu kamu ɗari biyar.
Dhankii woqooyi cawsduurkii qiyaasta ayuu ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.
18 Ya auna gefen kudu da karan awon; ya samu kamu ɗari biyar.
Oo dhankii koonfureedna wuu ku qiyaasay cawsduurkii qiyaasta, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.
19 Sa’an nan ya juya zuwa gefen yamma ya auna shi da karan awon, ya samu kamu ɗari biya.
Oo markaasuu dhankii galbeed u leexday, oo shan boqol oo cawsduur ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay.
20 Ta haka ya auna dukan kusurwoyi huɗu. Filin yana da katanga kewaye da shi, tsawon kamu ɗari biyar, fāɗin kuma kamu ɗari biyar don yă raba wuri mai tsarki daga wuri marar tsarki.
Oo afartii dhinacba wuu ka qiyaasay, oo waxay lahayd derbi ku wareegsan oo dhererkiisu yahay shan boqol oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay shan boqol oo cawsduur, wuxuuna u kala dhexeeyey meesha quduuska ah iyo meesha aan quduuska ahayn.

< Ezekiyel 42 >