< Ezekiyel 4 >

1 “Yanzu, ɗan mutum, ka ɗauki tubalin yumɓu, ka ajiye shi a gabanka ka kuma zāna birnin Urushalima a kansa.
Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem,
2 Sa’an nan ka yi mata ƙawanya. Ka kafa mata katangar ƙawanya, ka gina katangar da ɗan tudu ka kewaye ta da dundurusai.
oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji.
3 Sa’an nan ka ɗauki kwanon ƙarfe, ka shirya shi kamar katangar ƙarfe tsakaninka da birnin ka kuma zuba mata ido. Za tă kasance a ƙarƙashin ƙawanya, kai kuwa za ka yi mata ƙawanya. Wannan zai zama alama ga gidan Isra’ila.
Oo weliba birdaawe soo qaad, oo waxaad ka dhigtaa derbi bir ah oo adiga iyo magaalada u dhexeeya, oo wejigaagana waxaad u sii jeedisaa xaggeeda, oo iyana waa la weerari doonaa, oo adiguna waa inaad iyada weerar u dhigtaa. Oo taasu calaamad bay u noqon doontaa reer binu Israa'iil.
4 “Sa’an nan ka kwanta a hagunka ka kuma sa zunubin gidan Isra’ila a kanka. Za ka ɗauki zunubinsu na waɗansu kwanakin da kake kwance a gefenka.
Oo weliba dhinacaaga bidix u jiifso, oo waxaad kor saartaa xumaantii dadka dalka Israa'iil. Maalmaha aad ku jiifto inta tiradoodu tahay oo kale ayaad xumaantooda sidi doontaa.
5 Na ɗora maka kwanaki bisa ga shekarun zunubinsu. Saboda haka cikin kwana 390 za ka ɗauki zunubin gidan Isra’ila.
Waayo, waxaan ku dul saaray sannadihii xumaantooda, inta maalmaha tiradoodu tahay saddex boqol iyo sagaashan maalmood, oo sidaasaad xumaanta dadka dalka Israa'iil u sidi doontaa.
6 “Bayan ka gama haka, ka sāke kwantawa, a wannan lokaci a gefen damarka, ka kuma ɗauki zunubin gidan Yahuda. Na ɗora maka kwanaki 40, kwana guda a madadin shekara guda.
Oo markaad intaas dhammaysid, haddana waxaad u jiifsataa dhinacaaga midig, oo waxaad afartan maalmood sidi doontaa xumaantii dadka dalka Yahuudah, maalin kastaba sannad baan kaaga dhigay.
7 Ka juya fuskarka wajen ƙawanyar Urushalima da hannunka a buɗe ka yi annabci a kanta.
Oo waxaad wejigaaga u jeedisaa weerarka Yeruusaalem xaggiisa, iyadoo gacantaadu qaawan tahay, oo waa inaad iyada wax ka sii sheegtaa.
8 Zan ɗaura ka da igiyoyi don kada ka juya daga wannan gefe zuwa wani gefe sai ka gama kwanakin ƙawanyarka.
Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga.
9 “Ka ɗauki alkama da sha’ir, wake da acca, gero da maiwa; ka sa su a tulun ajiya ka kuma yi amfani da su don yin burodi wa kanka. Za ka ci shi a kwanaki 390 da za ka kwanta a gefenka.
Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa.
10 Ka auna shekel ashirin na abinci don kowace rana ka kuma ci shi a ƙayyadadden lokaci.
Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.
11 Haka ma ka auna kashi ɗaya bisa shida na garwan ruwa ka sha shi a ƙayyadadden lokaci.
Oo biyahana waa inaad qiyaas u cabtaa, oo waxaa kuu go'an hiin lix meelood loo dhigay meeshiis, oo waa inaad goor ka goor cabtaa.
12 Ka ci abinci yadda za ka ci ƙosai sha’ir, ka gasa shi a gaban mutane, ka yi amfani da najasar mutane kamar itacen wuta.”
Oo cuntadaadana waxaad u cuntaa sida kibis shaciireed oo kale, oo waxaad ku dubataa saxaro dad iyadoo ay indhaha ku hayaan.
13 Ubangiji ya ce, “Ta haka mutanen Isra’ila za su ci ƙazantaccen abinci a cikin al’ummai inda zan kore su in kai.”
Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.
14 Sai na ce, “Ba haka ba ne, Ubangiji Mai Iko Duka! Ban taɓa ƙazantar da kaina ba. Daga ƙuruciyata har zuwa yanzu ban taɓa cin wani abin da aka samu ya mutu ko abin da namun jeji suka kashe ba. Ba nama marar tsabtan da ya taɓa shiga bakina.”
Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, naftaydu weligeed ma ay nijaasoobin, waayo, tan iyo yaraantaydii iyo ilaa haddatan marnaba ma aan cunin wax bakhtiyey ama wax bahal bakhtiistay toona, oo hilib karaahiyo ahuna innaba afkayga ma gelin.
15 Sai ya ce, “To da kyau, zan bari ka gasa burodin a kan kashin shanu a maimakon najasar mutane.”
Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, saxaro dad waxaan kuugu beddelay saalo lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.
16 Sa’an nan ya ce mini, “Ɗan mutum, zan yanke tanadin abinci a Urushalima. Mutane za su auna abincin da za su ci da tsoro su kuma auna ruwan da za su sha cikin fargaba,
Oo weliba wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal ogow, usha kibista ayaan Yeruusaalem ku dhex jebin doonaa, oo iyagu waxay kibista ku cuni doonaan miisaan iyo digtoonaan, oo biyahana waxay ku cabbi doonaan qiyaas iyo yaab,
17 domin abinci da ruwa za su kāsa. Za su damu da ganin juna za su kuma lalace saboda zunubinsu.
si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.

< Ezekiyel 4 >