< Maimaitawar Shari’a 25 >

1 Idan mūsu ya tashi tsakanin mutum biyu har abin ya kai su kotu, alƙalai kuwa suka yanke hukunci a kan batun, suka kuɓutar da marar laifi sa’an nan suka hukunta mai laifi,
Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.
2 in mai laifin ya cancanci bulala, alƙali zai sa yă kwanta a yi masa bulala a gabansa da yawan bulalan da ya dace da laifin,
Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu ahayd ha loo tiriyo.
3 amma kada yă yi masa bulala fiye da arba’in. In ya yi masa fiye da haka, za a ƙasƙantar da ɗan’uwanku, zai kuma zama rainanne a idonku.
Wuxuu ku xukumi karaa afartan karbaash, laakiinse yuusan uga sii badin, waaba intaasoo hadduu intaas uga sii badiyo oo karbaash badan la dhaco aad walaalkaa fududaysataa.
4 Kada ku yi wa saniya takunkumi sa’ad da take tattaka hatsi.
Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo.
5 In’yan’uwa suna zama tare, in ɗayansu ya mutu babu ɗa, kada gwauruwar tă yi aure waje da iyalin. Ɗan’uwan mijinta zai ɗauke ta, yă aure ta, yă kuma cika abin da yă kamaci ɗan’uwan miji yă yi.
Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo.
6 Ɗan farin da ta haifa zai ɗauki sunan ɗan’uwan da ya rasu saboda kada sunansa yă ɓace daga Isra’ila.
Si uusan ku dhintay magiciisu reer binu Israa'iil uga dhex baabbi'in ninkeedu wiilka ugu horreeya oo ay dhali doonto ha u bixiyo magicii walaalkiisii dhintay.
7 Amma fa, in mutum ba ya so yă auri matar ɗan’uwansa, sai tă tafi wurin dattawa a ƙofar gari tă ce, “Ɗan’uwan mijina ya ƙi yă wanzar da sunan ɗan’uwansa a Isra’ila. Ya ƙi yă cika abin da ya kamaci ɗan’uwan miji yă yi gare ni.”
Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo.
8 Sai dattawan garinsa su kira shi, su kuma yi masa magana. In ya nace yana cewa, “Ba na so in aure ta,”
Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo,
9 sai gwauruwan nan, matar ɗan’uwansa tă haura wurinsa a gaban dattawa, tă tuɓe takalminsa guda, ta tofa masa miyau a fuska, tă ce, “Haka za a yi ga mutumin da zai ƙi kafa gidan ɗan’uwansa.”
markaas naagta walaalkiis waa inay ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii aan dhisin reerka walaalkiis.
10 Za a kira zuriyarsa a Isra’ila Iyalin da aka tuɓe masa takalmi.
Oo magiciisa reer binu Israa'iil dhexdooda ha loogu yeedho, Reerkii kan kabtiisii laga siibay.
11 In mutane biyu suna faɗa, sai matar mutum ɗaya daga cikinsu ta zo don tă kuɓutar da mijinta daga abokin faɗarsa, ta kuma miƙa hannu ta kama marainan wancan,
Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto,
12 sai ku yanke hannunta. Kada ku ji tausayinta.
markaas waa inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.
13 Kada ku kasance da ma’auni iri biyu a jakarku, ɗaya babba, ɗaya ƙarami.
Waa inaadan kolaygaaga ku haysan miisaanno kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
14 Kada ku kasance da mudu iri biyu a jakarku, ɗaya babba, ɗaya ƙarami.
Oo waa inaadan gurigaaga ku haysan weelal qiyaaseed oo kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
15 Dole ku kasance da ma’aunin da kuma mudun da yake daidai, kuma na gaskiya, saboda ku yi tsawon rai a ƙasar da Ubangiji Allahnku yake ba ku.
Waa inaad haysataa miisaan qumman oo xaq ah, oo waa inaad haysataa weel qiyaaseed oo qumman oo xaq ah, in cimrigaagu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo.
16 Gama Ubangiji Allahnku yana ƙyamar duk mai yi waɗannan abubuwa, da kuma mai rashin gaskiya.
Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.
17 Ku tuna da abin da Amalekawa suka yi muku a hanya, sa’ad da kuka fito Masar.
Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen,
18 Yadda suka yi muku kwanto a hanya, suka fāɗa muku ta baya, suka karkashe waɗanda suka gaji tiɓis. Ba su ko ji tsoron Allah ba.
iyo siday jidka idiinkaga hor yimaadeen oo ay u laayeen dabaadigiinnii, kuwaas oo ahaa kulli intiinnii taagta darnayd oo dambaysay, markaad tabarta darnaydeen oo daallanaydeen. Iyaguse Ilaah kama ay cabsan.
19 Sa’ad da Ubangiji Allahnku ya ba ku hutu daga dukan abokan gābanku kewaye da ku, a ƙasar da yake ba ku ku mallaka a matsayin gādo, sai ku shafe Amalekawa daga duniya, don kada a ƙara tunawa da su. Kada fa ku manta!
Sidaas daraaddeed markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo taas ha illoobina.

< Maimaitawar Shari’a 25 >