< 2 Tarihi 13 >
1 A shekara ta sha takwas ta sarautar Yerobowam, Abiya ya zama sarkin Yahuda,
Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.
2 ya kuma yi mulki a Urushalima shekaru uku. Sunan mahaifiyarsa Mikahiya ce,’yar Uriyel na Gibeya. Aka kasance da yaƙe-yaƙe tsakanin Abiya da Yerobowam.
Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Miikaayaah ina Uurii'eel oo reer Gibecaah ah. Oo Abiiyaah iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray.
3 Abiya ya tafi yaƙi tare da mayaƙa dubu ɗari huɗu jarumawa, Yerobowam kuwa ya ja dāgār yaƙi a kan Abiya da mayaƙa dubu ɗari takwas jarumawa.
Oo Abiiyaah dagaal buu u baxay isagoo wata ciidan dagaalyahan ah oo xoog badan, oo waxayna ahaayeen afar boqol oo kun oo ah rag la xushay; oo Yaaraabcaamna wuxuu dagaal isaga ka gees ah u diyaariyey siddeed boqol oo kun oo nin oo ah rag la xushay oo dhammaantoodna rag xoog badan ah.
4 Abiya ya tsaya a Dutsen Zemarayim, a ƙasar tudu ta Efraim ya ce, “Yerobowam da dukan Isra’ila, ku saurare ni!
Markaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla.
5 Ba ku san cewa Ubangiji, Allah na Isra’ila ya ba da sarautar Isra’ila ga Dawuda da zuriyarsa har abada ta wurin alkawarin gishiri ba?
War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh?
6 Duk da haka Yerobowam ɗan Nebat, ma’aikacin Solomon ɗan Dawuda, ya tayar wa maigidansa,
Laakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii.
7 sai ya tara wa kansa’yan iska da mugayen mutane suka yi gāba da Rehobowam ɗan Solomon. Rehobowam lokacin kuwa ba shi da wayo, don haka bai iya tsai da su ba.
Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin.
8 “Yanzu kuna shirin yin tsayayya da mulkin Ubangiji, wanda yake a hannuwan zuriyar Dawuda. Tabbatacce ku ƙasaitacciyar mayaƙa ne kuma kuna tare da ku maruƙan zinariyar da Yerobowam ya yi domin su zama allolinku.
Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.
9 Ba ku ne kuka kori firistocin Ubangiji,’ya’yan Haruna maza, da Lawiyawa kuka kuma zaɓi firistocinku kamar yadda sauran al’ummai suke yi ba? Duk wanda ya zo ya miƙa ɗan bijimi da raguna bakwai don yă tsarkake kansa, ya zama firist na gumaka ke nan, ba na Allah ba.
Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.
10 “Gare mu kuwa, Ubangiji shi ne Allah, kuma ba mu yashe shi ba. Firistocin da suke bauta wa Ubangiji’ya’yan Haruna maza ne, Lawiyawa ne kuwa suke taimakonsu.
Laakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira.
11 Kowace safiya da kowace yamma sukan miƙa hadayun ƙonawa da turare mai ƙanshi ga Ubangiji. Sukan shirya burodi a tsarkaken tebur mai tsabta, sukan kuma ƙuna fitilu a alkukai kowace yamma. Muna kiyaye ƙa’idodin Ubangiji Allahnmu. Amma ku kun yashe shi.
Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.
12 Allah yana tare da mu; shi ne shugabanmu. Firistocinsa tare da ƙahoni za su busa kirarin yaƙi a kanku. Mutanen Isra’ila, kada ku yi yaƙi da Ubangiji Allah na kakanninku, gama ba za ku yi nasara ba.”
Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.
13 To, fa, Yerobowam ya aiki mayaƙa su zagaya daga baya, domin yayinda yake a gaban Yahuda, sai’yan kwanto su kasance a bayansu.
Laakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda.
14 Yahuda ya juya sai ya ga cewa ana yaƙe su gaba da baya. Sai suka yi kuka ga Ubangiji. Firistoci suka busa ƙahoni
Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.
15 mutanen Yahuda kuwa suka tā da kirarin yaƙi. Da ji kirarin yaƙi, Allah ya fatattake Yerobowam da dukan Isra’ila a gaban Abiya da Yahuda.
Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.
16 Isra’ilawa suka gudu a gaban Yahuda, Allah kuwa ya bashe su a hannuwansu.
Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.
17 Abiya da mutanensa suka kashe su sosai, har mutum dubu ɗari biyar suka mutu a cikin jarumawan Isra’ila.
Oo Abiiyaah iyo dadkiisiina aad bay u laayeen, oo waxaa dadkii Israa'iil ka le'day shan boqol oo kun oo ah rag la xushay.
18 Aka cinye mutanen Isra’ila a wannan lokaci, mutanen Yahuda kuwa suka yi nasara domin sun dogara ga Ubangiji Allah na kakanninsu.
Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
19 Abiya ya kori Yerobowam ya kuma ƙwace garuruwan Betel, Yeshana da Efron, tare da ƙauyukan da suke kewaye daga gare shi.
Oo Abiiyaah baa eryaday Yaaraabcaam oo wuxuu ka qabsaday magaalooyin badan kuwaasoo ahaa Beytel iyo tuulooyinkeedii, iyo Yeshaanaah iyo tuulooyinkeedii, iyo Cefroon iyo tuulooyinkeedii.
20 Yerobowam bai sāke yin ƙarfi a zamanin Abiya ba. Ubangiji ya buge shi ya kuma mutu.
Oo Yaaraabcaamna xoog dambe ma uu helin wakhtigii Abiiyaah noolaa, oo Rabbiga ayaa wax ku riday, wuuna dhintay.
21 Amma Abiya ya ƙara ƙarfi. Ya auri mata goma sha huɗu, ya kuma kasance da’ya’ya maza ashirin da biyu da kuma’ya’ya mata goma sha shida.
Laakiinse Abiiyaah wuu sii xoogaystay, oo wuxuu guursaday afar iyo toban naagood, oo wuxuuna dhalay laba iyo labaatan wiil iyo lix iyo toban gabdhood.
22 Sauran ayyukan sauratar Abiya, abin da ya yi da abin da ya faɗa, a rubuce suke a cikin rubuce-rubucen annabi Iddo.
Haddaba Abiiyaah falimihiisii kale, iyo socodkiisii, iyo hadalladiisiiba waxay ku qoran yihiin kitaabkii Nebi Iddo.