< Προς Κορινθιους Α΄ 14 >

1 διωκετε την αγαπην ζηλουτε δε τα πνευματικα μαλλον δε ινα προφητευητε
Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.
2 ο γαρ λαλων γλωσση ουκ ανθρωποις λαλει αλλα θεω ουδεις γαρ ακουει πνευματι δε λαλει μυστηρια
Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya.
3 ο δε προφητευων ανθρωποις λαλει οικοδομην και παρακλησιν και παραμυθιαν
Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.
4 ο λαλων γλωσση εαυτον οικοδομει ο δε προφητευων εκκλησιαν οικοδομει
Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.
5 θελω δε παντας υμας λαλειν γλωσσαις μαλλον δε ινα προφητευητε μειζων δε ο προφητευων η ο λαλων γλωσσαις εκτος ει μη διερμηνευη ινα η εκκλησια οικοδομην λαβη
Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.
6 νυν δε αδελφοι εαν ελθω προς υμας γλωσσαις λαλων τι υμας ωφελησω εαν μη υμιν λαλησω η εν αποκαλυψει η εν γνωσει η εν προφητεια η {VAR1: εν } {VAR2: [εν] } διδαχη
Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?
7 ομως τα αψυχα φωνην διδοντα ειτε αυλος ειτε κιθαρα εαν διαστολην τοις φθογγοις μη δω πως γνωσθησεται το αυλουμενον η το κιθαριζομενον
Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin, sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo?
8 και γαρ εαν αδηλον σαλπιγξ φωνην δω τις παρασκευασεται εις πολεμον
Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la kala garan, yaa dagaal isu diyaargarayn doona?
9 ουτως και υμεις δια της γλωσσης εαν μη ευσημον λογον δωτε πως γνωσθησεται το λαλουμενον εσεσθε γαρ εις αερα λαλουντες
Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan.
10 τοσαυτα ει τυχοι γενη φωνων εισιν εν κοσμω και ουδεν αφωνον
Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro.
11 εαν ουν μη ειδω την δυναμιν της φωνης εσομαι τω λαλουντι βαρβαρος και ο λαλων εν εμοι βαρβαρος
Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa.
12 ουτως και υμεις επει ζηλωται εστε πνευματων προς την οικοδομην της εκκλησιας ζητειτε ινα περισσευητε
Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.
13 διο ο λαλων γλωσση προσευχεσθω ινα διερμηνευη
Sidaa daraaddeed kii af ku hadlaa, Ilaah ha ka baryo si uu u fasiro.
14 εαν [γαρ] προσευχωμαι γλωσση το πνευμα μου προσευχεται ο δε νους μου ακαρπος εστιν
Waayo, haddaan Ilaah af aanan oqoon ku baryo, ruuxayga ayaa barya, laakiin garashadaydu faa'iido ma leh.
15 τι ουν εστιν προσευξομαι τω πνευματι προσευξομαι δε και τω νοι ψαλω τω πνευματι ψαλω {VAR1: [δε] } {VAR2: δε } και τω νοι
Maxaa jira haddaba? Ruuxa ayaan Ilaah ku baryi doonaa, laakiin waxaan kaloo isaga ku baryi doonaa garashada. Ruuxa ayaan ku heesi doonaa, oo garashadana waan ku heesi doonaa.
16 επει εαν ευλογης [εν] πνευματι ο αναπληρων τον τοπον του ιδιωτου πως ερει το αμην επι τη ση ευχαριστια επειδη τι λεγεις ουκ οιδεν
Haddii kale haddaad ruuxa ku ducaysid, kii meesha jooga oo aan garanaynin, sidee buu u odhan doonaa, Aamiin, markaad mahadnaqaysid, hadduusan garanaynin waxaad leedahay?
17 συ μεν γαρ καλως ευχαριστεις αλλ ο ετερος ουκ οικοδομειται
Si wanaagsan baad u mahadnaqdaa, laakiin kan kale ma dhisna.
18 ευχαριστω τω θεω παντων υμων μαλλον γλωσσαις λαλω
Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaan afaf ku hadlo intaad dhammaantiin ku hadashaan in ka badan,
19 αλλα εν εκκλησια θελω πεντε λογους τω νοι μου λαλησαι ινα και αλλους κατηχησω η μυριους λογους εν γλωσση
laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro.
20 αδελφοι μη παιδια γινεσθε ταις φρεσιν αλλα τη κακια νηπιαζετε ταις δε φρεσιν τελειοι γινεσθε
Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada.
21 εν τω νομω γεγραπται οτι εν ετερογλωσσοις και εν χειλεσιν ετερων λαλησω τω λαω τουτω και ουδ ουτως εισακουσονται μου λεγει κυριος
Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.
22 ωστε αι γλωσσαι εις σημειον εισιν ου τοις πιστευουσιν αλλα τοις απιστοις η δε προφητεια ου τοις απιστοις αλλα τοις πιστευουσιν
Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, wax sii sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan, laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta.
23 εαν ουν συνελθη η εκκλησια ολη επι το αυτο και παντες λαλωσιν γλωσσαις εισελθωσιν δε ιδιωται η απιστοι ουκ ερουσιν οτι μαινεσθε
Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?
24 εαν δε παντες προφητευωσιν εισελθη δε τις απιστος η ιδιωτης ελεγχεται υπο παντων ανακρινεται υπο παντων
Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.
25 τα κρυπτα της καρδιας αυτου φανερα γινεται και ουτως πεσων επι προσωπον προσκυνησει τω θεω απαγγελλων οτι οντως ο θεος εν υμιν εστιν
Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
26 τι ουν εστιν αδελφοι οταν συνερχησθε εκαστος ψαλμον εχει διδαχην εχει αποκαλυψιν εχει γλωσσαν εχει ερμηνειαν εχει παντα προς οικοδομην γινεσθω
Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.
27 ειτε γλωσση τις λαλει κατα δυο η το πλειστον τρεις και ανα μερος και εις διερμηνευετω
Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo, midna ha fasiro,
28 εαν δε μη η διερμηνευτης σιγατω εν εκκλησια εαυτω δε λαλειτω και τω θεω
laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aamusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah.
29 προφηται δε δυο η τρεις λαλειτωσαν και οι αλλοι διακρινετωσαν
Nebiyadana laba ama saddex ha hadleen, kuwa kalena ha kala xukumeen waxay leeyihiin.
30 εαν δε αλλω αποκαλυφθη καθημενω ο πρωτος σιγατω
Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso.
31 δυνασθε γαρ καθ ενα παντες προφητευειν ινα παντες μανθανωσιν και παντες παρακαλωνται
Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.
32 και πνευματα προφητων προφηταις υποτασσεται
Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.
33 ου γαρ εστιν ακαταστασιας ο θεος αλλα ειρηνης ως εν πασαις ταις εκκλησιαις των αγιων
Waayo, Ilaah ma aha Ilaaha iskuqasnaanta, laakiin waa kan nabadda. Kiniisadaha quduusiinta oo dhan dhexdoodana waa sidaas oo kale.
34 αι γυναικες εν ταις εκκλησιαις σιγατωσαν ου γαρ επιτρεπεται αυταις λαλειν αλλα υποτασσεσθωσαν καθως και ο νομος λεγει
Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.
35 ει δε τι {VAR1: μανθανειν } {VAR2: μαθειν } θελουσιν εν οικω τους ιδιους ανδρας επερωτατωσαν αισχρον γαρ εστιν γυναικι λαλειν εν εκκλησια
Hadday doonayaan inay wax bartaan, nimankooda ha ku weyddiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho.
36 η αφ υμων ο λογος του θεου εξηλθεν η εις υμας μονους κατηντησεν
Maxaa jira! Ma idinkay ahaayeen kuwii uu ereyga Ilaah ka soo baxay, mise keligiin buu idiin yimid?
37 ει τις δοκει προφητης ειναι η πνευματικος επιγινωσκετω α γραφω υμιν οτι κυριου εστιν εντολη
Nin uun hadduu isu maleeyo inuu nebi yahay, ama mid Ruuxa raaca, ha garto waxyaalahaan idiin soo qorayo inay yihiin qaynuunka Rabbiga.
38 ει δε τις αγνοει αγνοειται
Nin uuni hadduusan ogayn tan, isagana lama yaqaan.
39 ωστε αδελφοι {VAR1: μου } {VAR2: [μου] } ζηλουτε το προφητευειν και το λαλειν μη κωλυετε γλωσσαις
Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo,
40 παντα δε ευσχημονως και κατα ταξιν γινεσθω
laakiin wax walba ha loo sameeyo si habboon oo hagaagsan.

< Προς Κορινθιους Α΄ 14 >