< Προς Εβραιους 5 >
1 Πᾶς γὰρ ἀρχιερεὺς ἐξ ἀνθρώπων λαμβανόμενος ὑπὲρ ἀνθρώπων καθίσταται τὰ πρὸς τὸν θεόν, ἵνα προσφέρῃ δῶρά τε καὶ θυσίας ὑπὲρ ἁμαρτιῶν,
Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.
2 μετριοπαθεῖν δυνάμενος τοῖς ἀγνοοῦσιν καὶ πλανωμένοις, ἐπεὶ καὶ αὐτὸς περίκειται ἀσθένειαν,
Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.
3 καὶ δι’ αὐτὴν ὀφείλει καθὼς περὶ τοῦ λαοῦ οὕτως καὶ περὶ ἑαυτοῦ προσφέρειν περὶ ἁμαρτιῶν.
Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.
4 καὶ οὐχ ἑαυτῷ τις λαμβάνει τὴν τιμήν, ἀλλὰ καλούμενος ὑπὸ τοῦ θεοῦ, καθώσπερ καὶ Ἀαρών.
Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay.
5 οὕτως καὶ ὁ Χριστὸς οὐχ ἑαυτὸν ἐδόξασεν γενηθῆναι ἀρχιερέα, ἀλλ’ ὁ λαλήσας πρὸς αὐτόν, υἱός μου εἶ σύ, ἐγὼ σήμερον γεγέννηκά σε·
Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
6 καθὼς καὶ ἐν ἑτέρῳ λέγει, σὺ ἱερεὺς εἰς τὸν αἰῶνα κατὰ τὴν τάξιν Μελχισέδεκ. (aiōn )
Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq. (aiōn )
7 ὃς ἐν ταῖς ἡμέραις τῆς σαρκὸς αὐτοῦ, δεήσεις τε καὶ ἱκετηρίας πρὸς τὸν δυνάμενον σῴζειν αὐτὸν ἐκ θανάτου μετὰ κραυγῆς ἰσχυρᾶς καὶ δακρύων προσενέγκας καὶ εἰσακουσθεὶς ἀπὸ τῆς εὐλαβείας,
Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
8 καίπερ ὢν υἱὸς ἔμαθεν ἀφ’ ὧν ἔπαθεν τὴν ὑπακοήν·
In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday;
9 καὶ τελειωθεὶς ἐγένετο πᾶσιν τοῖς ὑπακούουσιν αὐτῷ αἴτιος σωτηρίας αἰωνίου, (aiōnios )
oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah. (aiōnios )
10 προσαγορευθεὶς ὑπὸ τοῦ θεοῦ ἀρχιερεὺς κατὰ τὴν τάξιν Μελχισέδεκ.
Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.
11 Περὶ οὗ πολὺς ἡμῖν ὁ λόγος καὶ δυσερμήνευτος λέγειν, ἐπεὶ νωθροὶ γεγόνατε ταῖς ἀκοαῖς.
Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis.
12 καὶ γὰρ ὀφείλοντες εἶναι διδάσκαλοι διὰ τὸν χρόνον, πάλιν χρείαν ἔχετε τοῦ διδάσκειν ὑμᾶς τινὰ τὰ στοιχεῖα τῆς ἀρχῆς τῶν λογίων τοῦ θεοῦ, καὶ γεγόνατε χρείαν ἔχοντες γάλακτος, οὐ στερεᾶς τροφῆς.
Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.
13 πᾶς γὰρ ὁ μετέχων γάλακτος ἄπειρος λόγου δικαιοσύνης, νήπιος γάρ ἐστιν·
Waayo, mid kasta oo ay cuntadiisu caano tahay aqoon uma laha hadalka xaqnimada, waayo, waa ilmo yar.
14 τελείων δέ ἐστιν ἡ στερεὰ τροφή, τῶν διὰ τὴν ἕξιν τὰ αἰσθητήρια γεγυμνασμένα ἐχόντων πρὸς διάκρισιν καλοῦ τε καὶ κακοῦ.
Laakiin cuntada adag waxaa leh dadka waaweyn oo ah kuwa ku isticmaalidda kaskooda ku kala garta wanaagga iyo xumaanta.