< Προς Κολοσσαεις 4 >
1 Οἱ κύριοι τὸ δίκαιον καὶ τὴν ἰσότητα τοῖς δούλοις παρέχεσθε, εἰδότες ὅτι καὶ ὑμεῖς ἔχετε Κύριον ἐν οὐρανοῖς.
Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.
2 Τῇ προσευχῇ προσκαρτερεῖτε, γρηγοροῦντες ἐν αὐτῇ ἐν εὐχαριστίᾳ,
Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.
3 προσευχόμενοι ἅμα καὶ περὶ ἡμῶν, ἵνα ὁ Θεὸς ἀνοίξῃ ἡμῖν θύραν τοῦ λόγου, λαλῆσαι τὸ μυστήριον τοῦ Χριστοῦ, δι᾽ ὃ καὶ δέδεμαι,
Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay;
4 ἵνα φανερώσω αὐτὸ ὡς δεῖ με λαλῆσαι.
inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo.
5 Ἐν σοφίᾳ περιπατεῖτε πρὸς τοὺς ἔξω, τὸν καιρὸν ἐξαγοραζόμενοι.
Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.
6 ὁ λόγος ὑμῶν πάντοτε ἐν χάριτι, ἅλατι ἠρτυμένος, εἰδέναι πῶς δεῖ ὑμᾶς ἑνὶ ἑκάστῳ ἀποκρίνεσθαι.
Mar kasta hadalkiinnu nimco ha lahaado isagoo cusbo lagu daray, inaad ogaataan sida idinku waajibka ah inaad mid kasta ugu jawaabtaan.
7 Τὰ κατ᾽ ἐμὲ πάντα γνωρίσει ὑμῖν Τυχικὸς ὁ ἀγαπητὸς ἀδελφὸς καὶ πιστὸς διάκονος καὶ σύνδουλος ἐν Κυρίῳ,
Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.
8 ὃν ἔπεμψα πρὸς ὑμᾶς εἰς αὐτὸ τοῦτο, ἵνα γνῷ τὰ περὶ ὑμῶν καὶ παρακαλέσῃ τὰς καρδίας ὑμῶν,
Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,
9 σὺν Ὀνησίμῳ τῷ πιστῷ καὶ ἀγαπητῷ ἀδελφῷ, ὅς ἐστιν ἐξ ὑμῶν· πάντα ὑμῖν γνωριοῦσι τὰ ὧδε.
oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.
10 Ἀσπάζεται ὑμᾶς Ἀρίσταρχος ὁ συναιχμάλωτός μου, καὶ Μᾶρκος ὁ ἀνεψιὸς Βαρνάβα, — περὶ οὗ ἐλάβετε ἐντολάς· ἐὰν ἔλθῃ πρὸς ὑμᾶς, δέξασθε αὐτόν, —
Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala.
11 καὶ Ἰησοῦς ὁ λεγόμενος Ἰοῦστος, οἱ ὄντες ἐκ περιτομῆς, οὗτοι μόνοι συνεργοὶ εἰς τὴν βασιλείαν τοῦ Θεοῦ, οἵτινες ἐγενήθησάν μοι παρηγορία.
Weliba waxaa idin soo salaamaya Ciise oo la yidhaahdo Yuustos. Kuwaas oo ka mid ah kuwa gudan ayaa ah kuwa keliya oo iila shaqeeya boqortooyada Ilaah, iyagoo ii noqday kuwo i dhiirrigeliyey.
12 ἀσπάζεται ὑμᾶς Ἐπαφρᾶς ὁ ἐξ ὑμῶν, δοῦλος Χριστοῦ, πάντοτε ἀγωνιζόμενος ὑπὲρ ὑμῶν ἐν ταῖς προσευχαῖς, ἵνα στῆτε τέλειοι καὶ πεπληρωμένοι ἐν παντὶ θελήματι τοῦ Θεοῦ·
Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.
13 μαρτυρῶ γὰρ αὐτῷ ὅτι ἔχει ζῆλον πολὺν ὑπὲρ ὑμῶν καὶ τῶν ἐν Λαοδικείᾳ καὶ τῶν ἐν Ἱεραπόλει.
Waxaan ugu markhaati furayaa inuu u hawshoodo idinka aawadiin iyo kuwa La'odikiya jooga iyo kuwa Hi'erabolis jooga aawadood.
14 ἀσπάζεται ὑμᾶς Λουκᾶς ὁ ἰατρὸς ὁ ἀγαπητὸς καὶ Δημᾶς.
Waxaa idin soo salaamaya Luukos oo ah gacaliyaha dakhtarkaa iyo Deemaas.
15 ἀσπάσασθε τοὺς ἐν Λαοδικείᾳ ἀδελφοὺς καὶ Νυμφᾶν καὶ τὴν κατ᾽ οἶκον αὐτοῦ ἐκκλησίαν·
Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.
16 καὶ ὅταν ἀναγνωσθῇ παρ᾽ ὑμῖν ἡ ἐπιστολή, ποιήσατε ἵνα καὶ ἐν τῇ Λαοδικέων ἐκκλησίᾳ ἀναγνωσθῇ, καὶ τὴν ἐκ Λαοδικείας ἵνα καὶ ὑμεῖς ἀναγνῶτε.
Warqaddan markii laydinka dhex akhriyo, haddana ha laga dhex akhriyo kiniisadda reer La'odikiya, oo idinkuna akhrista warqadda aad La'odikiya ka heli doontaan.
17 καὶ εἴπατε Ἀρχίππῳ· βλέπε τὴν διακονίαν ἣν παρέλαβες ἐν Κυρίῳ, ἵνα αὐτὴν πληροῖς.
Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.
18 Ὁ ἀσπασμὸς τῇ ἐμῇ χειρὶ Παύλου. μνημονεύετέ μου τῶν δεσμῶν. Ἡ χάρις μεθ᾽ ὑμῶν· ἀμήν.
Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.