< Lévitique 11 >

1 Et l'Éternel parla à Moïse et Aaron et leur dit:
Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi.
2 Parlez aux enfants d'Israël en ces termes: Voici les animaux que vous pouvez manger parmi toutes les bêtes qui sont sur la terre.
Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,
3 Tout animal ayant le pied fourché et la corne fendue de part en part et qui rumine, vous servira d'aliment;
Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.
4 parmi ceux qui ruminent et ont le pied fourché, voici seulement ceux dont vous vous abstiendrez, le chameau, car il rumine, mais n'a pas la corne fendue de part en part; vous le tiendrez pour impur;
Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
5 et la gerboise, car elle rumine, mais n'a pas de corne fendue de part en part; vous la tiendrez pour impure;
Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.
6 et le lièvre, car il rumine, mais n'a pas de corne fendue de part en part; vous le tiendrez pour impur;
Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
7 et le porc, car il a bien le pied fourché et une corne fendue de part en part, mais il ne rumine pas; vous le tiendrez pour impur.
Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.
8 Vous ne mangerez pas de leur chair, ni ne toucherez leurs corps morts; vous les tiendrez pour impurs.
Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.
9 Parmi les animaux qui sont dans les eaux, ceux que vous pouvez manger sont tous ceux qui portent nageoires et écailles dans les eaux, les mers, les rivières, ils vous serviront d'aliments;
Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.
10 mais tous ceux qui ne portent pas nageoires et écailles dans les mers et les rivières parmi tous ceux qui fourmillent dans les eaux et les êtres qui vivent dans les eaux, seront pour vous une souillure.
Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.
11 Ils seront pour vous une souillure; vous ne mangerez point de leur chair, vous regarderez leur corps mort comme immonde.
Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.
12 Tout ce qui dans les eaux ne porte pas nageoires et écailles sera pour vous immonde.
Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.
13 Et parmi les oiseaux voici ceux que vous regarderez comme immondes, qui ne se mangeront pas, qui seront pour vous une souillure, l'aigle et l'orfraie et l'aigle de mer,
Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,
14 et le faucon et l'espèce de l'émerillon,
iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,
15 toutes les espèces de corbeaux,
iyo cayn kasta oo tuke ah,
16 et l'autruche femelle et l'autruche mâle et la mouette, et l'espèce du vautour
iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,
17 et le hibou et le pélican sauteur et l'ibis,
iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,
18 et le cygne et le pélican et le percnoptère
iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,
19 et la cigogne et l'espèce du perroquet et la huppe et la chauve-souris.
iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.
20 Vous regarderez comme immonde tout insecte ailé marchant sur quatre pieds.
Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.
21 Les seuls insectes ailés marchant sur quatre pieds qui vous serviront d'aliments sont ceux qui ont les pieds surmontés de jambes pour sauter sur la terre.
Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,
22 Ceux de cette famille que vous mangerez, sont l'espèce de l'arbeh, l'espèce du solam, et l'espèce du hargal, et l'espèce du hagab.
iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.
23 Mais tous les autres insectes ailés à quatre pieds seront immondes pour vous; ils vous rendront impurs,
Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.
24 quiconque aura touché leurs corps morts, sera jusqu'au soir en état d'impureté,
Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,
25 et quiconque aura porté de leurs corps morts, lavera ses habits et sera jusqu'au soir en état d'impureté.
oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
26 Vous tiendrez pour immonde tout animal qui a le pied fourché, mais n'a pas une corne fendue de part en part et ne rumine pas; quiconque le touchera sera en état d'impureté.
Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.
27 Et tout ce qui marche sur ses pattes et tous les animaux qui marchent sur quatre pieds, vous les tiendrez pour immondes,
Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
28 et quiconque touchera leurs corps morts sera jusqu'au soir en état d'impureté. Et celui qui portera leurs corps morts, lavera ses habits et sera jusqu'au soir en état d'impureté; vous les regarderez comme immondes.
Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.
29 Et parmi les menus animaux qui frétillent sur la terre, vous tiendrez pour impurs les taupes, les souris et les lézards selon leur espèce,
Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,
30 et l'Anaka et le Coch, et la Letaa et le colimaçon et le caméléon.
iyo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca, iyo jirjirroolaha.
31 Tenez-les pour impurs parmi tous ceux qui frétillent; quiconque les touchera morts, sera jusqu'au soir en état d'impureté.
Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.
32 Et tout objet sur lequel tombera un de ces animaux morts sera souillé, meuble quelconque de bois, ou vêtements, ou cuir, ou sac, tout ustensile servant à un usage quelconque; il sera mis dans l'eau et restera souillé jusqu'au soir, après quoi il se retrouvera pur.
Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.
33 Et tout vase de terre dans lequel il en tombera sera souillé avec tout son contenu, et vous briserez le vase.
Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.
34 Et tout comestible sur lequel il tombera de cette eau sera souillé, et toute liqueur à boire contenue dans ce vase sera souillée.
Oo waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.
35 Et tout objet sur lequel il tombera quelque chose de leurs corps morts, sera souillé, fourneau et foyer seront mis en pièces, comme souillés, et vous devez les regarder comme immondes.
Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.
36 Les sources, les citernes et les réservoirs d'eau seuls n'en contracteront point de souillure. Mais quiconque touchera leur corps mort, tombera en état d'impureté.
Habase yeeshee il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda taabtaa way nijaasoobayaan.
37 S'il tombe quelque chose de leur corps mort sur une semence quelconque qui doit être semée, elle ne cessera pas d'être pure;
Oo wax baqtigooda ahu hadday ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir.
38 mais si l'on a humecté cette semence et qu'il y tombe quelque chose de leurs corps morts, tenez-la pour souillée.
Laakiinse abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka nijaas.
39 Et si l'un des animaux qui vous servent d'aliment, périt, celui qui touchera son corps mort sera jusqu'au soir en état d'impureté.
Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
40 Et celui qui mangera de son corps mort lavera ses habits et sera jusqu'au soir en état d'impureté; et celui qui portera son corps mort lavera ses habits et sera jusqu'au soir en état d'impureté.
Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
41 Et tout reptile rampant sur la terre sera pour vous un animal immonde dont vous ne ferez pas un aliment.
Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.
42 En fait de reptiles rampant sur la terre, tous ceux qui se traînent sur le ventre et tous ceux qui marchent sur quatre pieds ou plus, quel qu'en soit le nombre, ne vous serviront point d'aliment: ce sont des souillures.
Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.
43 Ne souillez vos personnes par aucun reptile qui se traîne, et ne vous exposez pas à leur contact immonde pour tomber par là dans l'état d'impureté.
Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.
44 Car je suis l'Éternel, votre Dieu, et vous devez vous sanctifier et être saints, car je suis Saint, et éviter de souiller vos personnes par aucun des reptiles qui se traînent sur la terre.
Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.
45 Car je suis l'Éternel qui vous ai retirés du pays d'Egypte, pour être votre Dieu: Soyez donc saints, car je suis Saint.
Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.
46 Telle est la loi qui parmi les bestiaux et les oiseaux et tous les êtres vivants qui se meuvent dans les eaux, et tous les êtres vivants qui rampent sur la terre,
Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;
47 vous apprendra à discerner ce qui est pur ou impur, l'animal qui se mange et celui qui ne se mange pas.
si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.

< Lévitique 11 >