< Deutéronome 31 >

1 Puis Moïse s'en alla, et tint ces discours à tout Israël;
Markaasaa Muuse tegey oo erayadan kula hadlay reer binu Israa'iil oo dhan.
2 Et leur dit: Je suis aujourd'hui âgé de six vingts ans, je ne pourrai plus aller ni venir; aussi l'Eternel m'a dit: Tu ne passeras point ce Jourdain.
Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.
3 L'Eternel ton Dieu passera lui-même devant toi; il exterminera ces nations-là devant toi, et tu posséderas leur pays; [et] Josué est celui qui doit passer devant toi, comme l'Eternel en a parlé.
Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.
4 Et l'Eternel leur fera comme il a fait à Sihon et à Hog, Rois des Amorrhéens, et à leurs pays, lesquels il a exterminés.
Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.
5 Et l'Eternel les livrera devant vous, et vous leur ferez entièrement selon le commandement que je vous ai prescrit.
Oo Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan.
6 Fortifiez-vous donc et vous renforcez; ne craignez point, et ne soyez point effrayés à cause d'eux; car c'est l'Eternel ton Dieu qui marche avec toi; il ne te délaissera point, et ne t'abandonnera point.
Haddaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono.
7 Et Moïse appela Josué, et lui dit en la présence de tout Israël: Fortifie-toi, et te renforce, car tu entreras avec ce peuple au pays que l'Eternel a juré à leurs pères de leur donner, et c'est toi qui les en mettras en possession.
Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.
8 Car l'Eternel, qui est celui qui marche devant toi, sera lui-même avec toi; il ne te délaissera point, et ne t'abandonnera point; ne crains donc point, et ne sois point effrayé.
Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.
9 Or Moïse écrivit cette Loi, et la donna aux Sacrificateurs, enfants de Lévi, qui portaient l'Arche de l'alliance de l'Eternel, et à tous les Anciens d'Israël.
Markaasaa Muuse sharcigan qoray, oo wuxuu u dhiibay wadaaddadii reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.
10 Et Moïse leur commanda, en disant: De sept ans en sept ans, au temps précis de l'année de relâche, en la fête des Tabernacles;
Markaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi, Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda, oo ah Iidda Waababka,
11 Quand tout Israël sera venu pour comparaître devant la face de l'Eternel ton Dieu, au lieu qu'il aura choisi, tu liras alors cette Loi devant tout Israël, eux l'entendant.
markii reer binu Israa'iil oo dhammu ay u yimaadaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meesha uu dooranayo, waa inaad sharcigan ku akhridaan reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo maqlaya.
12 Ayant assemblé le peuple, hommes et femmes, et leurs petits enfants, et ton étranger qui sera dans tes portes, afin qu'ils l'entendent, et qu'ils apprennent à craindre l'Eternel votre Dieu, et qu'ils prennent garde de faire toutes les paroles de cette Loi.
Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,
13 Et que leurs enfants qui n'en auront point eu connaissance, l'entendent, et apprennent à craindre l'Eternel votre Dieu tous les jours que vous serez vivants sur la terre pour laquelle posséder vous passez le Jourdain.
iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
14 Alors l'Eternel dit à Moïse: Voici, le jour de ta mort est proche, appelle Josué, et présentez-vous au Tabernacle d'assignation, afin que je l'instruise de sa charge. Moïse donc et Josué allèrent, et se présentèrent au Tabernacle d'assignation.
Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii shirka isdhex taageen.
15 Et l'Eternel apparut sur le Tabernacle dans la colonne de nuée; et la colonne de nuée s'arrêta sur l'entrée du Tabernacle.
Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada.
16 Et l'Eternel dit à Moïse: Voici, tu t'en vas dormir avec tes pères, et ce peuple se lèvera, et paillardera après les dieux des étrangers qui sont au pays où il va, pour être parmi eux, et il m'abandonnera, et enfreindra mon alliance que j'ai traitée avec lui.
Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan.
17 En ce jour-là ma colère s'enflammera contre lui; je les abandonnerai, je cacherai ma face d'eux, il sera exposé en proie, plusieurs maux et angoisses le trouveront; et il dira en ce jour-là: N'est-ce pas à cause que mon Dieu n'est point au milieu de moi, que ces maux-ci m'ont trouvé?
Oo kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin?
18 En ce jour-là, [dis-je], je cacherai entièrement ma face, à cause de tout le mal qu'il aura fait, parce qu'il se sera détourné vers d'autres dieux.
Oo anna hubaal maalintaas wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay, iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale.
19 Maintenant donc écrivez ce cantique, et l'enseignez aux enfants d'Israël; mets-le dans leur bouche, afin que ce cantique me serve de témoin contre les enfants d'Israël.
Haddaba gabaygan qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah.
20 Car je l'introduirai en la terre découlante de lait et de miel, de laquelle j'ai juré à ses pères, et il mangera et sera rassasié, et engraissé; puis il se détournera vers d'autres dieux, et ils les serviront, et ils m'irriteront par mépris, et enfreindront mon alliance.
Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.
21 Et il arrivera que quand plusieurs maux et angoisses les auront trouvés, ce cantique déposera contre eux comme témoin; parce qu'il ne sera point oublié pour n'être plus en la bouche de leur postérité; car je connais leur imagination, [et] ce qu'ils font déjà aujourd'hui, avant que je les introduise au pays duquel j'ai juré.
Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.
22 Ainsi Moïse écrivit ce cantique en ce jour-là, et l'enseigna aux enfants d'Israël.
Sidaas daraaddeed Muuse ayaa gabaygan isla maalintaas qoray oo reer binu Israa'iil baray.
23 Et l'Eternel commanda à Josué, fils de Nun, en disant: Fortifie-toi, et te renforce, car c'est toi qui introduiras les enfants d'Israël au pays duquel je leur ai juré; et je serai avec toi.
Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.
24 Et il arriva que quand Moïse eut achevé d'écrire les paroles de cette Loi dans un livre, sans qu'il en manquât rien;
Oo markii Muuse dhammaystiray sharcigan erayadiisii oo uu kitaab ku qoray ilaa ay wada dhammaadeen,
25 Il commanda aux Lévites qui portaient l'Arche de l'alliance de l'Eternel, en disant:
ayaa Muuse amray reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi iyagii,
26 Prenez ce livre de la Loi, et mettez-le à côté de l'Arche de l'alliance de l'Eternel votre Dieu, et il sera là pour témoin contre toi.
Kitaabkan sharciga qaada, oo waxaad ag dhigtaan sanduuqa axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah inuu halkaas ku ahaado markhaati idinka gees ah.
27 Car je connais ta rébellion et ton cou roide. Voici, moi étant encore aujourd'hui avec vous, vous avez été rebelles contre l'Eternel, combien plus donc le serez-vous après ma mort?
Waayo, caasinimadiinna iyo madax adkaantiinna waan aqaan. Bal eeg, intaan weli noolahay oo aan maantadan idinla joogo caasiyiin baad ku ahaydeen Rabbiga, haddaba intee baad ka sii darnaan doontaan markaan dhinto dabadeed?
28 Faites assembler vers moi tous les Anciens de vos Tribus, et vos officiers, et je dirai ces paroles, eux les entendant, et j'appellerai à témoin contr'eux les cieux et la terre.
Haddaba bal ii soo shiriya odayaasha qabiilooyinkiinna oo dhan iyo saraakiishiinna aan erayadan dhegahooda kula hadlee, oo aan samada iyo dhulkana u yeedha iyaga ha ku marag fureene.
29 Car je sais qu'après ma mort vous ne manquerez point de vous corrompre, et que vous vous détournerez de la voie que je vous ai prescrite; mais à la fin il vous arrivera du mal, parce que vous aurez fait ce qui déplaît à l'Eternel, en l'irritant par les œuvres de vos mains.
Waayo, waan ogahay in markaan dhinto dabadeed aad iskharribi doontaan, oo aad jidkii aan idinku amrayna gees uga leexan doontaan, oo ugu dambaystana masiibo baa idinku dhici doonta, maxaa yeelay, waxaad samayn doontaan wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, inaad isaga kaga xanaajisaan shuqulka aad gacmihiinna ku samaysaan.
30 Ainsi Moïse prononça les paroles de ce cantique-ci sans qu'il s'en manquât rien, toute l'assemblée d'Israël l'entendant.
Kolkaasaa Muuse shirkii reer binu Israa'iil oo dhan dhegahoodii kula hadlay erayadii gabaygan ilaa ay wada dhammaadeen.

< Deutéronome 31 >