< Lévitique 24 >

1 L’Éternel parla à Moïse, et dit:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Ordonne aux enfants d’Israël de t’apporter pour le chandelier de l’huile pure d’olives concassées, afin d’entretenir les lampes continuellement.
Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.
3 C’est en dehors du voile qui est devant le témoignage, dans la tente d’assignation, qu’Aaron la préparera, pour que les lampes brûlent continuellement du soir au matin en présence de l’Éternel. C’est une loi perpétuelle pour vos descendants.
Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab.
4 Il arrangera les lampes sur le chandelier d’or pur, pour qu’elles brûlent continuellement devant l’Éternel.
Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.
5 Tu prendras de la fleur de farine, et tu en feras douze gâteaux; chaque gâteau sera de deux dixièmes.
Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa.
6 Tu les placeras en deux piles, six par pile, sur la table d’or pur devant l’Éternel.
Oo waa inaad laba saf u dhigtaa oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah oo Rabbiga hortiisa yaal.
7 Tu mettras de l’encens pur sur chaque pile, et il sera sur le pain comme souvenir, comme une offrande consumée par le feu devant l’Éternel.
Oo saf kastaba waxaad ku shubtaa foox saafi ah, si uu kibista ugu noqdo xusuus, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
8 Chaque jour de sabbat, on rangera ces pains devant l’Éternel, continuellement: c’est une alliance perpétuelle qu’observeront les enfants d’Israël.
Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa'iil u yahay axdi weligiis ah.
9 Ils appartiendront à Aaron et à ses fils, et ils les mangeront dans un lieu saint; car ce sera pour eux une chose très sainte, une part des offrandes consumées par le feu devant l’Éternel. C’est une loi perpétuelle.
Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.
10 Le fils d’une femme israélite et d’un homme égyptien, étant venu au milieu des enfants d’Israël, se querella dans le camp avec un homme israélite.
Oo naag reer binu Israa'iil ah wiilkeed, oo aabbihiis uu Masri ahaa ayaa reer binu Israa'iil dhex galay, oo wiilkii naagta reer binu Israa'iil iyo nin reer binu Israa'iil ah ayaa xerada dhexdeedii ku diriray.
11 Le fils de la femme israélite blasphéma et maudit le nom de Dieu. On l’amena à Moïse. Sa mère s’appelait Schelomith, fille de Dibri, de la tribu de Dan.
Markaasaa naagtii reer binu Israa'iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray, oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan.
12 On le mit en prison, jusqu’à ce que Moïse eût déclaré ce que l’Éternel ordonnerait.
Oo isagiina way xidheen ilaa xukunkiisu ka soo baxo afka Rabbiga.
13 L’Éternel parla à Moïse, et dit:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
14 Fais sortir du camp le blasphémateur; tous ceux qui l’ont entendu poseront leurs mains sur sa tête, et toute l’assemblée le lapidera.
Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.
15 Tu parleras aux enfants d’Israël, et tu diras: Quiconque maudira son Dieu portera la peine de son péché.
Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.
16 Celui qui blasphémera le nom de l’Éternel sera puni de mort: toute l’assemblée le lapidera. Qu’il soit étranger ou indigène, il mourra, pour avoir blasphémé le nom de Dieu.
Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.
17 Celui qui frappera un homme mortellement sera puni de mort.
Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.
18 Celui qui frappera un animal mortellement le remplacera: vie pour vie.
Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.
19 Si quelqu’un blesse son prochain, il lui sera fait comme il a fait:
Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.
20 fracture pour fracture, œil pour œil, dent pour dent; il lui sera fait la même blessure qu’il a faite à son prochain.
Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.
21 Celui qui tuera un animal le remplacera, mais celui qui tuera un homme sera puni de mort.
Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.
22 Vous aurez la même loi, l’étranger comme l’indigène; car je suis l’Éternel, votre Dieu.
Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
23 Moïse parla aux enfants d’Israël; ils firent sortir du camp le blasphémateur, et ils le lapidèrent. Les enfants d’Israël se conformèrent à l’ordre que l’Éternel avait donné à Moïse.
Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

< Lévitique 24 >