< 1 Chroniques 14 >

1 Hiram, roi de Tyr, envoya une députation à David, avec du bois de cèdre, des maçons et des charpentiers pour lui bâtir une maison.
Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo wastaadyo, iyo nijaarro, inay guri u dhisaan.
2 Et David reconnut que le Seigneur l’avait destiné à régner sur Israël, et lui avait accordé une royauté glorieuse en faveur de son peuple Israël.
Oo Daa'uud wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, waayo, boqortooyadiisii waa la sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.
3 David prit encore des épouses dans Jérusalem, et il engendra encore des fils et des filles.
Oo Daa'uudna naago kale buu Yeruusaalem ku guursaday, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdho kale.
4 Voici les noms de ceux qui lui naquirent à Jérusalem: Chammoua, Chobab, Nathan et Salomon;
Oo carruurtii Yeruusaalem ugu dhalatay magacyadoodiina waa kuwan: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,
5 Yibhar, Elichoua, Elpélet;
iyo Yibxaar, iyo Eliishuuca, iyo Elfaaled,
6 Nogah, Néfeg et Yafia;
iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,
7 Elichama, Beélyada et Elifélet.
iyo Eliishaamaac, iyo Becelyaadaac, iyo Eliifeled.
8 Les Philistins, ayant su que David avait été oint comme roi de tout Israël, montèrent tous pour chercher à le prendre; David l’apprit et sortit à leur rencontre.
Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.
9 Les Philistins étaient arrivés et s’étaient déployés dans la vallée de Refaïm.
Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.
10 Alors David consulta Dieu en disant: "Dois-je monter vers les Philistins? Les livreras-tu entre mes mains?" Le Seigneur répondit à David: "Monte, je les livrerai entre tes mains.
Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, iyaga waan kuu soo gacangelinayaa.
11 On monta à Baal-Peraçim, et David les y battit. Et il dit: "Dieu a dispersé mes ennemis par ma main, comme une eau débordée." C’Est pour cela que cet endroit fut nommé Baal-Peracim.
Hadda waxay yimaadeen Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu gacantayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Bacal Feraasiim.
12 Ils laissèrent là leurs idoles, qui furent brûlées sur l’ordre de David.
Iyana halkaasay ilaahyadoodii kaga tageen, markaasaa Daa'uud amar ku bixiyey in la gubo.
13 Mais de nouveau les Philistins se déployèrent dans la vallée.
Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.
14 David consulta encore Dieu, et Dieu lui répondit: "Ne monte pas à leur suite: fais un demi-tour et marche sur eux du côté des bekhaïm.
Oo Daa'uudna mar kaluu Rabbiga wax weyddiiyey, oo Ilaahna wuxuu ku yidhi, Waa inaanad ka daba kicin, laakiinse iyaga ka leexo, oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.
15 Or, lorsque tu entendras un bruit de pas sur les cimes des bekhaïm, engage le combat, car alors Dieu sera venu à ton secours, pour que tu battes l’armée des Philistins."
Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, markaas dagaalka hore ugu bax, waayo, Ilaah waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.
16 David se conforma aux instructions de Dieu, et ils battirent l’armée des Philistins depuis Ghibôn jusqu’à Ghézer.
Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.
17 Et la renommée de David se répandit dans tous les pays, et l’Eternel imprima sa terreur à toutes les nations.
Oo Daa'uud warkiisiina wuxuu gaadhay dalalka oo dhan, oo Rabbiguna cabsi isaga ka timid ayuu ku riday quruumihii kale oo dhan.

< 1 Chroniques 14 >