< 2 Corinthiens 9 >
1 Il est en effet inutile que je vous écrive au sujet du service des saints,
Looma baahna inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadda xagga quduusiinta,
2 car je connais votre empressement, dont je me vante en votre nom à ceux de Macédoine, que l'Achaïe a été préparée depuis un an. Votre zèle en a suscité un très grand nombre.
waayo, waan garanayaa diyaarnimadiinna aan kuwa Makedoniya idinku faaniyey, in dadka Akhaya sannaddii hore ay diyaar ahaayeen, oo jacaylkiinna kulaylkiisuna badidood buu sii kiciyey.
3 Mais j'ai envoyé les frères pour que notre vantardise en votre faveur ne soit pas vaine à cet égard, afin que, comme je l'ai dit, vous soyez préparés,
Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,
4 de peur que, si quelqu'un de Macédoine y vient avec moi et vous trouve non préparés, nous (sans parler de vous) ne soyons déçus dans cette vantardise confiante.
waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.
5 J'ai donc pensé qu'il était nécessaire de prier les frères de vous précéder et d'organiser à l'avance le don généreux que vous aviez promis auparavant, afin que ce don soit prêt par générosité et non par cupidité.
Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.
6 Sachez que celui qui sème avec parcimonie récoltera aussi avec parcimonie. Celui qui sème abondamment récoltera aussi abondamment.
Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.
7 Que chacun donne selon ce qu'il a décidé dans son cœur, sans réticence ni contrainte, car Dieu aime celui qui donne avec joie.
Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.
8 Et Dieu peut vous faire abonder toute grâce, afin que, disposant toujours de toute suffisance en toutes choses, vous abondiez pour toute bonne œuvre.
Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;
9 Selon qu'il est écrit, « Il a dispersé les gens. Il a donné aux pauvres. Sa justice demeure à jamais. » (aiōn )
sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba. (aiōn )
10 Or, que celui qui fournit la semence au semeur et le pain pour la nourriture, fournisse et multiplie votre semence pour les semailles, et augmente les fruits de votre justice,
Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna.
11 vous enrichissant en tout pour toute la générosité qui produit les actions de grâces à Dieu par nous.
Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.
12 En effet, la libéralité dont vous vous acquittez, non seulement comble les manques parmi les saints, mais encore abonde en actions de grâces envers Dieu,
Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo.
13 car, par la preuve qu'elle apporte, ils glorifient Dieu pour l'obéissance de votre confession à la Bonne Nouvelle du Christ et pour la générosité de votre contribution à leur égard et à l'égard de tous,
Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan.
14 tandis qu'eux-mêmes, en vous suppliant, aspirent à vous à cause de l'immense grâce de Dieu en vous.
Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed.
15 Grâces soient rendues à Dieu pour son don ineffable!
Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.