< 1 Rois 19 >

1 Achab raconta à Jézabel tout ce qu'Élie avait fait, et comment il avait tué par l'épée tous les prophètes.
Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.
2 Alors Jézabel envoya un messager à Élie, en disant: « Que les dieux me fassent ainsi, et plus encore, si je ne fais pas de ta vie la vie de l'un d'eux, demain à cette heure-ci! ».
Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.
3 Dès qu'il vit cela, il se leva et courut pour sauver sa vie, et il arriva à Beersheba, qui appartient à Juda, et il y laissa son serviteur.
Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey.
4 Mais lui-même fit une journée de marche dans le désert, et vint s'asseoir sous un genévrier. Puis il demanda pour lui-même à mourir, et dit: « C'est assez. Maintenant, Yahvé, ôte-moi la vie, car je ne suis pas meilleur que mes pères. »
Laakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay.
5 Il se coucha et dormit sous un genévrier; et voici qu'un ange le toucha et lui dit: « Lève-toi et mange! »
Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun.
6 Il regarda, et voici qu'il y avait à sa tête un gâteau cuit sur les charbons, et une cruche d'eau. Il mangea et but, puis il se recoucha.
Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday.
7 L'ange de Yahvé revint une seconde fois, le toucha et lui dit: « Lève-toi et mange, car le voyage est trop long pour toi. »
Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay.
8 Il se leva, mangea et but, et alla, à la force de cette nourriture, quarante jours et quarante nuits, à Horeb, la montagne de Dieu.
Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah.
9 Il arriva dans une caverne, où il campa. Et voici que la parole de Yahvé lui fut adressée, et il lui dit: « Que fais-tu ici, Elie? »
Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?
10 Il dit: « J'ai été très jaloux de Yahvé, le Dieu des armées, car les enfants d'Israël ont abandonné ton alliance, renversé tes autels et tué tes prophètes par l'épée. Il ne reste que moi, moi seul, et ils cherchent à m'enlever la vie. »
Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
11 Il dit: « Sors et tiens-toi sur la montagne devant Yahvé. » Voici que Yahvé passait, et un vent grand et fort déchirait les montagnes et brisait les rochers devant Yahvé; mais Yahvé n'était pas dans le vent. Après le vent, il y eut un tremblement de terre; mais Yahvé n'était pas dans le tremblement de terre.
Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka.
12 Après le tremblement de terre, il y eut un feu; mais Yahvé n'était pas dans le feu. Après le feu, il y eut une petite voix calme.
Oo dhulgariirkii dabadiisna waxaa jiray dab, laakiinse Rabbigu kuma jirin dabka, oo dabkii dabadiisna waxaa jiray cod yar oo gaaban.
13 Lorsque Élie l'entendit, il enveloppa son visage dans son manteau, sortit et se tint à l'entrée de la caverne. Et voici qu'une voix s'approcha de lui et dit: « Que fais-tu ici, Élie? »
Oo markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?
14 Il dit: « J'ai été très jaloux de Yahvé, le Dieu des armées, car les enfants d'Israël ont abandonné ton alliance, jeté tes autels et tué tes prophètes par l'épée. Il ne reste que moi, moi seul, et ils cherchent à m'enlever la vie. »
Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
15 Yahvé lui dit: « Va, retourne sur ton chemin dans le désert de Damas. A ton arrivée, oint Hazaël comme roi de Syrie.
Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya.
16 Oint Jéhu, fils de Nimshi, comme roi d'Israël, et oint Élisée, fils de Shaphat, d'Abel Meholah, comme prophète à ta place.
Oo Yeehuu ina Nimshiina waxaad u boqortaa dalka Israa'iil; oo Eliishaa ina Shaafaad oo ah reer Aabeel Mehoolaahna waa inaad u subagtaa inuu meeshaadii nebi ka ahaado.
17 Celui qui échappera à l'épée de Hazaël, Jehu le tuera; et celui qui échappera à l'épée de Jehu, Élisée le tuera.
Oo markaasay waxay noqon doontaa in ninkii ka baxsada seefta Xasaa'eel uu Yeehuu dili doono; oo kii Yeehuu seeftiisa ka baxsadana waxaa dili doona Eliishaa.
18 Mais j'en ai réservé sept mille en Israël, tous ceux dont les genoux n'ont pas fléchi devant Baal et toutes les bouches qui ne l'ont pas baisé. »
Laakiinse weliba waxaan daynayaa toddoba kun oo qof oo dalka Israa'iil ku jirta oo aan kulligood Bacal u jilbo joogsan oo aan midkoodna afkiisu Bacal dhunkan.
19 Et il partit de là et trouva Élisée, fils de Shaphat, qui labourait avec douze jougs de bœufs devant lui, et lui avec le douzième. Élie s'approcha de lui et le revêtit de son manteau.
Sidaas daraaddeed halkaas wuu ka tegey, oo wuxuu helay Eliishaa ina Shaafaad oo beer ku qodaya laba iyo toban qindi oo dibi ah ee ka horreeya isaga, oo isna wuxuu la jiray kii laba iyo tobnaad; markaasaa Eliiyaah isagii u soo gudbay oo go'iisii ayuu ku dul tuuray.
20 Élisée laissa les bœufs, courut après Élie et dit: « Laisse-moi, s'il te plaît, embrasser mon père et ma mère, et ensuite je te suivrai. » Il lui dit: « Va-t'en, car que t'ai-je fait? »
Oo isna dibidii wuu ka tegey, markaasuu ka daba orday Eliiyaah oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye aan soo dhunkado aabbahay iyo hooyaday, oo dabadeedna waan ku raacayaa. Isna wuxuu ku yidhi, Haddana noqo, waayo, maxaan kugu sameeyey?
21 Il s'en retourna après l'avoir suivi, prit le joug des bœufs, les tua, fit bouillir leur viande avec l'équipement des bœufs, et la donna au peuple; et ils mangèrent. Puis il se leva, alla après Élie, et le servit.
Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

< 1 Rois 19 >