< 2 Petro 1 >
1 Simon Petro, servisto kaj apostolo de Jesuo Kristo, al tiuj, kiuj ricevis egale altvaloran fidon, kiel ni, en la justeco de nia Dio kaj Savanto Jesuo Kristo:
Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
2 Graco al vi kaj paco pligrandiĝu en sciado pri Dio, kaj pri Jesuo, nia Sinjoro;
Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.
3 pro tio, ke lia Dia povo donacis al ni ĉion rilatantan al vivo kaj pieco, per la scio de tiu, kiu nin vokis per sia propra gloro kaj virto;
Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.
4 per kiuj li donacis al ni la promesojn karegajn kaj tre grandajn; por ke per ili vi fariĝu partoprenantoj en Dia naturo, forsaviĝinte el la putreco, kiu estas en la mondo per voluptemo.
Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.
5 Kaj pro tiu sama kaŭzo viaflanke aplikante ĉian diligentecon, en via fido aldonu virton; kaj en virto scion;
Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon,
6 kaj en scio sinregadon; kaj en sinregado paciencon; kaj en pacienco piecon;
aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado,
7 kaj en pieco fratamikecon, kaj en fratamikeco amon.
cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.
8 Ĉar tiuj ecoj, se ĉe vi ili troviĝas kaj abundas, faras vin nek mallaboremaj nek senfruktaj en la scio de nia Sinjoro Jesuo Kristo.
Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix.
9 Ĉar tiu, al kiu mankas tiuj ecoj, estas blinda, miopa, forgesinte la forpurigon el siaj antaŭaj pekoj.
Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.
10 Sekve, fratoj, pli diligente klopodu, por certigi vian vokon kaj elekton; ĉar farante tion, vi neniam falpuŝiĝos;
Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.
11 ĉar tiel al vi estos riĉe provizita la eniro en la eternan regnon de nia Sinjoro kaj Savanto Jesuo Kristo. (aiōnios )
Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah. (aiōnios )
12 Pro tio mi ĉiam estos preta rememorigi vin pri tiuj aferoj, kvankam vi ilin scias kaj estas fortigitaj en la ĉeestanta vero.
Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.
13 Kaj mi opinias konvena, dum mi estas en ĉi tiu tabernaklo, vigligi vin per rememorigo;
Waxaa ila qumman in in alla intii aan jidhkan ku jiro aan xusuusin idinku guubaabiyo.
14 sciante, ke baldaŭ estos la demeto de mia tabernaklo, ĝuste kiel nia Sinjoro Jesuo Kristo montris al mi.
Waayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey.
15 Kaj mi diligente penos, ke post mia foriro vi povu konstante rememori tion.
Waxaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan.
16 Ĉar ne sekvinte fabelojn sofismajn, ni konigis al vi la potencon kaj alvenon de nia Sinjoro Jesuo Kristo, sed vidinte per propraj okuloj lian majeston.
Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.
17 Ĉar li ricevis de Dio, la Patro, honoron kaj gloron, kiam al li tia voĉo estis alportita el la brilega gloro: Ĉi tiu estas Mia Filo, la amata, en kiu Mi havas plezuron;
Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
18 kaj tiun voĉon, alportitan el la ĉielo, ni mem aŭdis, kunestante kun li sur la sankta monto.
Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.
19 Kaj ni havas la profetan vorton konfirmitan; kiun atentante, vi bone faras, kvazaŭ lampon lumantan en malhela loko, ĝis ektagiĝos kaj la matenstelo ekleviĝos en viaj koroj;
Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,
20 antaŭ ĉio sciante, ke neniu profetaĵo de la Skribo enhavas en si sian propran klarigon.
idinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah.
21 Ĉar neniam profetaĵo estas alportita per homa volo; sed homoj, movataj de la Sankta Spirito, parolis laŭ Dio.
Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.