< Exodus 22 >

1 If a man shall steal an ox, or a sheep, and kill it, or sell it; he shall restore five oxen for an ox, and four sheep for a sheep.
Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.
2 If a thief shall be found breaking through, and be smitten that he die, [there shall] no blood [be shed] for him.
Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.
3 If the sun shall have risen upon him, [there shall be] blood [shed] for him: [for] he should make full restitution; if he have nothing, then he shall be sold for his theft.
Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.
4 If the theft shall be certainly found in his hand alive, whether an ox, or ass, or sheep; he shall restore double.
Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.
5 If a man shall cause a field or vineyard to be eaten, and shall put in his beast, and shall feed in another man's field: of the best of his own field, and of the best of his own vineyard shall he make restitution.
Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.
6 If fire shall break out, and catch in thorns, so that the stacks of corn, or the standing corn, or the field shall be consumed; he that kindled the fire shall surely make restitution.
Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.
7 If a man shall deliver to his neighbor money or stuff to keep, and it be stolen out of the man's house; if the thief shall be found, let him pay double.
Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.
8 If the thief shall not be found, then the master of the house shall be brought to the judges, [to see] whether he hath put his hand to his neighbor's goods.
Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.
9 For all manner of trespass, [whether it be] for ox, for ass, for sheep, for raiment, [or] for any manner of lost thing which [another] challengeth to be his: the cause of both parties shall come before the judges; [and] he whom the judges shall condemn, shall pay double to his neighbor.
Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.
10 If a man shall deliver to his neighbor an ass, or an ox, or a sheep, or any beast to keep; and it shall die, or be hurt, or driven away, no man seeing [it]:
Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,
11 [Then] shall an oath of the LORD be between them both, that he hath not put his hand to his neighbor's goods; and the owner of it shall accept of it, and he shall not make restitution.
markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
12 And if it shall be stolen from him, he shall make restitution to the owner of it.
Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.
13 If it shall be torn in pieces; [then] let him bring it [for] witness, [and] he shall not make good that which was torn.
Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.
14 And if a man shall borrow [aught] of his neighbor, and it shall be hurt, or die, the owner of it [being] not with it, he shall surely make [it] good.
Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.
15 [But] if the owner of it shall [be] with it, he shall not make [it] good: if it [be] a hired [thing], it came for his hire.
Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.
16 And if a man shall entice a maid that is not betrothed, and lie with her, he shall surely endow her to be his wife.
Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.
17 If her father shall utterly refuse to give her to him, he shall pay money according to the dower of virgins.
Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.
18 Thou shalt not suffer a witch to live.
Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.
19 Whoever lieth with a beast shall surely be put to death.
Ku alla kii neef u galmooda, hubaal waa in la dilaa.
20 He that sacrificeth to [any] god, save to the LORD only, he shall be utterly destroyed.
Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.
21 Thou shalt neither vex a stranger, nor oppress him; for ye were strangers in the land of Egypt.
Oo qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar.
22 Ye shall not afflict any widow, or fatherless child.
Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.
23 If thou shalt afflict them in any wise, and they cry at all to me, I will surely hear their cry:
Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,
24 And my wrath shall wax hot, and I will kill you with the sword; and your wives shall be widows, and your children fatherless.
oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.
25 If thou shalt lend money to [any of] my people [that is] poor by thee, thou shalt not be to him as a usurer, neither shalt thou lay upon him usury.
Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.
26 If thou shalt at all take thy neighbor's raiment to pledge, thou shalt deliver it to him by the setting of the sun.
Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,
27 For that [is] his only covering, it [is] his raiment for his skin: wherein shall he sleep? and it shall come to pass, when he crieth to me, that I will hear; for I [am] gracious.
waayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.
28 Thou shalt not revile the gods, nor curse the ruler of thy people.
Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.
29 Thou shalt not delay [to offer] the first of thy ripe fruits, and of thy liquors: the first-born of thy sons shalt thou give to me.
Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.
30 Likewise shalt thou do with thy oxen, [and] with thy sheep: seven days it shall be with his dam; on the eighth day thou shalt give it to me.
Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.
31 And ye shall be holy men to me: neither shall ye eat [any] flesh [that is] torn of beasts in the field; ye shall cast it to the dogs.
Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

< Exodus 22 >