< 2 Samuel 13 >

1 And it came to pass after this, that Absalom the son of David had a fair sister, whose name [was] Tamar; and Amnon the son of David loved her.
Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay.
2 And Amnon was so afflicted, that he fell sick for his sister Tamar; for she [was] a virgin; and Amnon thought it hard for him to do any thing to her.
Oo Amnoon ayaa u dhibtooday oo u bukooday walaashiis Taamaar, waayo, iyadu bikrad bay ahayd; Amnoonna dhib bay la noqotay inuu wax ku sameeyo.
3 But Amnon had a friend, whose name [was] Jonadab, the son of Shimeah David's brother: and Jonadab [was] a very subtil man.
Laakiinse Amnoon wuxuu lahaa saaxiib, magiciisa la odhan jiray Yoonaadaab, oo uu dhalay Shimcaah oo ahaa Daa'uud walaalkiis; oo Yoonaadaabna nin sir badan buu ahaa.
4 And he said to him, Why [art] thou, [being] the king's son, pining from day to day? wilt thou not tell me? And Amnon said to him, I love Tamar, my brother Absalom's sister.
Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.
5 And Jonadab said to him, Lay thee down on thy bed, and make thyself sick: and when thy father cometh to see thee, say to him, I pray thee, let my sister Tamar come, and give me food, and dress the food in my sight, that I may see [it], and eat [it] at her hand.
Markaasaa Yoonaadaab ku yidhi, Sariirtaada ku jiifso oo iska dhig sidii mid buka, oo markii aabbahaa kuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo cunto ha i siiso, oo cuntadana hortayda ha ku samayso, aan iska fiirsadee, oo aan gacanteedana ku cunee.
6 So Amnon lay down and made himself sick: and when the king came to see him, Amnon said to the king, I pray thee, let Tamar my sister come, and make for me a couple of cakes in my sight, that I may eat at her hand.
Sidaas daraaddeed Amnoon wuu jiifay, oo wuxuu iska dhigay sidii mid buka, oo markii boqorkii u yimid ayaa Amnoon boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo hortayda ha iigu samayso laba xabbadood oo moofa ah, oo aan gacanteeda ku cunee.
7 Then David sent home to Tamar, saying, Go now to thy brother Amnon's house, and dress meat for him.
Markaasaa Daa'uud Taamaar gurigii ugu cid diray, oo ku yidhi, Orod oo waxaad tagtaa gurigii walaalkaa Amnoon, oo isaga cunto u samee.
8 So Tamar went to her brother Amnon's house; and he was laid down. And she took flour, and kneaded [it], and made cakes in his sight, and baked the cakes.
Sidaas daraaddeed Taamaar gurigii walaalkeed Amnoon ayay tagtay; oo isna wuu iska jiifay. Markaasay qaadday cajiin, wayna cajiintay, oo hortiisay moofa ku samaysay, markaasay moofadiina dubtay.
9 And she took a pan, and poured [them] out before him; but he refused to eat. And Amnon said, Have out all men from me. And they went out every man from him.
Oo intay digsigii qaadday ayay hortiisa ku soo shubtay; laakiinse wuu diiday inuu cuno. Markaasaa Amnoon yidhi, Dadka oo dhan dibadda iiga bixiya. Iyana dibadday uga wada baxeen.
10 And Amnon said to Tamar, Bring the food into the chamber, that I may eat from thy hand. And Tamar took the cakes which she had made, and brought [them] into the chamber to Amnon her brother.
Kolkaasaa Amnoon wuxuu Taamaar ku yidhi, Cuntada qolka iigu keen, aan gacantaada ku cunee. Markaasay Taamaar qaadday moofadii ay samaysay, oo walaalkeed Amnoon qolka ugu keentay.
11 And when she had brought [them] to him to eat, he took hold of her, and said to her, Come, lie with me, my sister.
Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!
12 And she answered him, Nay, my brother, do not force me; for no such thing ought to be done in Israel: do not thou this folly.
Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.
13 And I, whither shall I cause my shame to go? and as for thee, thou wilt be as one of the fools in Israel. Now therefore, I pray thee, speak to the king; for he will not withhold me from thee.
Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo.
14 Howbeit, he would not hearken to her voice: but being stronger than she, forced her, and lay with her.
Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa.
15 Then Amnon hated her exceedingly; so that the hatred with which he hated her [was] greater than the love with which he had loved her. And Amnon said to her, Arise, be gone.
Markaasaa Amnoon iyadii si aad iyo aad u weyn u nebcaaday, waayo, nacaybkuu u qabay wuu ka sii weynaa caashaquu caashaqay. Markaasaa Amnoon ku yidhi, Kac, oo iga tag.
16 And she said to him, [There is] no cause: this evil in sending me away [is] greater than the other that thou didst to me. But he would not hearken to her.
Kolkaasay ku tidhi, Maya, saas ma aha, maxaa yeelay, xumaantan weyn ee aad igu bixinayso ayaa ka sii liidata tii kale ee aad igu samaysay. Laakiinse ma uu dhegaysan.
17 Then he called his servant that ministered to him, and said, Put now this [woman] out from me, and bolt the door after her.
Markaasuu u yeedhay midiidinkiisii u adeegayay, oo ku yidhi, Naagtan hadda dibadda iiga saar, oo albaabkana ka soo daba xidh.
18 And [she had] a garment of divers colors upon her: for with such robes were the king's daughters [that were] virgins appareled. Then his servant brought her out, and bolted the door after her.
Oo iyana waxay qabtay dhar midabyo kala duwan leh, waayo, dhar caynkaas ah ayay gabdhaha boqorka ee bikradaha ahu qabi jireen. Markaasaa addoonkiisii dibadda u soo saaray, oo albaabkiina ka soo daba xidhay.
19 And Tamar put ashes on her head, and rent her garment of divers colors that [was] on her, and laid her hand on her head, and went on crying.
Markaasaa Taamaar waxay madaxa ku shubatay dambas, oo ay jeexjeexday dharkii midabyada kala duwan lahaa oo ay qabtay; madaxayna gacmaha saartay, wayna iska tagtay iyadoo aad u ooyaysa.
20 And Absalom her brother said to her, Hath Amnon thy brother been with thee? but hold now thy peace, my sister: he [is] thy brother; regard not this thing. So Tamar remained desolate in her brother Absalom's house.
Markaasaa walaalkeed Absaaloom wuxuu ku yidhi, Ma waxaa kula jiray walaalkaa Amnoon? Haddaba walaalay, bal iska aamus, oo waxan qalbiga ha ku qabsan, waayo, isagu waa walaalkaa. Sidaas daraaddeed Taamaar waxay ku hadhay oo ku cidlowday gurigii walaalkeed Absaaloom.
21 But when king David heard of all these things, he was very wroth.
Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.
22 And Absalom spoke to his brother Amnon neither good nor bad: for Absalom hated Amnon, because he had forced his sister Tamar.
Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay.
23 And it came to pass after two full years, that Absalom had sheep-shearers in Baal-hazor, which [is] beside Ephraim: and Absalom invited all the king's sons.
Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.
24 And Absalom came to the king, and said, Behold now, thy servant hath sheep-shearers; let the king, I beseech thee, and his servants go with thy servant.
Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.
25 And the king said to Absalom, Nay, my son, let us not all now go, lest we be chargeable to thee. And he pressed him: yet he would not go, but blessed him.
Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.
26 Then said Absalom, If not, I pray thee, let my brother Amnon go with us. And the king said to him, Why should he go with thee?
Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?
27 But Absalom pressed him that he should let Amnon and all the king's sons go with him.
Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.
28 Now Absalom had commanded his servants, saying, Mark ye now when Amnon's heart is merry with wine, and when I say to you, Smite Amnon; then kill him, fear not: have I not commanded you? be courageous, and be valiant.
Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.
29 And the servants of Absalom did to Amnon as Absalom had commanded. Then all the king's sons arose, and every man rode upon his mule, and fled.
Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.
30 And it came to pass, while they were in the way, that information came to David, saying, Absalom hath slain all the king's sons, and there is not one of them left.
Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.
31 Then the king arose, and tore his garments, and lay on the earth; and all his servants stood by with their clothes rent.
Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.
32 And Jonadab, the son of Shimeah David's brother, answered and said, Let not my lord suppose [that] they have slain all the young men the king's sons; for Amnon only is dead: for by the appointment of Absalom this hath been determined from the day that he forced his sister Tamar.
Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.
33 Now therefore let not my lord the king take the thing to his heart, to think that all the king's sons are dead: for Amnon only is dead.
Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.
34 But Absalom fled. And the young man that kept the watch lifted up his eyes, and looked, and behold, there came many people by the way of the hillside behind him.
Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.
35 And Jonadab said to the king, Behold, the king's sons come; as thy servant said, so it is.
Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.
36 And it came to pass, as soon as he had made an end of speaking, that behold, the king's sons came, and lifted up their voice and wept: and the king also and all his servants wept exceedingly.
Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.
37 But Absalom fled, and went to Talmai, the son of Ammihud, king of Geshur. And [David] mourned for his son every day.
Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.
38 So Absalom fled, and went to Geshur, and was there three years.
Sidaasuu Absaaloom u cararay, oo Geshuur u tegey, oo saddex sannadood buu halkaas joogay.
39 And [the soul of] king David longed to go forth to Absalom: for he was comforted concerning Amnon, seeing he was dead.
Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

< 2 Samuel 13 >