< Genesis 50 >
1 Then Joseph was so distressed that he collapsed on the face of his father, and he wept over him, and he kissed him.
Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.
2 Joseph commanded his servants the physicians to embalm his father. So the physicians embalmed Israel.
Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen.
3 They took forty days, for that was the full time for embalming. The Egyptians wept for him seventy days.
Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.
4 When the days of weeping were over, Joseph spoke to the house of Pharaoh, saying, “If now I have found favor in your eyes, please speak to Pharaoh, saying,
Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan,
5 'My father made me swear, saying, “See, I am about to die. Bury me in my tomb that I dug for myself in the land of Canaan. There you will bury me.” Now let me go up and bury my father, and then I will return.'”
Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.
6 Pharaoh answered, “Go and bury your father, as he made you swear.”
Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.
7 Joseph went up to bury his father. All the officials of Pharaoh went with him—the elders of his household, all the senior officials of the land of Egypt,
Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,
8 with all Joseph's household and his brothers, and his father's household. But their children, their flocks, and their herds were left in the land of Goshen.
iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.
9 Chariots and horsemen also went with him. It was a very large group of people.
Waxaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn.
10 When they came to the threshing floor of Atad on the other side of the Jordan, they mourned with very great and grievous sorrow. There Joseph made a seven-day mourning for his father.
Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.
11 When the inhabitants of the land, the Canaanites, saw the mourning in the floor of Atad, they said, “This is a very sad occasion for the Egyptians.” That is why the place was called Abel Mizraim, which is beyond the Jordan.
Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.
12 So his sons did for Jacob just as he had instructed them.
Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,
13 His sons carried him to the land of Canaan and buried him in the cave in the field of Machpelah, near Mamre. Abraham had bought the cave with the field for a burial place. He had bought it from Ephron the Hittite.
maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
14 After he had buried his father, Joseph returned into Egypt, he, along with his brothers, and all who had accompanied him to bury his father.
Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.
15 When Joseph's brothers saw that their father was dead, they said, “What if Joseph holds on to anger against us and wants to repay us in full for all the evil we did to him?”
Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.
16 So they commanded the presence of Joseph, saying, “Your father gave instructions before he died, saying,
Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,
17 'Tell Joseph this, “Please forgive the transgression of your brothers and their sin when they did evil to you.”' Now please forgive the servants of the God of your father.” Joseph wept when they spoke to him.
Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.
18 His brothers also went and lay facedown before him. They said, “See, we are your servants.”
Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.
19 But Joseph answered them, “Do not be afraid. Am I in the place of God?
Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?
20 As for you, you meant to harm me, but God meant it for good, to preserve the lives of many people, as you see today.
Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.
21 So now do not be afraid. I will provide for you and your little children.” He comforted them in this way and spoke kindly to their hearts.
Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.
22 Joseph lived in Egypt, together with his father's family. He lived one hundred ten years.
Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.
23 Joseph saw Ephraim's children to the third generation. He also saw the children of Machir son of Manasseh, who were placed on the knees of Joseph.
Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.
24 Joseph said to his brothers, “I am about to die; but God will surely come to you and lead you up out of this land to the land which he swore to give to Abraham, to Isaac, and to Jacob.”
Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
25 Then Joseph made the people of Israel swear an oath. He said, “God will surely come to you. At that time you must carry up my bones from here.”
Yuusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan.
26 So Joseph died, 110 years old. They embalmed him and he was placed in a coffin in Egypt.
Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.