< Amos 5 >

1 Hear this word that I take up as a lament over you, house of Israel.
Dadka Israa'iilow, maqla eraygan aan idiinku barooranayo.
2 The virgin Israel has fallen; she will rise no more; she is forsaken on her land; there is no one to raise her up.
Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko.
3 For this is what the Lord Yahweh says: “The city that went out with a thousand will have a hundred left, and the one that went out with a hundred will have ten left belonging to the house of Israel.”
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Magaaladii ay kuni ka bixi jireen boqol baa u hadhi doona, oo tii ay boqoli ka bixi jireenna toban baa dadka Israa'iil u hadhi doona.
4 For this is what Yahweh says to the house of Israel: “Seek me and live!
Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane.
5 Do not seek Bethel; nor enter Gilgal; do not journey to Beersheba. For Gilgal will surely go into captivity, and Bethel will become nothing.
Laakiinse Beytel ha doondoonina, Gilgaalna ha gelina, Bi'ir Shebacna ha u gudbina, waayo, sida xaqiiqada ah Gilgaal maxaabiisnimo bay geli doontaa, oo Beytelna way baabbi'i doontaa.
6 Seek Yahweh and live, or he will break out like fire in the house of Joseph. It will devour, and there will be no one to quench it in Bethel.
Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona,
7 Those people turn justice into a bitter thing and throw righteousness down to the ground!”
kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.
8 God made the Pleiades and Orion; he turns darkness into the morning; he makes the day dark with night and calls for the waters of the sea; he pours them out on the surface of the earth. Yahweh is his name!
Doondoona kan sameeyey ururrada xiddigaha ah oo la yidhaahdo Toddobaadyada iyo Oriyon, oo gudcurka subaxnimo u beddela, oo maalintana madoobeeya si ay habeen u noqoto, kan biyaha badda u yeedha oo dhulka ku daadiya, magiciisu waa Rabbi.
9 He brings sudden destruction on the strong so that destruction comes on the fortresses.
Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.
10 They hate anyone who corrects them in the city gate, and they abhor anyone who speaks the truth.
Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla.
11 Because you trample down the poor and take portions of wheat from him— although you have built houses of worked stone, you will not live in them. You have delightful vineyards, but you will not drink their wine.
Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.
12 For I know how many are your offenses and how great are your sins— you who afflict the just, take bribes, and turn aside the needy in the city gate.
Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.
13 Therefore any prudent person is silent at such a time, for it is an evil time.
Haddaba kii miyir lahu wakhtigaas wuu aamusnaan doonaa, waayo, waa wakhti shar ah.
14 Seek good and not evil, so that you may live. So Yahweh, the God of hosts, will really be with you, as you say he is.
Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan.
15 Hate evil, love good, establish justice in the city gate. Perhaps Yahweh, the God of hosts, will be gracious to the remnant of Joseph.
Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay.
16 Therefore, this is what Yahweh says, the God of hosts, the Lord, “Wailing will be in all the squares, and they will say in all the streets, 'Woe! Woe!' They will call the farmers to mourning and the mourners to wail.
Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.
17 In all vineyards there will be wailing, for I will pass through your midst,” says Yahweh.
Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.
18 Woe to you who desire the day of Yahweh! Why do you long for the day of Yahweh? It will be darkness and not light,
Kuwiinna maalinta Rabbiga jeclaystow, waa idiin hoog. Maxaad maalinta Rabbiga u doonaysaan? Waa gudcur, oo iftiin ma aha.
19 as when a man flees from a lion and a bear meets him, or he goes in a house and puts his hand on the wall and a snake bites him.
Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.
20 Will not the day of Yahweh be darkness and not light? Gloom and no brightness?
Maalinta Rabbigu sow ma ahaan doonto gudcur aan iftiin lahayn, iyo xataa gudcur weyn oo aan dhalaal lahayn?
21 “I hate, I despise your festivals, I take no delight in your solemn assemblies.
Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo.
22 Even though you offer me your burnt offerings and grain offerings, I will not accept them, neither will I look at the fellowship offerings of your fattened animals.
In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo.
23 Remove from me the noise of your songs; I will not listen to the sound of your harps.
Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna.
24 Instead, let justice flow like water, and righteousness like a constantly flowing stream.
Laakiinse caddaaladdu sida biyo ha u qulqusho, oo xaqnimaduna sida webi fatahaya ha u yaacdo.
25 Did you bring me sacrifices and offerings in the wilderness for forty years, house of Israel?
Bal reer binu Israa'iilow, allabaryo iyo qurbaanno miyaad cidladii iigu bixiseen afartankii sannadood?
26 You have lifted up the images of Sikkuth, your king, and Kaiwan, your star god, which you made for yourselves.
Waxaadse sidateen Taambuuggii Moleg iyo sanamyadii Kiyuun, kaasoo ah xiddigtii ilaahiinnii ee aad nafsaddiinna u samaysateen.
27 Therefore I will exile you beyond Damascus,” says Yahweh, whose name is the God of hosts.
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga magiciisu yahay Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idinka dhigi doonaa in maxaabiis ahaan laydiinku kaxaysto Dimishaq shishadeeda.

< Amos 5 >