< Ezekiel 20 >
1 And it comes to pass, in the seventh year, in the fifth [month], on the tenth of the month, men from [the] elderly of Israel have come in to seek YHWH, and they sit before me;
Oo sannaddii toddobaad, bisheedii shanaad, maalinteedii tobnaad ayaa odayaashii reer binu Israa'iil qaarkood u yimaadeen inay Rabbiga wax weyddiistaan, oo hortayday fadhiisteen.
2 and there is a word of YHWH to me, saying,
Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
3 “Son of man, speak to the elderly of Israel, and you have said to them, Thus said Lord YHWH: Are you coming in to seek Me? [As] I live—I am not sought by you—a declaration of Lord YHWH.
Wiilka Aadamow, odayaasha reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad u timaadeen inaad wax i weyddiisataan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan waxaad i weyddiisataan maqlayn.
4 Do you judge them? Do you judge, son of man? Cause them to know the abominations of their fathers,
Wiilka Aadamow, ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Bal iyaga waxyaalihii karaahiyada ahaa ee awowayaashood ogeysii,
5 and you have said to them, Thus said Lord YHWH: In the day of My fixing on Israel, I lift up My hand, To the seed of the house of Jacob, And am known to them in the land of Egypt, And I lift up My hand to them, Saying, I [am] your God YHWH.
oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waagii aan reer binu Israa'iil doortay, oo aan gacantayda kor ugu qaaday oo aan u dhaartay farcanka reer Yacquub, oo aan iyaga dalkii Masar dhexdiisa isku baray, oo aan ugu dhaartay anigoo ku leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah,
6 In that day I lifted up My hand to them, To bring them forth from the land of Egypt, To a land that I spied out for them, Flowing with milk and honey, It [is] a beauty to all the lands,
waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,
7 And I say to them, Let each cast away the detestable things of his eyes, And do not be defiled with the idols of Egypt, I [am] your God YHWH.
oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
8 And they rebel against Me, And have not been willing to listen to Me, Each has not cast away the detestable things of their eyes, And have not forsaken the idols of Egypt, And I speak—to pour out My fury on them, To complete My anger against them, In the midst of the land of Egypt.
Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.
9 And I do [it] for My Name’s sake, Not to defile [it] before the eyes of the nations, In whose midst they [are in], Before whose eyes I became known to them, To bring them out from the land of Egypt.
Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan iyaga isbaray, markaan dalkii Masar ka soo bixiyey.
10 And I bring them out of the land of Egypt, And I bring them into the wilderness,
Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.
11 And I give My statutes to them, And I caused them to know My judgments, Which the man who does—lives by them.
Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo.
12 And I have also given My Sabbaths to them, To be for a sign between Me and them, To know that I [am] YHWH who is sanctifying them.
Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
13 And the house of Israel rebels against Me in the wilderness, They have not walked in My statutes, And they have despised My judgments, Which the man who does—lives by them. And they have greatly defiled My Sabbaths, And I speak—to pour out My fury on them in the wilderness, to consume them.
Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo.
14 And I do [it] for My Name’s sake, Not to defile [it] before the eyes of the nations, Before whose eyes I brought them forth.
Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
15 And also, I have lifted up My hand to them in the wilderness, Not to bring them into the land that I had given, Flowing with milk and honey, It [is] a beauty to all the lands,
Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,
16 Because they kicked against My judgments, And they have not walked in My statutes, And they have defiled My Sabbaths, For their heart is going after their idols.
maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.
17 And My eye has pity on them—against destroying them, And I have not made an end of them in the wilderness.
Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn.
18 And I say to their sons in the wilderness: Do not walk in the statutes of your fathers, And do not observe their judgments, And do not defile yourselves with their idols.
Oo waxaan carruurtoodii ku idhi intii ay cidladii dhex joogeen, Qaynuunnada aabbayaashiin ha ku soconina, oo xukummadoodana ha dhawrina, oo sanamyadoodana ha isku nijaasaynina.
19 I [am] your God YHWH, walk in My statutes, And observe My judgments, and do them,
Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,
20 And sanctify My Sabbaths, And they have been for a sign between Me and you, To know that I [am] your God YHWH.
oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
21 And the sons rebel against Me, They have not walked in My statutes, And they have not observed My judgments—to do them, Which the man who does—lives by them. They have defiled My Sabbaths, And I speak—to pour out My fury on them, To complete My anger against them in the wilderness.
Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.
22 And I have turned back My hand, And I do [it] for My Name’s sake, Not to defile [it] before the eyes of the nations, Before whose eyes I brought them out.
Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
23 I also, I have lifted up My hand to them in the wilderness, To scatter them among nations, And to spread them through lands.
Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono,
24 Because they have not done My judgments, And they have despised My statutes, And they have defiled My Sabbaths, And their eyes have been after [the] idols of their fathers.
maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood.
25 And I also, I have given statutes to them [that are] not good, And judgments by which they do not live.
Oo weliba iyagaan siiyey qaynuunno aan wanaagsanayn, iyo xukummo ayan ku noolaan karayn,
26 And I defile them by their own gifts, By causing every opener of a womb to pass away, So that I make them desolate, So that they know that I [am] YHWH.
oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.
27 Therefore, speak to the house of Israel, son of man, and you have said to them, Thus said Lord YHWH: Still in this your fathers have reviled Me, In their committing a trespass against Me.
Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen.
28 And I bring them into the land, That I lifted up My hand to give to them, And they see every high hill, and every thick tree, And they sacrifice their sacrifices there, And give the provocation of their offering there, And make their refreshing fragrance there, And they pour out their drink-offerings there.
Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.
29 And I say to them: What [is] the high place to where you are going in?” And its name is called “High Place” to this day.
Markaasaan ku idhi, Meesha sare oo aad tagtaan maxay tahay? Ilaa maantadan la joogo waxaa magaceeda la yidhaahdaa Baamaah.
30 “Therefore, say to the house of Israel, Thus said Lord YHWH: Are you defiling yourselves in the way of your fathers? And do you go whoring after their detestable things?
Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale?
31 And in the offering of your gifts, In causing your sons to pass through fire, You are defiled by all your idols to this day, And I am sought by you, O house of Israel? [As] I live—a declaration of Lord YHWH, I am not sought by you.
Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan.
32 And that which is going up on your mind, It is not at all—in that you are saying: We will be as the nations, as the families of the lands, To serve wood and stone.
Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno.
33 [As] I live—a declaration of Lord YHWH, Do I not, with a strong hand, And with an outstretched arm, And with poured out fury—rule over you?
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay,
34 And I have brought you forth from the peoples, And assembled you from the lands In which you have been scattered, With a strong hand and with an outstretched arm, And with poured out fury.
oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.
35 And I have brought you into the wilderness of the peoples, And have been judged with you there face to face.
Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa.
36 As I was judged with your fathers, In the wilderness of the land of Egypt, So I am judged with you, A declaration of Lord YHWH.
Sidii aan awowayaashiin cidladii dalka Masar ugula xaajooday oo kale ayaan idinkana idiinla xaajoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
37 And I have caused you to pass under the rod, And brought you into the bond of the covenant,
Oo waxaan idin soo marin doonaa usha hoosteeda, oo axdigaan idinku xidhi doonaa.
38 And cleared out the rebels from you, And those transgressing against Me, I bring them out from the land of their sojournings, And they do not come to the land of Israel, And you have known that I [am] YHWH.
Markaasaan idinka dhex sooci doonaa caasiyiinta iyo kuwa igu xadgudba. Waxaan iyaga ka soo bixin doonaa dalka ay qariib ahaanta u joogaan, laakiinse dalka reer binu Israa'iil sooma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
39 And you, O house of Israel, thus said Lord YHWH: Each go, serve his idols, And afterward, if you are not listening to Me [anyway], But you do not defile My holy Name anymore by your gifts, and by your idols.
Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.
40 For on My holy mountain, On the mountain of the height of Israel, A declaration of Lord YHWH, All the house of Israel serves Me there, All of it, in the land—I accept them there, And I seek your raised-offerings there, And with the first-fruit of your gifts, With all your holy things.
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa.
41 With refreshing fragrance I accept you, In My bringing you out from the peoples, And I have assembled you from the lands In which you have been scattered, And I have been sanctified in you Before the eyes of the nations.
Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.
42 And you have known that I [am] YHWH, In My bringing you to the ground of Israel, To the land that I lifted up My hand To give it to your fathers,
Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo.
43 And you have remembered your ways there, And all your doings, In which you have been defiled, And you have been loathsome in your own faces, For all your evils that you have done.
Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.
44 And you have known that I [am] YHWH, In My dealing with you for My Name’s sake, Not according to your evil ways, And according to your corrupt doings, O house of Israel, A declaration of Lord YHWH.”
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
45 And there is a word of YHWH to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
46 “Son of man, set your face the way of Teman, and prophesy to the south, and prophesy to the forest of the field—the south;
Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga koonfureed u sii jeedi, oo hadal xagga koonfureed ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa kaynta duurka xagga koonfureed ku taal;
47 and you have said to the forest of the south, Hear a word of YHWH! Thus said Lord YHWH: Behold, I am kindling a fire in you, And it has devoured every moist tree in you, and every dry tree, The glowing flames are not quenched, And all faces from south to north have been burned by it.
oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa.
48 And all flesh has seen, that I, YHWH, have kindled it—it is not quenched.”
Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.
49 And I say, “Aah! Lord YHWH, They are saying of me, Is he not using allegories?”
Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waxay iga yidhaahdaan, Sow isagu masaalooyin kuma hadlin?