< Acts 17 >
1 And having passed through Amphipolis, and Apollonia, they came to Thessalonica, where the synagogue of the Jews was,
Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;
2 and according to the custom of Paul, he went in to them, and for three Sabbaths he was reasoning with them from the Writings,
oo Bawlos sidii caadadiisu ahayd, ayuu iyagii u galay, oo saddex sabtiyoodna ayuu Qorniinka kala hadlay,
3 opening and alleging that it was necessary [for] the Christ to suffer, and to rise again out of the dead, and that “this is the Christ—Jesus whom I proclaim to you.”
isagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.
4 And certain of them believed, and attached themselves to Paul and to Silas, also a great multitude of the worshiping Greeks, also not a few of the principal women.
Oo waxaa la rumaysiiyey oo Bawlos iyo Silas isku daray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa Gariig fara badan oo cibaadaysan iyo dumarka madaxda ah oo aan fara yarayn.
5 And the Jews, having been moved with envy, and having taken to themselves certain evil men of the agitators, and having made a crowd, were setting the city in an uproar; having also assailed the house of Jason, they were seeking them to bring [them] to the populace,
Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.
6 and having not found them, they drew Jason and certain brothers to the city rulers, calling aloud, “These, having put the world in commotion, are also present here,
Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,
7 whom Jason has received; and all these do contrary to the decrees of Caesar, saying another to be king—Jesus.”
iyagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.
8 And they troubled the multitude and the city rulers, hearing these things,
Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.
9 and having taken security from Jason and the rest, they let them go.
Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.
10 And the brothers immediately, through the night, sent forth both Paul and Silas to Berea, who having come, went into the synagogue of the Jews;
Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda.
11 and these were more noble than those in Thessalonica; they received the word with all readiness of mind, examining the Writings every day [to see] whether those things were so;
Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
12 therefore, many of them, indeed, believed, and not a few of the honorable Greek women and men.
Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.
13 And when the Jews from Thessalonica knew that also in Berea was the word of God declared by Paul, they came there also, agitating the multitudes;
Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.
14 and then immediately the brothers sent forth Paul, to go on as it were to the sea, but both Silas and Timotheus were remaining there.
Markaasaa walaalihii kolkiiba Bawlos u direen inuu tago ilaa badda; Silas iyo Timoteyosna halkaasay weli joogeen.
15 And those conducting Paul, brought him to Athens, and having received a command to Silas and Timotheus that with all speed they may come to him, they departed;
Laakiin kuwii Bawlos ambabbixiyey waxay isagii keeneen ilaa Ateenay; markaasay ka tageen iyagoo Silas iyo Timoteyos amar u qaadaya inay degdeg u yimaadaan.
16 and Paul waiting for them in Athens, his spirit was stirred in him, beholding the city wholly given to idolatry,
Haddaba Bawlos intuu Ateenay ku sugayay iyagii, ruuxiisu waa kacay markuu arkay magaalada oo sanamyo ka buuxaan.
17 therefore, indeed, he was reasoning in the synagogue with the Jews, and with the worshiping persons, and in the marketplace every day with those who met with him.
Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.
18 And certain of the Epicurean and of the Stoic philosophers, were meeting together to see him, and some were saying, “What would this seed picker wish to say?” And others, “He seems to be an announcer of strange demons”; because he proclaimed to them Jesus and the resurrection as good news,
Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.
19 having also taken him, they brought [him] to the Areopagus, saying, “Are we able to know what this new teaching [is] that is spoken by you,
Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?
20 for you bring certain strange things to our ears? We resolve, then, to know what these things would wish to be”;
Waayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.
21 and all Athenians, and the strangers sojourning, for nothing else were at leisure but to say something, and to hear some newer thing.
(Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)
22 And Paul, having stood in the midst of the Areopagus, said, “Men, Athenians, in all things I perceive you as over-religious;
Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.
23 for passing through and contemplating your objects of worship, I also found an altar on which had been inscribed: To God—unknown; whom, therefore—not knowing—you worship, this One I announce to you.
Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.
24 God, who made the world, and all things in it, this One, being Lord of Heaven and of earth, does not dwell in temples made with hands,
Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,
25 neither is He served by the hands of men—needing anything, He giving life to all, and breath, and all things;
gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;
26 He also made every nation of man of one blood, to dwell on all the face of the earth—having ordained times before appointed, and the bounds of their dwellings—
oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
27 to seek the LORD, if perhaps they felt after Him and found, though, indeed, He is not far from each one of us,
inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta;
28 for in Him we live, and move, and are; as certain of your poets have also said: For we are also His offspring.
maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.
29 Being, therefore, offspring of God, we ought not to think the Godhead to be like to gold, or silver, or stone, [an] engraving of art and imagination of man;
Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.
30 therefore indeed God, having overlooked the times of ignorance, now commands all men everywhere to convert,
Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;
31 because He set a day in which He is about to judge the world in righteousness, by a Man whom He ordained, having given assurance to all, having raised Him out of the dead.”
maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
32 And having heard of a resurrection of the dead, some, indeed, were mocking, but others said, “We will hear you again concerning this”;
Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.
33 and so Paul went forth from the midst of them,
Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.
34 and certain men having cleaved to him, believed, among whom [is] also Dionysius the Areopagite, and a woman, by name Damaris, and others with them.
Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.