< Jeremiah 10 >

1 Hear ye the word which the Lord hath spoken concerning you, O house of Israel:
Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo.
2 Thus hath said the Lord, Do not habituate yourselves on the way of the nations, and at the signs of the heavens be ye not dismayed; although the nations should be dismayed at them.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Ha baranina jidka quruumaha, oo hana ka nixina calaamadaha samada, waayo, quruumahaa ka naxa iyaga.
3 For the statutes of these people concern what is vanity; for it is but a tree which a man hath cut out of a forest, the work of the hands of the workman, with the axe.
Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan.
4 With silver and with gold do they ornament it; with nails and with hammers do they fasten it, that it move not from its place.
Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin.
5 As a wrought-out palm-like column are they, and cannot speak; they must needs be borne, because they cannot step along. Be not afraid of them; for they cannot do any harm, so also to do any good is not in them.
Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
6 Forasmuch as there is none like unto thee, O Lord: thou [alone] art great, and great is thy name in might.
Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay.
7 Who would not fear thee, O King of the nations? for to thee doth it appertain; because among all the wise men of the nations, and in all their kingdoms, [they say] there is none like unto thee.
Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro.
8 But at once shall they be shown to be brutish and foolish: it is a doctrine of vanities, it concerneth but wood.
Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun.
9 The beaten out silver is brought from Tharshish, and gold from Uphaz, the work of the workman, and of the hands of the goldsmith: blue and purple is their clothing; the work of skilful men are they all.
Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis.
10 But the Lord God is the truth, he is the living God, and the everlasting king: at his wrath the earth shall quake, and nations cannot endure his indignation.
Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.
11 Thus shall ye say unto them, The gods that have not made the heavens and the earth, shall perish away from the earth, and from under these heavens.
Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.
12 He made the earth by his power, he established the world by his wisdom, and by his understanding he stretched out the heavens.
Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
13 At the sound when he giveth a multitude of waters in the heavens, and causeth clouds to ascend from the ends of the earth; when he maketh lightnings with rain, and bringeth forth the wind out of his treasures:
Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
14 Then standeth every man as brutish without knowledge; ashamed is every goldsmith because of the graven image; for falsehood is his molten work, and there is no breath therein.
Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
15 They are vanity, the work of deception; in the time of their punishment shall they vanish.
Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
16 Not like these is the portion of Jacob; for he is the former of all things; and Israel is the tribe of his inheritance: The Lord of hosts is his name.
Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
17 Gather up thy wares from the ground, O inhabitress of the beleaguered city.
Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso.
18 For thus hath said the Lord, Behold, I will cast forth as with a sling the inhabitants of the land at this time, and I will enclose them, in order that they may find them.
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.
19 Woe is me for my breach! my wound is painful; but I thought, This is but pain, and I shall be able to bear it.
Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.
20 [But now] my tent is laid waste, and all my cords are torn asunder; my children are gone away from me, and they are not [here]; there is no one to stretch forth my tent any more, and to set up my curtains.
Taambuuggaygii waa baabba'ay, oo xadhkahaygii oo dhanna waa la jaray. Carruurtaydii way iga tageen oo ma ay joogaan, oo innaba lama arko cid teendhadayda mar dambe dhisaysa oo daahyadayda kor u taagaysa toona.
21 For the shepherds were brutish, and the Lord had they not sought; therefore have they not prospered, and all their flocks are scattered.
Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin.
22 Behold, the noise of the report is come, and a great commotion out of the north country, to render the cities of Judah desolate, a dwelling for monsters.
Bal maqla qaylada warka iyo rabshadda weyn oo xagga dalka woqooyi ka soo socota, oo markaas waxaa magaalooyinka dalka Yahuudah laga dhigi doonaa baabba' iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan.
23 I know, O Lord, that the way of man is not in his own power: it is not in man that passeth away to direct his own steps.
Rabbiyow, waan ogahay in binu-aadmiga jidkiisu uusan gacantiisa ku jirin, ninkii socda innaba karti uma leh inuu tallaabooyinkiisa toosiyo.
24 Correct me, O Lord, but with justice; not in thy anger, lest thou bring me to nothing.
Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn.
25 Pour out thy fury over the nations that know thee not, and over the families that have not called on thy name; for they have eaten up Jacob, and devoured him, and consumed him, and have made his dwelling desolate.
Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.

< Jeremiah 10 >