< Ezekiel 38 >

1 And the word of the Lord came unto me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 Son of man, direct thy face against Gog of the land of Magog, the prince of Rosh, Meshech and Thubal, and prophesy against him,
Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg.
3 And say, Thus hath said the Lord Eternal, Behold, I will be against thee, O Gog, the prince of Rosh, Meshech and Thubal;
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
4 And I will derange thee, and put hooks into thy jaws, and I will bring thee forth, and all thy army, horses and horsemen, all of them clothed in elegant attire, a great assemblage with bucklers and shields, all of them grasping swords.
Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,
5 Persia, Cush, and Put [shall be] with them; all of them with shield and helmet;
iyagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita,
6 Gomer and all of its armies; the house of Thogarmah out of the farthest north, and all its armies; many people shall be with thee.
iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira.
7 Be thou ready, and prepare thyself, thou, and all thy assemblages that are assembled about thee, and be thou a guard unto them.
Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.
8 After many days shalt thou be ordered forward; in the end of years shalt thou come into the land that is recovering from the sword, and is gathered together out of many people, against the mountains of Israel, which have been ruined for a very long time: [to a people] that are brought forth out of the nations, and that now dwell in safety, all of them.
Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.
9 Thou wilt ascend and come like a tempest, like a cloud to cover the earth wilt thou be, thou, and all thy armies, and the many people with thee.
Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.
10 Thus hath said the Lord Eternal, It will also come to pass, at the same time, that things will come into thy mind, and thou wilt entertain an evil device;
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,
11 And thou wilt say, I will go up over the land of open towns; I will come against those that are careless, that dwell in safety, all of whom dwell without walls, and have neither bars nor gates,
oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,
12 To snatch up the spoil, and to take away the prey; to turn thy hand against the ruined places now inhabited, and against the people that are gathered out of the nations, that have gotten cattle and goods, that dwell in the highest part of the land.
inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.
13 Sheba, and Dedan, and the traders of Tharshish, with all her young lions, will say unto thee, Art thou come to plunder the spoil? hast thou gathered thy company to carry off the prey? to bear away silver and gold, to take away cattle and goods, to plunder a great spoil?
Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?
14 Therefore, prophesy, son of man, and say unto Gog, Thus hath said the Lord Eternal, Behold, on the day when my people of Israel dwelleth in safety, shalt thou know [my power].
Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?
15 And thou wilt come from thy place out of the farthest ends of the north, thou, and many people with thee, all of them riding upon horses, a great assemblage, and a mighty army;
Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.
16 And thou wilt come up against my people of Israel, like a cloud to cover the land; in the latter days will this be, and I will bring thee over my land, in order that the nations may know me, when I am sanctified on thee, before their eyes, O Gog.
Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.
17 Thus hath said the Lord Eternal, Art thou [not] he of whom I have spoken in ancient days through means of my servants the prophets of Israel, who prophesied in those days [many] years, that I would bring thee against them?
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono?
18 And it shall come to pass at the same time, on the day of Gog's coming over the land of Israel, saith the Lord Eternal, that my fury shall be kindled in my nose.
Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
19 And in my zealousness, in the fire of my wrath, have I spoken, Surely on that day there shall be a great earthquake in the country of Israel;
Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,
20 And there shall quake at my presence the fishes of the sea, and the fowls of the heaven, and the beasts of the field, and every creeping thing that creepeth upon the earth, and all the men that are upon the face of the earth, and the mountains shall be thrown down, and the cliffs shall fall, and every wall shall fall to the ground.
oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.
21 And I will call against him throughout all my mountains for the sword, saith the Lord Eternal: every man's sword shall be against his brother.
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis.
22 And I will hold judgment over him with pestilence and with blood [-shedding]; and an overflowing rain, and great hailstones, fire, and sulfur will I let rain over him and his armies, and over the many people that are with him.
Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud.
23 Thus will I magnify myself, and sanctify myself, and make myself known before the eyes of many nations: and they shall know that I am the Lord.
Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

< Ezekiel 38 >