< 1 Kings 14 >

1 At that time Abiyah the son of Jerobo'am fell sick.
Oo waagaas ayaa Abiiyaah oo ahaa ina Yaaraabcaam bukooday.
2 And Jerobo'am said to his wife, Arise, I pray thee, and disguise thyself, that people may not know that thou art the wife of Jerobo'am; and go to Shiloh: behold, there is Achiyahu the prophet, who spoke of me that [I should become] king over this people.
Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu bilcantiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kac oo isbeddel, oo yaan lagu aqoon inaad tahay bilcantii Yaaraabcaam; oo waxaad tagtaa Shiiloh, waayo, halkaas waxaa jooga Nebi Axiiyaah oo ii sheegay inaan dadkan boqor u ahaanayo.
3 And take with thee ten loaves of bread and spice-cakes, and a cruise of honey, and go to him: he will tell thee what is to become of the lad.
Oo waxaad qaaddaa toban xabbadood oo kibis ah, iyo buskuddo, iyo ubbo malab ah, oo isaga u tag; oo wuxuu kuu sheegi doonaa waxa wiilka ku dhici doona.
4 And Jerobo'am's wife did so, and arose, and went to Shiloh, and came to the house of Achiyahu. But Achiyahu was not able to see; for his eyes were set by reason of his high age.
Oo Yaaraabcaam bilcantiisiina sidaasay yeeshay, oo waxay u kacday Shiiloh oo gurigii Axiiyaah bay timid. Haddaba Axiiyaah waxba ma arki karin, waayo, indhihiisii waxay la dhaceen dugow aawadiis.
5 And the Lord had said unto Achiyahu, Behold the wife of Jerobo'am is coming to inquire a word of thee about her son; for he is sick: thus and thus shalt thou speak unto her; for it will be, when she cometh in, that she will feign to be another.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Bal eeg, Yaaraabcaam bilcantiisii ayaa kuugu imanaysa inay ku weyddiiso wax ku saabsan wiilkeeda, maxaa yeelay, isagu wuu bukaa; haddaba iyada saas iyo saas ku dheh; waayo, markay kuu timaado waxay iska dhigaysaa naag kale.
6 And it happened, when Achiyahu heard the sound of her feet, as she came in at the door, that he said, Come in, thou wife of Jerobo'am; why is this, that thou feignest to be another? but I am sent to thee with a hard message.
Oo markii Axiiyaah maqlay sanqadhii cagaheeda, markii ay albaabka soo gashay ayuu ku yidhi, Soo gal, Yaaraabcaam bilcantiisay, maxaadse isaga dhigaysaa mid kale? Waayo, waxaa la iigu soo kaa dhiibay war xun.
7 Go, say to Jerobo'am, Thus hath said the Lord the God of Israel, Forasmuch as I exalted thee from the midst of the people, and made thee prince over my people Israel,
Haddaba tag, oo Yaaraabcaam waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu dadka oo dhan waan kaa sara mariyey, oo waxaan amiir kaaga dhigay dadkaygii Israa'iil,
8 And I rent the kingdom away from the house of David, and gave it unto thee; whereas thou hast not been like my servant David, who kept my commandments, and who followed after me with all his heart, to do only what is right in my eyes;
oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,
9 And thou hast done more evil than all that were before thee; and thou art gone and hast made unto thyself other gods, and molten images, to provoke me to anger, and me hast thou cast behind thy back:
laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.
10 Therefore, behold, will I bring evil upon the house of Jerobo'am, and will cut off from Jerobo'am every male, [also] the guarded and fortified in Israel; and I will sweep out after the house of Jerobo'am as one sweepeth away the dung till there be nothing left of it.
Sidaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo.
11 Him that dieth of Jerobo'am in the city shall the dogs eat; and him that dieth in the field shall the fowls of the heavens eat; for the Lord hath spoken it.
Oo Yaaraabcaam dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada, waayo, Rabbigu saasuu ku hadlay.
12 But thou, arise now, go to thy own house: when thy feet enter into the city, the child shall die.
Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.
13 And all Israel shall mourn for him, and bury him; for this one alone shall come of Jerobo'am's [family] to the grave; because there hath been found in him some good thing toward the Lord the God of Israel in the house of Jerobo'am.
Oo dadka dalka Israa'iil oo dhan ayaa u barooran doona oo aasi doona, waayo, dadka Yaaraabcaam oo dhan isaga keliya ayaa xabaasha gelaya, maxaa yeelay, reer Yaaraabcaam isaga keliya ayaa laga helay wax ku wanaagsan xagga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
14 And the Lord will raise up unto himself a king over Israel, who shall cut off the house of Jerobo'am what is here this day, and what will be after this.
Oo weliba Rabbigu wuxuu sara kicin doonaa boqor u taliya dadkii Israa'iil, oo kaasuna maalintaas wuxuu baabbi'in doonaa reer Yaaraabcaam, laakiinse taasu waa goorma? Waa haddeer.
15 And the Lord will smite Israel, as the reed is shaken in the water, and he will pull up Israel out of this good land, which he gave to their fathers, and will scatter them on the other side of the river; because they have made their groves, provoking the Lord to anger.
Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.
16 And he will give Israel up for the sake of the sins of Jerobo'am, who did sin, and who induced Israel to sin.
Oo Rabbigu wuxuu dadka dalka Israa'iil u sii daynayaa dembiyadii Yaaraabcaam dembaabay oo uu dadka dalka Israa'iilna dembaajiyey aawadood.
17 And Jerobo'am's wife arose, and departed, and came to Thirzah; [and] as she came to the threshold of the door, the lad died:
Markaasay Yaaraabcaam bilcantiisii kacday oo tagtay, oo waxay timid Tirsaah; oo markay guriga iriddiisii soo gaadhay ayaa wiilkii dhintay.
18 And they buried him; and all Israel mourned for him, according to the word of the Lord, which he had spoken by the hand of his servant Achiyahu the prophet.
Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu way aaseen, wayna u wada baroorteen siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay ee uu nebigii ahaa addoonkiisii Axiiyaah u soo dhiibay.
19 And the rest of the acts of Jerobo'am, how he warred, and how he reigned, behold, they are written in the book of the chronicles of the kings of Israel.
Oo Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
20 And the days which Jerobo'am reigned were two and twenty years; and he slept with his fathers, and Nadab his son became king in his stead.
Oo Yaaraabcaamna wuxuu talinayay laba iyo labaatan sannadood; markaasuu dhintay oo awowayaashiis la seexday, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Naadaab.
21 And Rehobo'am the son of Solomon reigned in Judah. Rehobo'am was forty and one years old when he became king, and seventeen years did he reign in Jerusalem, the city which the Lord had chosen out of all the tribes of Israel, to put his name there. And his mother's name was Na'amah the 'Ammonitess.
Oo Rexabcaam ina Sulaymaanna boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah. Oo markuu Rexabcaam boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.
22 And Judah did what is evil in the eyes of the Lord, and they moved him to wrath more than all that their fathers had done, with their sins which they committed.
Oo reer Yahuudahna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo waxay Rabbiga kaga hinaasiyeen dembiyadoodii ay galeen oo ka badnaa kuwii ay awowayaashood galeen.
23 And they also built themselves high-places, and standing images, and groves, on every high hill, and under every green tree.
Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.
24 And sodomites also were in the land: they acted in accordance with all the abominable deeds of the nations which the Lord had driven out before the children of Israel.
Oo weliba dalka waxaa joogay makhnuudyo, oo waxay u wada sameeyeen sidii kulli karaahiyadii ay samayn jireen quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
25 And it came to pass in the fifth year of king Rehobo'am, that Shishak the king of Egypt came up against Jerusalem:
Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay,
26 And he took away the treasures of the house of the Lord, and the treasures of the king's house; yea, every thing did he take away; and he took away all the shields of gold which Solomon had made.
oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka, oo dhammaantood wuu wada qaatay; oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey.
27 And king Rehobo'am made in their stead shields of copper, and committed them for keeping into the hand of the chiefs of the runners, who kept guard at the door of the king's house.
Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabkii guriga boqorka dhawri jiray.
28 And it happened whenever the king went into the house of the Lord, that the runners used to bear them, and carried them then back into the apartment of the runners.
Oo mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.
29 And the rest of the acts of Rehobo'am, and all that he did, behold, they are written in the book of the chronicles of the kings of Judah.
Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
30 And there was war between Rehobo'am and Jerobo'am all the days.
Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray had iyo goorba.
31 And Rehobo'am slept with his fathers, and was buried with his fathers in the city of David. And his mother's name was Na'amah the 'Ammonitess. And Abiyam his son became king in his stead.
Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.

< 1 Kings 14 >