< Psalms 43 >

1 A Psalm of David. Judge me, O God, and plead my cause, against an ungodly nation: deliver me from the unjust and crafty man.
Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
2 For you, O God, are my strength: therefore have you cast me off? and why do I go sad of countenance, while the enemy oppresses [me]?
Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
3 Send forth your light and your truth: they have led me, and brought me to your holy mountain, and to your tabernacles.
Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen, Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
4 And I will go in to the altar of God, to God who gladdens my youth: I will give thanks to you on the harp, O God, my God.
Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
5 Therefore are you very sad, O my soul? and therefore do you trouble me? Hope in God; for I will give thanks to him, [who is] the health of my countenance, [and] my God.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

< Psalms 43 >