< Revelation 10 >
1 Then I saw another powerful angel descending from heaven, with a cloud wrapped around him and with a rainbow over his head. His face looked like the sun, and his feet like pillars of fire.
Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,
2 He was holding a small scroll that had already been opened. He placed his right foot on the sea, and this left foot on the land.
oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,
3 He gave a great shout, like a lion roaring. When he shouted, the seven thunders responded.
oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen.
4 When the seven thunders spoke, I was about to write down what they said when I heard a voice from heaven that told me, “Keep under seal what the seven thunders said. Don't write them down.”
Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin.
5 The angel I saw standing on the sea and on the land held up his right hand to heaven.
Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,
6 He made a sacred oath by the one who lives for ever and ever, who created the heavens and everything in them, and the earth and everything in it, and the sea and everything in it. “No more delay!” he said. (aiōn )
oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba. (aiōn )
7 But at the time when the seventh angel speaks, when he blows his trumpet, then the mystery of God will be completed—the good news he announced through his servants the prophets.
Laakiinse wakhtiga codka malaa'igta toddobaad markay ku dhow dahay inay ka dhawaajiso ayaa waxaa dhammaan doona qarsoodiga Ilaah siduu ugu bishaareeyey nebiyadii addoommadiisa ahaa.
8 Then I heard again the voice from heaven telling me, “Go and take the scroll that is open in the hand of the angel that stands on the sea and on the land.”
Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka.
9 So I went to the angel, and asked him to give me the little scroll. He said to me, “Take it and eat it up. It will be sour in your stomach, but sweet as honey in your mouth.”
Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.
10 I took the little scroll from the angel and ate it up. In my mouth it was as sweet as honey, but it was sour in my stomach.
Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay.
11 I was told, “You must prophesy again regarding many peoples, nations, languages, and kings.”
Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.