< Isaiah 44 >
1 And now hear, O Jacob, my servant, and Israel whom I have chosen.
Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla.
2 Thus saith the Lord that made and formed thee, thy helper from the womb: Fear not, O my servant Jacob, and thou most righteous whom I have chosen.
Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.
3 For I will pour out waters upon the thirsty ground, and streams upon the dry land: I will pour out my spirit upon thy seed, and my blessing upon thy stock.
Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
4 And they shall spring up among the herbs, as willows beside the running waters.
Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
5 One shall say: I am the Lord’s, and another shall call himself by the name of Jacob, and another shall subscribe with his hand, To the Lord, and surname himself by the name of Israel.
Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.
6 Thus saith the Lord the king of Israel, and his redeemer the Lord of hosts: I am the brat, and I am the last, and besides me there is no God.
Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
7 Who is like to me? let him call and declare: and let him set before me the order, since I appointed the ancient people: and the things to come, and that shall be hereafter, let them shew unto them.
Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.
8 Fear ye not, neither be ye troubled, from that time I have made thee to hear, and have declared: you are my witnesses. Is there a God besides me, a maker, whom I have not known?
Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.
9 The makers of idols are all of them nothing, and their best beloved things shall not profit them. They are their witnesses, that they do not see, nor understand, that they may be ashamed.
Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.
10 Who hath formed a god, and made a graven thing that is profitable for nothing?
Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?
11 Behold, all the partakers thereof shall be confounded: for the makers are men: they shall all assemble together, they shall stand and fear, and shall be confounded together.
Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan.
12 The smith hath wrought with his file, with coals, and with hammers he hath formed it, and hath wrought with the strength of his arm: he shall hunger and faint, he shall drink no water, and shall be weary.
Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa.
13 The carpenter hath stretched out his rule, he hath formed it with a plane: he hath made it with corners, and hath fashioned it round with the compass: and he hath made the image of a man as it were a beautiful man dwelling in a house.
Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo.
14 He hath cut down cedars, taken the holm, and the oak that stood among the trees of the forest: he hath planted the pine tree, which the rain hath nourished.
Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa.
15 And it hath served men for fuel: he took thereof, and warmed himself: and he kindled it, and baked bread: but of the rest he made a god, and adored it: he made a graven thing, and bowed down before it.
Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa.
16 Part of it he burnt with fire, and with part of it he dressed his meat: he boiled pottage, and was filled, and was warmed, and said: Aha, I am warm, I have seen the fire.
Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.
17 But the residue thereof he made a god, and a graven thing for himself: he boweth down before it, and adoreth it, and prayeth unto it, saying: Deliver me, for thou art my God.
Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga.
18 They have not known, nor understood: for their eyes are covered that they may not see, and that they may not understand with their heart.
Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.
19 They do not consider in their mind, nor know, nor have the thought to say: I have burnt part of it in the fire, and I have baked bread upon the coals thereof: I have broiled flesh and have eaten, and of the residue thereof shall I make an idol? shall I fall down before the stock of a tree?
Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis?
20 Part thereof is ashes: his foolish heart adoreth it, and he will not save his soul, nor say: Perhaps there is a lie in my right hand.
Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
21 Remember these things, O Jacob, and Israel, for thou art my servant. I have formed thee, thou art my servant, O Israel, forget me not.
Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo.
22 I have blotted out thy iniquities as a cloud, and thy sins as a mist: return to me, for I have redeemed thee.
Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.
23 Give praise, O ye heavens, for the Lord hath shewn mercy: shout with joy, ye ends of the earth: ye mountains, resound with praise, thou, O forest, and every tree therein: for the Lord hath redeemed Jacob, and Israel shall be glorified.
Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.
24 Thus saith the Lord thy redeemer, and thy maker, from the womb: I am the Lord, that make all things, that alone stretch out the heavens, that establish the earth, and there is none with me.
Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.
25 That make void the tokens of diviners, and make the soothsayers mad. That turn the wise backward, and that, make their knowledge foolish.
Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga,
26 That raise up the word of my servant and perform the counsel of my messengers, who say to Jerusalem: Thou shalt be inhabited: and to the cities of Juda: You shall be built, and I will raise up the wastes thereof.
kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.
27 Who say to the deep: Be thou desolate, and I will dry up thy rivers.
Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa,
28 Who say to Cyrus: Thou art my shepherd, and thou shalt perform all my pleasure. Who say to Jerusalem: Thou shalt be built: and to the temple: Thy foundations shall be laid.
kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.