< Ezekiel 23 >

1 And the word of Jehovah came unto me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 Son of man, there were two women, daughters of one mother.
Wiilka Aadamow, waxaa jiray laba naagood oo isku hooyo ah.
3 And they committed whoredom in Egypt; they committed whoredom in their youth: there were their breasts pressed, and there were handled the teats of their virginity.
Oo dhillanimo bay Masar ku sameeyeen, oo intii ay yaryaraayeen ayay dhilloobeen. Halkaasna naasahoodii waa lagu tuujiyey, oo halkaasaa ibihii naasaha ee bikradnimadooda lagu nabareeyey.
4 And their names were Oholah the elder, and Oholibah her sister; and they were mine, and they bore sons and daughters. As for their names: Samaria is Oholah, and Jerusalem Oholibah.
Oo labadooda tan weyn waxaa la odhan jiray Aaholaah, oo walaasheed magaceeduna wuxuu ahaa Aaholiibaah, oo kuwaygay noqdeen, oo waxay dhaleen wiilal iyo gabdho. Haddaba magacyadoodu waa sidan, Aaholaah waa Samaariya, oo Aaholiibaahna waa Yeruusaalem.
5 And Oholah played the harlot when she was mine; and she lusted after her lovers, after the Assyrians [her] neighbours,
Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa,
6 clothed with blue, governors and rulers, all of them attractive young men, horsemen riding upon horses.
kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan.
7 And she bestowed her whoredoms upon them, all of them the choice of the children of Asshur; and with all after whom she lusted, with all their idols she defiled herself.
Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay.
8 Neither left she her whoredoms [brought] from Egypt; for in her youth they had lain with her, and had handled the breasts of her virginity, and poured their fornication upon her.
Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.
9 Therefore I gave her into the hand of her lovers, into the hand of the children of Asshur, after whom she lusted.
Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday.
10 These discovered her nakedness, they took her sons and her daughters, and slew her with the sword; and she became a name among women; and they executed judgment upon her.
Kuwaasu cawradeedii bay soo bandhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey.
11 And her sister Oholibah saw [this], and was more corrupt in her passion than she, and in her fornications more than the whoredoms of her sister.
Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed.
12 She lusted after the children of Asshur [her] neighbours, governors and rulers, clothed most gorgeously, horsemen riding upon horses, all of them attractive young men.
Waxay caashaqday kuwii reer Ashuur ee deriska la ahaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal si qurux badan u xidhan, oo ahaa fardooley fardo fuushan, oo kulligood wada ahaa dhallinyaro suurad wacan.
13 And I saw that she was defiled: both took one way.
Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen.
14 And she increased her fornications; for she saw men portrayed upon the wall, the images of the Chaldeans portrayed with vermilion,
Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray,
15 girded with girdles upon their loins, with flowing turbans on their heads, all of them captains in appearance, [after] the likeness of the children of Babylon, of Chaldea, the land of their nativity.
oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.
16 And as soon as she saw them with her eyes, she lusted after them, and sent messengers unto them into Chaldea.
Oo isla markii ay aragtay ayay caashaqday, oo farriinqaadayaal dalkii Kalday bay ugu dirtay.
17 And the children of Babylon came to her into the bed of love, and they defiled her with their fornication; she too defiled herself with them, and her soul was alienated from them.
Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.
18 And she discovered her whoredoms, and discovered her nakedness; and my soul was alienated from her, like as my soul was alienated from her sister.
Sidaasay dhillanimadeedii u soo bandhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale.
19 Yet she multiplied her whoredoms, calling to remembrance the days of her youth, wherein she played the harlot in the land of Egypt;
Laakiinse waxay sii badisay dhillanimadeedii iyadoo wakhtigii yaraanteeda soo xusuusanaysa markay dalkii Masar ku dhillowday.
20 and she lusted after their paramours, whose flesh is [as] the flesh of asses, and whose issue is [as] the issue of horses.
Waxay caashaqday dhillayadeeda uu jiidhkoodu yahay sida jiidhka dameerrada, oo ay shahwaddooduna tahay sida shahwadda fardaha oo kale.
21 And thou didst look back to the lewdness of thy youth, in the handling of thy teats by the Egyptians, for the breasts of thy youth.
Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.
22 Therefore, Oholibah, thus saith the Lord Jehovah: Behold, I will raise up thy lovers against thee, from whom thy soul is alienated, and I will bring them against thee on every side.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aaholiibaahay, bal ogow, kuwii ku caashaqi jiray ayaan kugu soo kicin doonaa, kuwaasoo ay naftaadu ka go'day, oo iyagaan dhinac kasta kaaga soo dayn doonaa,
23 The children of Babylon, and all the Chaldeans, Pekod and Shoa and Koa, all the children of Asshur with them; all of them attractive young men, governors and rulers, great lords and renowned, all of them riding upon horses.
kuwaasoo ah reer Baabuloon, iyo reer Kaldayiin oo dhan, iyo Feqood, iyo Shooca, iyo Qooca, iyo reer Ashuur oo dhan oo iyaga la jira, oo kulligood ah rag dhallinyaro ah oo suurad wacan oo ah saraakiil iyo taliyayaal, iyo amiirro, iyo rag caan ah, oo kulligood fardo fuushan.
24 And they shall come against thee [with] armour, chariots and wheels, and with an assemblage of peoples; they shall set themselves against thee [with] target, and shield, and helmet round about; and I will put judgment before them, and they shall judge thee according to their judgments.
Oo waxay kugula soo duuli doonaan hub iyo gaadhifardood iyo giraangiro iyo guuto dad, oo hareerahaaga oo dhan ayay kaaga soo kici doonaan iyagoo wata gaashaan weyn, iyo gaashaan yar, iyo koofiyad bir ah, oo waxaan iyaga u dhiibi doonaa xukun, oo waxay kuu xukumi doonaan sida ay xukummadoodu yihiin.
25 And I will set my jealousy against thee, and they shall deal furiously with thee: they shall cut off thy nose and thine ears, and thy remnant shall fall by the sword; they shall take thy sons and thy daughters; and thy residue shall be devoured by the fire.
Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.
26 They shall also strip the of thy garments, and take away thy fair jewels.
Oo weliba dharkaaga way kaa wada muruxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan.
27 And I will make thy lewdness to cease from thee, and thy whoredom [brought] from the land of Egypt; and thou shalt not lift up thine eyes unto them, nor remember Egypt any more.
Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.
28 For thus saith the Lord Jehovah: Behold, I will give thee over into the hand of them whom thou hatest, into the hand of them from whom thy soul is alienated.
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.
29 And they shall deal with thee in hatred, and shall take away all thy labour, and shall leave thee naked and bare; so that the nakedness of thy whoredoms shall be discovered, both thy lewdness and thy fornications.
Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.
30 These things shall be done unto thee, because thou hast gone a whoring after the nations, because thou hast defiled thyself with their idols.
Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
31 Thou hast walked in the way of thy sister; and I have given her cup into thy hand.
Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa.
32 Thus saith the Lord Jehovah: Thou shalt drink of thy sister's cup deep and large; thou shalt be for a laughing-stock and a derision, [for] it containeth much.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad cabbi doontaa walaashaa koobkeedii dheeraa oo weynaa, oo fudaydsasho baa laguugu qosli doonaa oo waa lagu quudhsan doonaa, waayo, wuu buuxaa.
33 Thou shalt be filled with drunkenness and sorrow, with the cup of astonishment and desolation, the cup of thy sister Samaria;
Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya.
34 thou shalt even drink it and suck it out, and thou shalt gnaw the sherds thereof, and pluck off thine own breasts: for I have spoken [it], saith the Lord Jehovah.
Waad cabbi doontaa, oo weliba waad heenheensan doontaa, oo burburkiisana waad ruugi doontaa, oo naasahaagaad jiidi doontaa, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
35 Therefore thus saith the Lord Jehovah: Because thou hast forgotten me, and cast me behind thy back, therefore bear thou also thy lewdness and thy fornications.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.
36 And Jehovah said unto me, Son of man, wilt thou judge Oholah and Oholibah? yea, declare unto them their abominations.
Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.
37 For they have committed adultery, and blood is in their hands; and with their idols have they committed adultery, and have also passed over unto them their children, whom they bore unto me, to be devoured.
Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.
38 Moreover this have they done unto me: in the same day have they defiled my sanctuary and profaned my sabbaths.
Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.
39 For when they had slaughtered their children unto their idols, they came the same day into my sanctuary to profane it; and behold, thus have they done in the midst of my house.
Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.
40 And furthermore, they sent for men to come from far, unto whom a messenger was sent; and behold, they came: for whom thou didst wash thyself, paintedst thine eyes, and deckedst thyself with ornaments;
Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday,
41 and satest upon a stately bed, with a table prepared before it, whereupon thou hadst set mine incense and mine oil.
oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.
42 And the voice of a multitude living carelessly was with her; and with people of the common sort were brought Sabeans from the wilderness, and they put bracelets upon their hands, and a beautiful crown upon their heads.
Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.
43 And I said of her that was old in adulteries, Will she now commit her fornications, even she.
Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?
44 And they went in unto her, as they go in unto a whorish woman: so went they in unto Oholah and unto Oholibah the lewd women.
Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah.
45 And righteous men, they shall judge them with the judgment of adulteresses, and with the judgment of women that shed blood; for they are adulteresses, and blood is in their hands.
Oo ragga xaqa ahu waxay iyaga u xukumi doonaan sida dhillooyin iyo naago dhiig galay loo xukumo oo kale, maxaa yeelay, iyagu waa dhillooyin, oo gacmahoodana dhiig baa ku yaal.
46 For thus saith the Lord Jehovah: I will bring up an assemblage against them, and will give them to be driven hither and thither and spoiled.
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.
47 And the assemblage shall stone them with stones, and despatch them with their swords; they shall kill their sons and their daughters, and burn their houses with fire.
Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan.
48 And I will cause lewdness to cease out of the land, and all women shall receive instruction and shall not do according to your lewdness.
Oo sidaasaan shar dalka uga joojin doonaa, si naagaha oo dhan loo baro inaanay mar dambe sidii sharkiinnii oo kale u falin.
49 And they shall recompense your lewdness upon you, and ye shall bear the sins of your idols; and ye shall know that I [am] the Lord Jehovah.
Oo sharkiinnii waa laydinka abaalmarin doonaa, oo dembiyadii sanamyadiinna ayaad xambaaran doontaan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

< Ezekiel 23 >