< Proverbs 25 >
1 These are additional proverbs of Solomon, which were copied by the men of Hezekiah king of Judah:
Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan, Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.
2 It is the glory of God to conceal a matter and the glory of kings to search it out.
Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo, Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.
3 As the heavens are high and the earth is deep, so the hearts of kings cannot be searched.
Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay, Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
4 Remove the dross from the silver, and a vessel for a silversmith will come forth.
Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.
5 Remove the wicked from the king’s presence, and his throne will be established in righteousness.
Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
6 Do not exalt yourself in the presence of the king, and do not stand in the place of great men;
Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.
7 for it is better that he says to you, “Come up here!” than that you should be demoted in the presence of the prince. Even what you have seen with your own eyes,
Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.
8 do not bring hastily to court. Otherwise, what will you do in the end when your neighbor puts you to shame?
Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
9 Argue your case with your neighbor without betraying another’s confidence,
Dacwadaada deriskaaga kala dood, Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,
10 lest the one who hears may disgrace you, and your infamy never go away.
Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.
11 A word fitly spoken is like apples of gold in settings of silver.
Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
12 Like an earring of gold or an ornament of fine gold is a wise man’s rebuke to a listening ear.
Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
13 Like the cold of snow in the time of harvest is a trustworthy messenger to those who send him; he refreshes the soul of his masters.
Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
14 Like clouds and wind without rain is the man who boasts of gifts never given.
Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
15 Through patience a ruler can be persuaded, and a gentle tongue can break a bone.
Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
16 If you find honey, eat just what you need, lest you have too much and vomit it up.
Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun, Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
17 Seldom set foot in your neighbor’s house, lest he grow weary and hate you.
Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
18 Like a club or sword or sharp arrow is a man who bears false witness against his neighbor.
Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19 Like a broken tooth or a foot out of joint is confidence in a faithless man in time of trouble.
In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20 Like one who removes a garment on a cold day or vinegar poured on a wound is one who sings songs to a heavy heart.
Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21 If your enemy is hungry, give him food to eat, and if he is thirsty, give him water to drink.
Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22 For in so doing, you will heap burning coals on his head, and the LORD will reward you.
Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
23 As the north wind brings forth rain, so a backbiting tongue brings angry looks.
Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24 Better to live on a corner of the roof than to share a house with a quarrelsome wife.
In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
25 Like cold water to a weary soul is good news from a distant land.
Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
26 Like a muddied spring or a polluted well is a righteous man who gives way to the wicked.
Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
27 It is not good to eat too much honey or to search out one’s own glory.
In malab badan la cunaa ma wanaagsana, Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.
28 Like a city whose walls are broken down is a man who does not control his temper.
Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.