< Job 12 >

1 Then Job answered:
Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 “Truly then you are the people with whom wisdom itself will die!
Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
3 But I also have a mind; I am not inferior to you. Who does not know such things as these?
Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
4 I am a laughingstock to my friends, though I called on God, and He answered. The righteous and upright man is a laughingstock.
Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
5 The one at ease scorns misfortune as the fate of those whose feet are slipping.
Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
6 The tents of robbers are safe, and those who provoke God are secure— those who carry their god in their hands.
Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
7 But ask the animals, and they will instruct you; ask the birds of the air, and they will tell you.
Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
8 Or speak to the earth, and it will teach you; let the fish of the sea inform you.
Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
9 Which of all these does not know that the hand of the LORD has done this?
Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
10 The life of every living thing is in His hand, as well as the breath of all mankind.
Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
11 Does not the ear test words as the tongue tastes its food?
War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
12 Wisdom is found with the elderly, and understanding comes with long life.
Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
13 Wisdom and strength belong to God; counsel and understanding are His.
Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
14 What He tears down cannot be rebuilt; the man He imprisons cannot be released.
Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
15 If He holds back the waters, they dry up, and if He releases them, they overwhelm the land.
Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
16 True wisdom and power belong to Him. The deceived and the deceiver are His.
Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
17 He leads counselors away barefoot and makes fools of judges.
Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
18 He loosens the bonds placed by kings and fastens a belt around their waists.
Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
19 He leads priests away barefoot and overthrows the established.
Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
20 He deprives the trusted of speech and takes away the discernment of elders.
Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
21 He pours out contempt on nobles and disarms the mighty.
Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
22 He reveals the deep things of darkness and brings deep shadows into light.
Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
23 He makes nations great and destroys them; He enlarges nations, then disperses them.
Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
24 He deprives the earth’s leaders of reason and makes them wander in a trackless wasteland.
Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
25 They grope in the darkness without light; He makes them stagger like drunkards.
Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.

< Job 12 >