< 2 Chronicles 32 >
1 After all these acts of faithfulness, Sennacherib king of Assyria came and invaded Judah. He laid siege to the fortified cities, intending to conquer them for himself.
Oo waxyaalahaas iyo aaminnimadaas dabadood waxaa yimid oo dalka Yahuudah soo galay Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur; magaalooyinkii deyrka lahaana ayuu weeraray, wuuna ku talo jiray inuu iyaga qaato.
2 When Hezekiah saw that Sennacherib had come to make war against Jerusalem,
Xisqiyaahna markuu arkay in Seenxeeriib yimid oo uu ku talo jiro inuu Yeruusaalem la diriro,
3 he consulted with his leaders and commanders about stopping up the waters of the springs outside the city, and they helped him carry it out.
ayuu amiirradiisii iyo raggiisii xoogga badnaa kula tashaday in la wada awdo ilaha biyaha ah oo magaalada dibaddeeda ku yaal, oo iyana way caawiyeen.
4 Many people assembled and stopped up all the springs and the stream that flowed through the land. “Why should the kings of Assyria come and find plenty of water?” they said.
Sidaas aawadeed waxaa isu soo ururay dad badan, wayna wada awdeen ilihii biyaha ahaa oo dhan iyo durdurkii waddanka dhex mari jiray, oo waxay isyidhaahdeen, Bal boqorrada dalka Ashuur intay yimaadaan maxay biyo badan u helayaan?
5 Then Hezekiah worked resolutely to rebuild all the broken sections of the wall and to raise up towers on it. He also built an outer wall and reinforced the supporting terraces of the City of David, and he produced an abundance of weapons and shields.
Markaasuu isdhiirrigeliyey, oo dhisay derbigii dunsanaa oo dhan, oo kor u gaadhsiiyey tan iyo munaaradihii, wuxuuna dhisay derbi kaloo dibadda ah, oo xoogeeyey Millo oo ku dhex tiil magaaladii Daa'uud, oo sameeyey hub dagaal iyo gaashaammo faro badan.
6 Hezekiah appointed military commanders over the people and gathered the people in the square of the city gate. Then he encouraged them, saying,
Oo taladii dadkana wuu u dhiibay saraakiil dagaalka yaqaan, oo dhammaantoodna wuxuu ku soo wada urursaday meeshii bannaanayd oo magaalada iriddeeda u dhowayd, wuuna dhiirrigeliyey oo ku yidhi,
7 “Be strong and courageous! Do not be afraid or discouraged before the king of Assyria and the vast army with him, for there is a greater One with us than with him.
Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira.
8 With him is only the arm of flesh, but with us is the LORD our God to help us and to fight our battles.” So the people were strengthened by the words of Hezekiah king of Judah.
Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
9 Later, as Sennacherib king of Assyria and all his forces besieged Lachish, he sent his servants to Jerusalem with a message for King Hezekiah of Judah and all the people of Judah who were in Jerusalem:
Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
10 “This is what Sennacherib king of Assyria says: What is the basis of your confidence, that you remain in Jerusalem under siege?
Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan?
11 Is not Hezekiah misleading you to give you over to death by famine and thirst when he says, ‘The LORD our God will deliver us from the hand of the king of Assyria?’
War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur?
12 Did not Hezekiah himself remove His high places and His altars and say to Judah and Jerusalem, ‘You must worship before one altar, and on it you shall burn sacrifices’?
War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?
13 Do you not know what I and my fathers have done to all the peoples of the lands? Have the gods of these nations ever been able to deliver their land from my hand?
War miyeydaan ka war qabin aniga iyo awowayaashayba wixii aan ku samaynay dadyowga dalalka deggan oo dhan? War quruumaha dalalka deggan ilaahyadoodu miyey sinaba u awoodeen inay dalkooda gacantayda ka samatabbixiyaan?
14 Who among all the gods of these nations that my fathers devoted to destruction has been able to deliver his people from my hand? How then can your God deliver you from my hand?
Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo?
15 So now, do not let Hezekiah deceive you, and do not let him mislead you like this. Do not believe him, for no god of any nation or kingdom has been able to deliver his people from my hand or from the hand of my fathers. How much less will your God deliver you from my hand!”
Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa?
16 And the servants of Sennacherib spoke further against the LORD God and against His servant Hezekiah.
Oo addoommadiisiina waxay ku sii hadleen war badan oo ka gees ah Rabbiga Ilaaha ah iyo addoonkiisa Xisqiyaah ahba.
17 He also wrote letters mocking the LORD, the God of Israel, and saying against Him: “Just as the gods of the nations did not deliver their people from my hand, so the God of Hezekiah will not deliver His people from my hand.”
Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.
18 Then the Assyrians called out loudly in Hebrew to the people of Jerusalem who were on the wall, to frighten and terrify them in order to capture the city.
Oo iyagoo afkii Yuhuudda ku hadlaya ayay cod weyn ugu dhawaaqeen dadkii reer Yeruusaalem oo derbiga kor joogay inay iyaga cabsiiyaan oo ay wareeriyaan si ay iyagu magaalada u qabsadaan.
19 They spoke against the God of Jerusalem as they had spoken against the gods of the peoples of the earth—the work of human hands.
Oo waxay Ilaahii Yeruusaalem uga hadleen siday uga hadleen ilaahyadii dadadka dunida, kuwaasoo ah wax dad gacanta ku sameeyey.
20 In response, King Hezekiah and the prophet Isaiah son of Amoz cried out to heaven in prayer,
Markaasaa Boqor Xisqiyaah iyo Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u tukadeen xaalkan aawadiis, oo waxay qaylo gaadhsiyeen samada.
21 and the LORD sent an angel who annihilated every mighty man of valor and every leader and commander in the camp of the king of Assyria. So he withdrew to his own land in disgrace. And when he entered the temple of his god, some of his own sons struck him down with the sword.
Markaasaa Rabbigu malag soo diray, kaasoo xeradii boqorkii Ashuur ku wada laayay raggii xoogga badnaa, iyo hoggaamiyayaashii, iyo saraakiishii oo dhanba. Sidaas daraaddeed isagoo ceebaysan ayuu dalkiisii ku noqday. Oo markuu gurigii ilaahiisa galay waxaa halkaas seef kaga dilay wiilashii uu dhalay.
22 So the LORD saved Hezekiah and the people of Jerusalem from the hands of King Sennacherib of Assyria and all the others, and He gave them rest on every side.
Sidaasuu Rabbigu Xisqiyaah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba uga badbaadiyey Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur gacantiisii iyo gacantii kuwii kale oo dhanba, oo iyagiina dhinac kasta wuu ka ilaaliyey.
23 Many brought offerings to Jerusalem for the LORD and valuable gifts for Hezekiah king of Judah, and from then on he was exalted in the eyes of all nations.
Oo dad badan ayaa Rabbiga Yeruusaalem ugu keeneen hadiyado, oo Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna waxay u keeneen waxyaalo qaali ah, sidaas aawadeed markaas intii ka dambaysay ayaa isaga loogu sarraysiiyey quruumaha oo dhan hortooda.
24 In those days Hezekiah became mortally ill. So he prayed to the LORD, who spoke to him and gave him a sign.
Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday, markaasuu Rabbiga baryay, oo isna intuu la hadlay ayuu calaamad u sameeyey.
25 But because his heart was proud, Hezekiah did not repay the favor shown to him. Therefore wrath came upon him and upon Judah and Jerusalem.
Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.
26 Then Hezekiah humbled the pride of his heart—he and the people of Jerusalem—so that the wrath of the LORD did not come upon them during the days of Hezekiah.
Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.
27 Hezekiah had very great riches and honor, and he made treasuries for his silver, gold, precious stones, spices, shields, and all kinds of valuable articles.
Haddaba Xisqiyaah wuxuu lahaa maal aad iyo aad u faro badan iyo sharaf, oo wuxuu samaystay khasnado lagu xereeyo lacag, iyo dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo uunsi, iyo gaashaammo, iyo cayn kasta oo weelal wanaagsan ah.
28 He also made storehouses for the harvest of grain and new wine and oil, stalls for all kinds of livestock, and pens for the flocks.
Oo guryo wax lagu kaydiyona buu u samaystay wixii badnaa ee ahaa hadhuudh iyo khamri iyo saliid, wuxuuna samaystay xeryo lagu xereeyo xayawaan cayn kasta ah, iyo xeryo adhi.
29 He made cities for himself, and he acquired herds of sheep and cattle in abundance, for God gave him very great wealth.
Oo weliba wuxuu dhistay magaalooyin, oo wuxuu urursaday ido iyo lo' faro badan, waayo, Rabbigu wuxuu isaga siiyey maal aad u badan.
30 It was Hezekiah who blocked the upper outlet of the Spring of Gihon and channeled it down to the west side of the City of David. And Hezekiah prospered in all that he did.
Oo Xisqiyaahaas qudhiisa ayaa awday biyihii Giixoon ishoodii sare, oo wuxuu hoos ugu soo toosiyey magaaladii Daa'uud dhankeedii galbeed. Oo Xisqiyaahna wuu ku liibaanay shuqulladiisii uu sameeyey oo dhan.
31 And so when ambassadors of the rulers of Babylon were sent to him to inquire about the wonder that had happened in the land, God left him alone to test him, that He might know all that was in Hezekiah’s heart.
Habase ahaatee markay amiirradii dalka Baabuloon isaga cid ugu soo direen inay soo haybiyaan waxa uu yahay yaabka dalkiisa lagu dhex sameeyo ayaa Ilaah isagii uga tegey inuu tijaabiyo oo ogaado waxa qalbigiisa ku jira oo dhan.
32 As for the rest of the acts of Hezekiah and his deeds of loving devotion, they are indeed written in the vision of the prophet Isaiah son of Amoz in the Book of the Kings of Judah and Israel.
Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanaagsanaa oo dhammu waxay ku qoran yihiin waxyaalihii la tusay Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos, kuwaasoo ku yaal kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.
33 And Hezekiah rested with his fathers and was buried in the upper tombs of David’s descendants. All Judah and the people of Jerusalem paid him honor at his death. And his son Manasseh reigned in his place.
Oo Xisqiyaah wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa isagii lagu aasay meesha laga fuulo qabuurihii farcanka Daa'uud; oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba isagii bay sharfeen markuu geeriyooday. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.