< Genesis 21 >

1 The LORD visited Sarah as he had said, and the LORD did to Sarah as he had spoken.
Oo Rabbigu Saarah wuu soo booqday siduu yidhi, oo Rabbigu wuxuu Saarah u yeelay siduu kula hadlay.
2 Sarah conceived, and bore Abraham a son in his old age, at the set time of which God had spoken to him.
Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.
3 Abraham called his son who was born to him, whom Sarah bore to him, Isaac.
Oo Ibraahim wuxuu wiilkiisii u dhashay, oo Saarah u dhashay isaga, u bixiyey Isxaaq.
4 Abraham circumcised his son, Isaac, when he was eight days old, as God had commanded him.
Oo Ibraahim baa guday wiilkiisii Isxaaq markuu siddeed maalmood jiray, sidii Ilaah ku amray isaga.
5 Abraham was one hundred years old when his son, Isaac, was born to him.
Oo Ibraahimna wuxuu jiray boqol sannadood, markii wiilkiisii Isxaaq u dhashay isaga.
6 Sarah said, “God has made me laugh. Everyone who hears will laugh with me.”
Saarahna waxay tidhi, Ilaah waa iga qosliyey, qof kasta oo maqlaana waa ila qosli doonaa.
7 She said, “Who would have said to Abraham that Sarah would nurse children? For I have borne him a son in his old age.”
Oo waxay tidhi, Yaa Ibraahim ku odhan lahaa, Saarah carruur bay nuujin doontaa? Waayo, wiil baan u dhalay isaga oo da' weyn.
8 The child grew and was weaned. Abraham made a great feast on the day that Isaac was weaned.
Wiilkiina wuu koray, naaskiina waa laga gudhiyey. Ibraahimna diyaafad weyn buu sameeyey maalintii Isxaaq naaska laga gudhiyey.
9 Sarah saw the son of Hagar the Egyptian, whom she had borne to Abraham, mocking.
Saarahna waxay aragtay wiilkii ay Haagaar tii Masriyadda ahayd Ibraahim u dhashay oo ku cayaaraya.
10 Therefore she said to Abraham, “Cast out this servant and her son! For the son of this servant will not be heir with my son, Isaac.”
Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah.
11 The thing was very grievous in Abraham’s sight on account of his son.
Waxaasuna Ibraahim aad buu ula xumaa xagga wiilkiisa.
12 God said to Abraham, “Do not let it be grievous in your sight because of the boy, and because of your servant. In all that Sarah says to you, listen to her voice. For your offspring will be named through Isaac.
Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa.
13 I will also make a nation of the son of the servant, because he is your child.”
Wiilka addoontana waxaan ka dhigi doonaa quruun, waayo, isna waa farcankaaga.
14 Abraham rose up early in the morning, and took bread and a container of water, and gave it to Hagar, putting it on her shoulder; and gave her the child, and sent her away. She departed, and wandered in the wilderness of Beersheba.
Ibraahimna aroortii horuu kacay, wuxuuna qaaday cunto iyo sibraar biyo ah, oo Haagaar buu siiyey intuu garbaha u saaray, wiilkiina wuu siiyey, markaasuu eryay: wayna iska tagtay, oo ku wareegtay cidladii Bi'ir Shebac.
15 The water in the container was spent, and she put the child under one of the shrubs.
Biyihii sibraarka ku jirayna way dhammaadeen, kolkaasay ilmihii ku xoortay geedihii midkood hoostiisa.
16 She went and sat down opposite him, a good way off, about a bow shot away. For she said, “Do not let me see the death of the child.” She sat opposite him, and lifted up her voice, and wept.
Wayna tagtay oo waxay fadhiisatay meel ku soo jeedda oo ka fog, oo qiyaastii ah intii fallaadh la ganay gaadho, waxayna tidhi, Yaanan eegin dhimashada wiilka. Iyadoo fadhida meel ku soo jeedda ayay codkeedii kor u qaadday oo ooyday.
17 God heard the voice of the boy. The angel of God called to Hagar out of the sky, and said to her, “What troubles you, Hagar? Do not be afraid. For God has heard the voice of the boy where he is.
Ilaah baana maqlay codkii wiilka; malaa'igtii Ilaahna Haagaar bay samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Haagaaray, maxaa ku helay? Ha baqin; waayo, Ilaah waa maqlay codkii wiilka, meeshuu joogo isagu.
18 Get up, lift up the boy, and hold him with your hand. For I will make him a great nation.”
Kac oo wiilka toosi, oo gacantaada ku hay; maxaa yeelay, quruun weyn baan ka dhigi doonaa isaga.
19 God opened her eyes, and she saw a well of water. She went, filled the container with water, and gave the boy a drink.
Markaasaa Ilaah indhaheedii furay, oo waxay aragtay ceel biyo ah; kolkaasay tagtay, oo sibraarkii biyo ka soo buuxisay, oo wiilkii waraabisay.
20 God was with the boy, and he grew. He lived in the wilderness, and as he grew up, he became an archer.
Ilaahna wiilkii buu la jiray; wuuna koray; oo cidladuu degay, wuxuuna noqday qaansoole.
21 He lived in the wilderness of Paran. His mother got a wife for him out of the land of Egypt.
Wuxuuna degay cidladii Faaraan: hooyadiis baana dhulka Masar naag uga qaadday.
22 At that time, Abimelech and Phicol the captain of his army spoke to Abraham, saying, “God is with you in all that you do.
Waxayna noqotay wakhtigaas in Abimeleg iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ay la hadleen Ibraahim iyagoo leh, Ilaah waa kugula jiraa waxa aad samayso oo dhan.
23 Now, therefore, swear to me here by God that you will not deal falsely with me, nor with my son, nor with my son’s son. But according to the kindness that I have done to you, you shall do to me, and to the land in which you have lived as a foreigner.”
Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.
24 Abraham said, “I will swear.”
Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa.
25 Abraham complained to Abimelech because of a water well, which Abimelech’s servants had violently taken away.
Ibraahimse wuxuu Abimeleg u canaantay ceelkii ay addoommada Abimeleg ka xoogeen aawadiis.
26 Abimelech said, “I do not know who has done this thing. You did not tell me, and I did not hear of it until today.”
Abimelegna wuxuu yidhi, Anigu garan maayo ka waxaas sameeyey; adna iima aad sheegin, welina ma aan maqlin, maanta mooyaane.
27 Abraham took sheep and cattle, and gave them to Abimelech. Those two made a covenant.
Markaasaa Ibraahim ido iyo dibiyo kaxeeyey, oo wuxuu siiyey Abimeleg; labadoodiina axdi bay dhigteen.
28 Abraham set seven ewe lambs of the flock by themselves.
Kolkaasaa Ibraahim idihii gooni ahaan uga bixiyey toddoba sabeenood.
29 Abimelech said to Abraham, “What do these seven ewe lambs, which you have set by themselves, mean?”
Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Micnehoodu waa maxay toddobadan sabeenood oo aad gooni ahaantooda u bixisay?
30 He said, “You shall take these seven ewe lambs from my hand, that it may be a witness to me, that I have dug this well.”
Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday.
31 Therefore he called that place Beersheba, because they both swore an oath there.
Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meeshaas bay ku dhaarteen.
32 So they made a covenant at Beersheba. Abimelech rose up with Phicol, the captain of his army, and they returned into the land of the Philistines.
Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimeleg kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen dhulkii reer Falastiin.
33 Abraham planted a tamarisk tree in Beersheba, and there he called on the name of the LORD, the Everlasting God.
Ibraahimna geed buu Bi'ir Shebac ku beeray, oo halkaas buu ku ducaystay magaca Rabbiga Ilaaha daa'imka ah.
34 Abraham lived as a foreigner in the land of the Philistines many days.
Ibraahimna maalmo badan ayuu dhulka reer Falastiin qariib ahaan ku degganaa.

< Genesis 21 >