< Psalms 54 >
1 Save me, O God, by thy name, and judge me in thy might.
Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
2 Hear my prayer, O God. Give ear to the words of my mouth.
Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3 For strangers are risen up against me, and violent men have sought after my soul. They have not set God before them. (Selah)
Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
4 Behold, God is my helper. The Lord is of those who uphold my soul.
Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
5 He will requite the evil to my enemies. Destroy thou them in thy truth.
Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
6 With a freewill offering I will sacrifice to thee. I will give thanks to thy name, O Jehovah, for it is good.
Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
7 For he has delivered me out of all trouble, and my eye has seen it upon my enemies.
Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.