< Salme 31 >

1 (Til sangmesteren. En salme af David.) HERRE, jeg lider på dig, lad mig aldrig i Evighed skuffes. Udfri mig i din Retfærd,
Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
2 du bøje dit Øre til mig; red mig i Hast og vær mig en Tilflugtsklippe, en Klippeborg til min Frelse;
Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
3 thi du er min Klippe og Borg. For dit Navns Skyld lede og føre du mig,
Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
4 fri mig fra Garnet, de satte for mig; thi du er min Tilflugt,
Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
5 i din Hånd befaler jeg min Ånd. Du forløser mig, HERRE, du tro faste Gud,
Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa, Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
6 du hader dem, der bolder på Løgneguder. Men jeg, jeg stoler på HERREN,
Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira, Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
7 jeg vil juble og glæde mig over din Miskundhed; thi du har set min Nød, agtet på min Sjælekvide.
Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
8 Du gav mig ikke i Fjendens Hånd, men skaffede Rum for min Fod.
Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga, Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
9 Vær mig nådig, HERRE, thi jeg er angst, af Kummer hentæres mit Øje, min Sjæl og mit Indre.
Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Thi mit Liv svinder hen i Sorg, mine År i Suk, min Kraft er brudt for min Brødes Skyld, mine Ben hentæres.
Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 For alle mine Fjenders Skyld er jeg blevet til Spot, mine Naboers Gru, mine Keodinges Rædsel; de, der ser mig på Gaden, flygter for mig.
Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan, Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen, Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Som en død er jeg gået dem at Minde, jeg er som et ødelagt Kar.
Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay, Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Thi mange hører jeg hviske, trindt om er Rædsel, når de holder Råd imod mig, pønser på at tage mit Liv.
Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Men, HERRE, jeg stoler på dig; jeg siger: Du er min Gud,
Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 mine Tider er i din Hånd. Red mig fra Fjenders Hånd, fra dem, der forfølger mig,
Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 lad dit Ansigt lyse over din Tjener, frels mig i din Miskundhed.
Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.
17 HERRE, lad mig ej blive til Skamme, jeg råber jo til dig, lad de gudløse blive til Skamme og synke tavse i Døden. (Sheol h7585)
Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen. (Sheol h7585)
18 Lad de falske Læber forstumme, som taler frækt om den retfærdige med Hovmod og Foragt.
Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
19 Hvor stor er dog din Godhed, som du gemmer til dem, der frygter dig, over mod dem, der lider på dig, for Menneskebørnenes Øjne.
Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
20 Du skjuler dem i dit Åsyns Skjul for Menneskers Stimmel; du gemmer dem i en Hytte for Tungers Kiv.
Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon, Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
21 Lovet være HERREN, thi under fuld Miskundhed har han vist mig i en befæstet Stad.
Mahad waxaa leh Rabbiga, Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
22 Og jeg, som sagde i min Angst: "Jeg er bortstødt fra dine Øjne!" Visselig, du hørte min tryglende Røst, da jeg råbte til dig.
Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
23 Elsk HERREN, alle hans fromme; de trofaste skærmer HERREN; men den, der handler i Hovmod, gengælder han mangefold.
Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada, Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah, Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
24 Fat Mod, eders Hjerte være stærkt, alle I, som bier på HERREN!
Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow, Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.

< Salme 31 >