< Matthæus 3 >
1 Men i de Dage fremstår Johannes Døberen og prædiker i Judæas Ørken og siger:
Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,
2 "Omvender eder, thi Himmeriges Rige er kommet nær."
Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
3 Thi han er den, om hvem der er talt ved Profeten Esajas, som siger: "Der er en Røst af en, som råber i Ørkenen: Bereder Herrens Vej, gører hans Stier jævne!"
Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.
4 Men han, Johannes, havde sit Klædebon af Kamelhår og et Læderbælte om sin Lænd; og hans Føde var Græshopper og vild Honning.
Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed.
5 Da drog Jerusalem ud til ham og hele Judæa og hele Omegnen om Jordan.
Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,
6 Og de bleve døbte af ham i Floden Jordan, idet de bekendte deres Synder.
markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.
7 Men da han så mange af Farisæerne og Saddukæerne komme til hans Dåb, sagde han til dem: "I Øgleunger! hvem har lært eder at fly fra den kommende Vrede?
Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?
8 Bærer da Frugt, som er Omvendelsen værdig,
Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,
9 og mener ikke at kunne sige ved eder selv: Vi have Abraham til Fader; thi jeg siger eder, at Gud kan opvække Abraham Børn af disse Sten.
hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.
10 Men Øksen ligger allerede ved Roden af Træerne; så bliver da hvert Træ, som ikke bærer god Frugt, omhugget og kastet i Ilden.
Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.
11 Jeg døber eder med Vand til Omvendelse, men den, som kommer efter mig, er stærkere end jeg, han, hvis Sko jeg ikke er værdig at bære; han skal døbe eder med den Helligånd og Ild.
Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.
12 Hans Kasteskovl er i hans Hånd, og han skal gennemrense sin Lo og samle sin Hvede i Laden; men Avnerne skal han opbrænde med uslukkelig Ild."
Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.
13 Da kommer Jesus fra Galilæa til Jordan til Johannes for at døbes af ham.
Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.
14 Men Johannes vilde formene ham det og sagde: "Jeg trænger til at døbes af dig, og du kommer til mig!"
Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?
15 Men Jesus svarede og sagde til ham: "Tilsted det nu; thi således sømmer det sig for os at fuldkomme al Retfærdighed." Da tilsteder han ham det.
Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.
16 Men da Jesus var bleven døbt, steg han straks op af Vandet, og se, Himlene åbnedes for ham, og han så Guds Ånd dale ned som en Due og komme over ham.
Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,
17 Og se, der kom en Røst fra Himlene, som sagde: "Denne er min Søn, den elskede, i hvem jeg har Velbehag."
oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.