< Jeremias 38 >

1 Men da Sjefatja Mattans Søn, Gedalja Pasjhurs Søn, Jukal Sjelemjas Søn og Pasjhur Malkijas Søn hørte Jeremias tale til alt Folket saaledes:
Shefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh,
2 »Saa siger HERREN: Den, der bliver i denne By, skal dø ved Sværd, Hunger og Pest, men den, som overgiver sig til Kaldæerne, skal leve og vinde sit Liv som Bytte;
Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.
3 thi saa siger HERREN: Denne By skal gives i Babels Konges Hærs Haand, og han skal indtage den« —
Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.
4 da sagde Fyrsterne til Kongen: »Denne Mand maa dø, thi han tager Modet fra Krigsmændene, som er tilbage i denne By, og fra alt Folket ved at tale saaledes til dem; thi denne Mand tænker ikke paa dette Folks Vel, men paa dets Ulykke.«
Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.
5 Kong Zedekias svarede: »Se, han er i eders Haand.« Thi Kongen evnede intet over for dem.
Markaasaa Boqor Sidqiyaah yidhi, Bal eega, isagu gacantiinnuu ku jiraa, waayo, boqorku innaba ma aha mid wax idinka gees ah samayn kara.
6 Saa tog de Jeremias og kastede ham i Kongesønnen Malkijas Cisterne i Vagtforgaarden, idet de hejsede ham ned med Reb. Der var ikke Vand i Cisternen, men Dynd, og Jeremias sank i Dyndet.
Markaasay Yeremyaah soo qabteen oo ku dhex rideen godkii Malkiiyaah ina Hammeleg, ee barxadda waardiyayaasha ku dhex yiil, oo Yeremyaah xadhkay ku dejiyeen, oo godkiina biyo kuma jirin, laakiinse waxaa ka buuxday dhoobo, sidaas daraaddeed Yeremyaah dhoobaduu ku dhex tiimbaday.
7 Imidlertid hørte Ætioperen Ebed-Melek, en Hofmand i Kongens Palads, at Jeremias var kastet i Cisternen; og da Kongen var i Benjaminsporten,
Haddaba Cebedmeleg oo ahaa reer Itoobiya oo ahaa bohon guriga boqorka joogay, markuu maqlay inay Yeremyaah godkii ku dhex rideen, iyadoo boqorkii uu iridda Benyaamiin fadhiyo,
8 gik Ebed-Melek fra Paladset og talte saaledes til Kongen:
ayuu gurigii boqorka ka soo baxay, oo boqorkuu la hadlay, isagoo ku leh,
9 »Herre Konge, ilde har de gjort ved at lade denne Mand dø af Hunger, fordi der ikke er mere Brød i Byen!«
Boqorow, sayidkaygiiyow, nimankanu si xun bay u sameeyeen wax alla wixii ay ku sameeyeen Nebi Yeremyaah, kaasoo ay godkii ku dhex rideen, oo waxaa suurtowda inuu abaarta ugu bakhtiyo meeshuu ku jiro, waayo, innaba magaalada kibisu kuma jirto.
10 Saa bød Kongen Ætioperen Ebed-Melek: »Tag tredive Mænd med herfra og drag Profeten Jeremias op af Cisternen, før han dør!«
Markaasaa boqorkii wuxuu amray Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa, isagoo ku leh, Halkan soddon nin ka kaxayso oo Nebi Yeremyaah godka ka soo bixi intuusan dhiman.
11 Ebed-Melek tog Mændene med og gik til Kælderen under Skatkammeret i Kongens Palads, hvor han hentede nogle Klude af slidte og iturevne klæder; dem hejsede han med Reb ned til Jeremias i Cisternen,
Sidaas daraaddeed ayaa Cebedmeleg raggii kaxaystay, oo gurigii boqorka galay, oo wuxuu tegey meel khasnadda ka hoosaysay, oo halkaasuu ka qaaday calallo haylamo ah iyo dhar duugoobay, oo intuu xadhko ku xidhay ayuu Yeremyaah godkii ugu dejiyey.
12 idet han sagde: »Læg Kludene om Rebet!« Det gjorde Jeremias,
Markaas Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Calalladan haylamaha ah iyo dharkan duugoobay kilkilooyinka kaga xidho xadhkaha hoostooda, oo Yeremyaahna saasuu yeelay.
13 og de drog ham op af Cisternen med Rebet. Saaledes kom Jeremias atter til at sidde i Vagtforgaarden.
Markaasay Yeremyaah xadhkihii ku soo jiideen oo godkii bay kor uga soo bixiyeen, oo Yeremyaahna wuxuu ku hadhay barxaddii waardiyayaasha.
14 Kong Zedekias sendte Bud og lod Profeten Jeremias hente til sig i Livvagtens Indgang til HERRENS Hus. Og Kongen sagde til ham: »Jeg vil spørge dig om noget, dølg intet for mig!«
Markaasaa Boqor Sidqiyaah u soo cid diray oo kaxaystay Nebi Yeremyaah, oo wuxuu gaystay iriddii saddexaad ee guriga Rabbiga. Kolkaas boqorkii wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Wax baan ku weyddiinayaaye, inna waxba ha iga qarinin.
15 Jeremias svarede Zedekias: »Hvis jeg siger dig det, vil du da ikke lade mig dræbe? Og selv om jeg raader dig, vil du dog ikke høre mig.«
Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Haddaan kuu sheego, hubaal miyaadan i dili doonin? Oo haddaan kula taliyona innaba ima maqli doontid.
16 Da tilsvor Kong Zedekias i al Hemmelighed Jeremias: »Saa sandt HERREN lever, som har skabt vor Sjæl, jeg vil ikke lade dig dræbe eller give dig i disse Mænds Haand, som staar dig efter Livet.«
Markaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin.
17 Saa sagde Jeremias til Zedekias: »Saa siger HERREN, Hærskarers Gud, Israels Gud: Hvis du overgiver dig til Babels Konges Fyrster, skal du redde dit Liv; denne By skal ikke afbrændes, og du og dit Hus skal blive i Live;
Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono,
18 men overgiver du dig ikke til dem, skal Byen gives i Kaldæernes Haand, og de skal afbrænde den, og du skal ikke undslippe deres Haand.«
laakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid.
19 Men Kong Zedekias sagde til Jeremias: »Jeg er ræd for de Judæere, der er løbet over til Kaldæerne, at Kaldæerne skal overgive mig i deres Haand, og at de skal drive Spot med mig.«
Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan.
20 Saa sagde Jeremias: »Det gør de ikke! Adlyd kun HERRENS Ord, som jeg taler til dig, saa skal det gaa dig vel, og du skal blive i Live.
Laakiinse Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Iyagu kuma ay gacangelin doonaan. Waan ku baryayaaye addeec codka Rabbiga ee aan kugula hadlay, waanad nabdoonaan doontaa oo naftaaduna way sii noolaan doontaa.
21 Men vægrer du dig ved at overgive dig, saa hør nu, hvad HERREN har ladet mig skue:
Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay,
22 Se, alle Kvinder, der er tilbage i Judas Konges Palads, førtes ud til Babels Konges Fyrster, medens de sang: Dig forledte og tvang dine gode Venner, de ledte din Fod i en Sump og trak sig tilbage.
Bal ogow, naagaha guriga boqorka dalka Yahuudah ku hadhay dhammaantood waxaa loo bixin doonaa amiirrada boqorka Baabuloon, oo naagahaasi waxay odhan doonaan, Saaxiibbadaa ayaa ku khiyaaneeyey oo way kaa adkaadeen oo haddana cagahaagii waxay ku dhex tiimbadeen dhoobada, oo iyana dib bay kaaga noqdeen.
23 Alle dine Hustruer og Børn skal føres ud til Kaldæerne, og du skal ikke undslippe deres Haand, men gribes af Babels Konges Haand, og denne By skal afbrændes!«
Markaasay naagahaaga oo dhan iyo carruurtaadaba reer Kaldayiin u bixin doonaan, oo adiguna gacantooda sina ugama baxsan doontid, laakiinse waxaa ku qabsan doonta gacanta boqorka Baabuloon, oo magaaladanna dab baa lagu gubi doonaa.
24 Saa sagde Zedekias til Jeremias: »Ingen maa vide noget om denne Samtale, ellers er du dødsens;
Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid.
25 og hvis Fyrsterne skulde faa Nys om, at jeg har talt med dig, og komme til dig og sige: Sig os, hvad du sagde til Kongen; dølg ikke noget for os, ellers dræber vi dig; sig os ogsaa, hvad Kongen sagde til dig!
Laakiinse hadday amiirradu maqlaan inaan kula hadlay, oo ay kuu yimaadaan oo ay kugu yidhaahdaan, Wixii aad boqorka ku tidhi noo sheeg, oo weliba wixii boqorku kugu yidhi ha naga qarin, oo annana ku dili mayno,
26 sig saa til dem: Jeg fremførte en ydmyg Bøn for Kongen om ikke at lade mig føre tilbage til Jonatans Hus for at dø der.«
markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.
27 Og alle Fyrsterne kom til Jeremias og spurgte ham; og han svarede dem nøje, som Kongen havde paabudt. Saa lod de ham i Fred, eftersom Sagen ikke var blevet kendt.
Markaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin.
28 Saaledes sad Jeremias i Vagtforgaarden, lige til den Dag Jerusalem blev indtaget.
Oo Yeremyaah wuxuu joogay barxaddii waardiyayaasha ilaa maalintii Yeruusaalem la qabsaday.

< Jeremias 38 >