< Esajas 27 >

1 Paa hin Dag hjemsøger HERREN med sit haarde, vældige, stærke Sværd Livjatan, Den flugtsnare Slange, Livjatan, den bugtede Slange, og ihjelslaar Dragen i Havet.
Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.
2 Paa hin Dag skal man sige: Syng om en liflig Vingaard!
Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.
3 Jeg, HERREN, jeg er dens Vogter, jeg vander den atter og atter. For at ingen skal hjemsøge den, vogter jeg den Nat og Dag.
Aniga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa.
4 Vrede nærer jeg ikke. Fandt jeg kun Torn og Tidsel, gik jeg løs derpaa i Kamp og satte det alt i Brand —
Aniga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa.
5 med mindre man tyr til mit Værn, slutter Fred med mig, slutter Fred med mig.
Haddii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo.
6 Paa hin Dag skal Jakob slaa Rod, Israel skyde og blomstre og fylde Verden med Frugt.
Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.
7 Har han vel slaaet det, som de, der slog det, blev slagne, eller blev det myrdet, som deres Mordere myrdedes?
Miyuu isaga wax ugu dhuftay siduu wax ugu dhuftay kuwii isaga wax ku dhuftay oo kale? Amase isaga ma la dilay sidii layntii kuwuu laayay oo kale?
8 Ved at støde det bort og sende det bort trættede han med det; han jog det bort med sin voldsomme Aande paa Østenstormens Dag.
Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay.
9 Derfor sones Jakobs Brøde saaledes, og dette er al Frugten af, at hans Synd tages bort: at han gør alle Altersten til sønderhuggede Kalksten, at Asjerastøtterne og Solstøtterne ikke mere rejser sig.
Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
10 Thi den faste Stad ligger ensom, et folketomt Sted, forladt som en Ørken. Der græsser Ungkvæget, der lejrer det sig og afgnaver Kvistene.
Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.
11 Naar Grenene er tørre, kommer Kvinderne og bryder dem af for at tænde Baal. Thi det er et Folk uden Indsigt; derfor kan dets Skaber ikke forbarme sig, dets Ophav ikke være det naadig.
Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.
12 Paa hin Dag slaar HERREN Frugten ned fra Flodens Strøm til Ægyptens Bæk, og I skal opsankes een for een, Israels Børn.
Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.
13 Paa hin Dag skal der stødes i det store Horn, og de tabte i Assyrien og de bortdrevne i Ægypten skal komme og tilbede HERREN paa det hellige Bjerg i Jerusalem.
Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

< Esajas 27 >