< 1 Samuel 28 >

1 Og det skete i de samme Dage, at Filisterne samlede deres Hære til Striden for at føre Krig imod Israel; og Akis sagde til David: Du skal vide, at du skal drage ud med mig i Lejren, du og dine Mænd.
Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.
2 Da sagde David til Akis: Derfor skal du og fornemme, hvad din Tjener vil gøre; og Akis sagde til David: Derfor vil jeg sætte dig til Vogter over mit Hoved alle Dage.
Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.
3 Men Samuel var død, og al Israel havde sørget over ham og begravet ham i Rama, og det ved hans Stad; og Saul havde bortskaffet Spaakvinder og Tegnsudlæggere af Landet.
Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.
4 Og der Filisterne samledes og kom og lejrede sig i Sunem, da samlede Saul al Israel, og de lejrede sig i Gilboa.
Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.
5 Der Saul saa Filisternes Lejr, da frygtede han, og hans Hjerte var saare forfærdet.
Saa'uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray.
6 Og Saul adspurgte Herren, men Herren svarede ham intet, hverken ved Drømme eller ved Urim eller ved Profeterne.
Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.
7 Da sagde Saul til sine Tjenere: Opleder mig en Kvinde, som har en Spaadoms Aand, at jeg kan gaa til hende og adspørge hende; og hans Tjenere sagde til ham: Se, der er en Kvinde, som har Spaadoms Aand, i Endor.
Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.
8 Og Saul gjorde sig ukendelig og førte sig i andre Klæder, og han gik hen og to Mænd med ham, og de kom til Kvinden om Natten, og han sagde: Kære, spaa mig ved en Spaadoms Aand, og man mig den frem, som jeg siger dig.
Kolkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.
9 Og Kvinden sagde til ham: Se, du ved, hvad Saul har gjort, hvorledes han har ladet udrydde Spaakvinder og Tegnsudlæggere af Landet, og hvorfor vil du sætte en Snare for min Sjæl til at lade mig slaa ihjel?
Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?
10 Da tilsvor Saul hende ved Herren og sagde: Saa vist som Herren lever, skal denne Gerning ikke regnes dig til Misgerning.
Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.
11 Da sagde Kvinden: Hvem skal jeg da mane dig frem? og han sagde: Lad mig Samuel komme op.
Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.
12 Der Kvinden saa Samuel, da raabte hun med stærk Røst; og Kvinden sagde til Saul: Hvi har du bedraget mig? du er jo Saul.
Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.
13 Da sagde Kongen til hende: Frygt ikke! men hvad har du set? og Kvinden sagde til Saul: Jeg har set Guder stige op af Jorden.
Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.
14 Og han sagde til hende: Hvordan er hans Skikkelse? og hun sagde: Der kommer en gammel Mand op, og han er klædt i en Kappe; da fornam Saul, at det var Samuel, og han bøjede sit Ansigt til Jorden og kastede sig ned.
Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.
15 Og Samuel sagde til Saul: Hvorfor gjorde du mig Uro og lod mig hente op? Da sagde Saul: Jeg er saare angst, thi Filisterne stride imod mig, og Gud er vegen fra mig og svarer mig ikke ydermere, hverken ved Profeter eller ved Drømme, derfor lod jeg dig kalde, at du skulde lade mig vide, hvad jeg skal gøre.
Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.
16 Da sagde Samuel: Men hvorfor vil du spørge mig, efterdi Herren er vegen fra dig og er bleven din Fjende?
Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?
17 Thi Herren har nu gjort saaledes, som han sagde ved mig, og Herren har revet Riget af din Haand og givet David din Næste det,
Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.
18 fordi du ikke adlød Herrens Røst og ikke fuldbyrdede hans strenge Vrede imod Amalek; derfor har Herren gjort denne Gerning imod dig paa denne Dag.
Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.
19 Og Herren skal endog give Israel tillige med dig i Filisternes Haand, og du og dine Sønner skulle være hos mig i Morgen; Herren skal endog give Israels Lejre i Filisternes Haand.
Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.
20 Da faldt Saul hasteligen til Jorden, saa lang som han var, og frygtede saare for Samuels Ord; der var heller ingen Kraft i ham, thi han havde ikke smagt Brød den ganske Dag og den ganske Nat.
Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.
21 Og Kvinden kom hen til Saul og saa, at han var saare forfærdet; og hun sagde til ham: Se, din Tjenerinde adlød din Røst, og jeg satte mit Liv i min Haand og adlød dine Ord, som du talede til mig.
Markaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.
22 Saa adlyd nu ogsaa, kære, din Tjenerindes Røst, saa vil jeg sætte en Mundfuld Brød for dig, og æd, at der kan være Kraft i dig, naar du gaar paa Vejen.
Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.
23 Men han vægrede sig og sagde: Jeg vil ikke æde; da nødte baade hans Tjenere og Kvinden ham, og han adlød deres Røst, og han stod op fra Jorden og satte sig paa Sengen.
Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.
24 Og Kvinden havde en Fedekalv i Huset, og hun skyndte sig og slagtede den, og hun tog Mel og æltede og bagede deraf usyrede Kager.
Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.
25 Og hun bar det frem for Saul og for hans Tjenere, og de aade, og de stode op og gik bort den samme Nat.
Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.

< 1 Samuel 28 >