< Zjevení Janovo 2 >
1 Andělu Efezské církve piš: Totoť praví ten, kterýž drží těch sedm hvězd v pravici své, jenž se prochází uprostřed těch sedmi svícnů zlatých:
Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
2 Známť skutky tvé, a práci tvou, i trpělivost tvou, a že nemůžeš trpěti zlých; a zkusil jsi těch, kteříž se praví býti apoštolé, ale nejsou, a shledals je, že jsou lháři.
Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.
3 A snášel jsi, a trpělivost máš, a pro jméno mé pracovals a neustal.
Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.
4 Ale mámť něco proti tobě, totiž že jsi tu první lásku svou opustil.
Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay.
5 Protož pomni, odkud jsi vypadl, a čiň pokání a první skutky čiň. Pakliť toho nebude, přijdu na tebe rychle a pohnuť svícnem tvým z místa jeho, nebudeš-li pokání činiti.
Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.
6 Ale toto dobré do sebe máš, že nenávidíš skutků Mikulášenské roty, kterýchž i já nenávidím.
Laakiinse tan aad leedahay, waxaad neceb tahay dadka Nikolas raaca shuqulladooda oo aan aniguna necbahay.
7 Kdo má uši, slyš, co Duch praví církvím: Tomu, kdož zvítězí, dám jísti z dřeva života, kteréž jest uprostřed ráje Božího.
Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.
8 Andělu pak Smyrnenské církve piš: Toto praví ten první i poslední, kterýž byl mrtvý, a ožil:
Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
9 Vím o skutcích tvých, i o soužení, a chudobě tvé, (ale bohatý jsi), i o rouhání těch, kteříž se praví býti Židé, a nejsou, ale jsou sběř satanova.
Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.
10 Nebojž se nic toho, co trpěti máš. Aj, uvržeť ďábel některé z vás do vězení, abyste zkušeni byli, a budete míti úzkost za deset dní. Budiž věrný až do smrti, a dámť korunu života.
Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.
11 Kdo má uši, slyš, co Duch praví církvím: Kdo zvítězí, nebude uražen od smrti druhé.
Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.
12 Andělu pak Pergamenské církve piš: Totoť praví ten, kterýž má ten meč s obou stran ostrý:
Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
13 Vím skutky tvé, i kde bydlíš, totiž tu, kdež jest stolice satanova, a že držíš se jména mého, a nezapřel jsi víry mé, ani v těch dnech, když Antipas, svědek můj věrný, zamordován jest u vás, tu, kdež bydlí satan.
Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.
14 Ale mámť proti tobě něco málo, že tam máš ty, kteříž drží učení Balámovo, jenž učil Baláka pohoršení klásti před obličejem synů Izraelských, aby jedli modlám obětované a smilnili.
Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan.
15 Tak i ty máš některé, kteříž drží učení Mikulášenců, což já v nenávisti mám.
Weliba waxaad kaloo haysataa kuwo sidaas oo kale u xajiya waxbariddii dadka Nikolas raaca.
16 Èiniž pokání. Pakli nebudeš, přijdu na tebe brzy, a bojovatiť budu s nimi mečem úst svých.
Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.
17 Kdo má uši, slyšiž, co Duch praví církvím: Tomu, jenž vítězí, dám jísti mannu skrytou a dám jemu kamének bílý, a na tom kaménku jméno nové napsané, kteréhož žádný neví, než ten, kdož je přijímá.
Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.
18 Andělu pak Tyatirské církve piš: Totoť praví Syn Boží, jenž má oči jako plamen ohně, a nohy jeho podobné jsou mosazi:
Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;
19 Známť skutky tvé, i lásku, i přisluhování, i věrnost, i trpělivost tvou, a skutky tvé, i ty poslední, kteříž větší jsou nežli první.
Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore.
20 Ale mámť proti tobě něco málo, že dopouštíš ženě Jezábel, kteráž se býti praví prorokyní, učiti a v blud uvoditi služebníky mé, aby smilnili a jedli modlám obětované.
Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey.
21 Ale dalť jsem jí čas, aby pokání činila z smilstva svého, avšak nečinila pokání.
Oo waxaan iyada siiyey wakhti ay ku toobadkeento, iyaduse dooni mayso inay ka toobadkeento sinadeeda.
22 Aj, já uvrhu ji na lože, i ty, kteříž cizoloží s ní, v soužení převeliké, jestliže nebudou činiti pokání z skutků svých.
Bal eeg, haddaba iyada sariir baan ku dul tuurayaa, oo kuwii iyada la sinaystana waxaan ku dhex tuurayaa dhibaato weyn, haddii ayan ka toobadkeenin shuqulladeeda.
23 A syny její zmorduji smrtí; i zvědíť všecky církve, žeť jsem já ten, kterýž zpytuji ledví a srdce, a odplatím jednomu každému z vás podle skutků vašich.
Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.
24 Vámť pak pravím i jiným Tyatirským, kteřížkoli nemají učení tohoto, a kteříž nepoznali hlubokosti satanovy, jakž oni říkají: Nevzložímť na vás jiného břemene.
Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.
25 Avšak to, což máte, držte, dokavadž nepřijdu.
Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.
26 Kdož by pak vítězil a ostříhal až do konce skutků mých, dám jemu moc nad pohany.
Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha.
27 I budeť je spravovati prutem železným, a jako nádoba hrnčířova střískáni budou, jakž i já vzal jsem od Otce svého.
Oo wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah, sida weelasha dheriyasameeyuhu ay u burburaan; sida aan aniguba Aabbahay uga helay:
28 A dám jemu hvězdu jitřní.
oo weliba waxaan siin doonaa xiddigta waaberi.
29 Kdo má uši, slyš, co Duch praví církvím.
Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.