< Jan 12 >

1 Tedy Ježíš šestý den před velikonocí přišel do Betany, kdežto byl Lazar, ten kterýž byl umřel, jehož vzkřísil z mrtvých.
Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
2 I připravili jemu tu večeři, a Marta posluhovala, Lazar pak byl jeden z stolících s nimi.
Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.
3 Maria pak vzavši libru masti drahé z nardu výborného, pomazala noh Ježíšových, a vytřela vlasy svými nohy jeho. I naplněn jest dům vůní té masti.
Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka.
4 Tedy řekl jeden z učedlníků jeho, Jidáš, syn Šimona Iškariotského, kterýž jej měl zraditi:
Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,
5 Proč tato mast není prodána za tři sta peněz, a není dáno chudým?
Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?
6 To pak řekl, ne že by měl péči o chudé, ale že zloděj byl, a měšec měl, a to, což do něho kladeno bylo, nosil.
Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido.
7 Tedy řekl Ježíš: Nech jí, ke dni pohřebu mého zachovala to.
Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda.
8 Chudé zajisté vždycky máte s sebou, ale mne ne vždycky míti budete.
Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.
9 Zvěděl pak zástup veliký z Židů o něm, že by tu byl. I přišli tam, ne pro Ježíše toliko, ale také, aby Lazara viděli, kteréhož byl vzkřísil z mrtvých.
Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.
10 Radili se pak přední kněží, aby i Lazara zamordovali.
Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan.
11 Nebo mnozí z Židů odcházeli pro něho, a uvěřili v Ježíše.
Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.
12 Potom nazejtří mnohý zástup, kterýž byl přišel k svátku velikonočnímu, když uslyšeli, že Ježíš jde do Jeruzaléma,
Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,
13 Nabrali ratolestí palmových, a vyšli proti němu, a volali: Spas nás! Požehnaný, jenž se béře ve jménu Páně, Král Izraelský.
waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.
14 I dostav Ježíš oslátka, vsedl na ně, jakož psáno jest:
Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,
15 Neboj se, dcero Sionská, aj, Král tvůj béře se, na oslátku sedě.
Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.
16 Tomu pak nesrozuměli učedlníci jeho zprvu, ale když oslaven byl Ježíš, tedy se rozpomenuli, že jest to psáno bylo o něm a že jemu to učinili.
Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.
17 Vydával pak o něm svědectví zástup, kterýž byl s ním, že Lazara povolal z hrobu a vzkřísil jej z mrtvých.
Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
18 Protož i v cestu vyšel jemu zástup, když slyšeli, že by ten div učinil.
Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.
19 Tedy farizeové pravili mezi sebou: Vidíte, že nic neprospíváte? Aj, všecken svět postoupil po něm.
Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
20 Byli pak někteří Řekové z těch, kteříž přicházívali, aby se modlili v svátek.
Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah.
21 Ti také přistoupili k Filipovi, kterýž byl od Betsaidy Galilejské, a prosili ho, řkouce: Pane, chtěli bychom Ježíše viděti.
Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weyddiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno.
22 Přišel Filip a pověděl Ondřejovi, Ondřej pak a Filip pověděli Ježíšovi.
Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen.
23 A Ježíš odpověděl jim, řka: Přišlať jest hodina, aby oslaven byl Syn člověka.
Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa.
24 Amen, amen pravím vám: Zrno pšeničné padna v zemi, neumře-li, onoť samo zůstane, a pakliť umře, mnohý užitek přinese.
Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa.
25 Kdož miluje duši svou, ztratíť ji; a kdož nenávidí duše své na tomto světě, k životu věčnému ostříhá jí. (aiōnios g166)
Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
26 Slouží-li mi kdo, následujž mne; a kdež jsem já, tuť i můj služebník bude. A bude-li mi kdo sloužiti, poctíť ho Otec můj.
Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.
27 Nyní duše má zkormoucena jest, a což dím? Otče, vysvoboď mne z této hodiny. Ale proto jsem přišel k hodině této.
Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow, saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay.
28 Otče, oslaviž jméno své. Tedy přišel hlas s nebe řkoucí: I oslavil jsem, i ještě oslavím.
Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.
29 Ten pak zástup, kterýž tu stál a to slyšel, pravil: Zahřmělo. Jiní pravili: Anděl k němu mluvil.
Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga.
30 Odpověděl Ježíš a řekl: Ne pro mneť hlas tento se stal, ale pro vás.
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.
31 Nyníť jest soud světa tohoto, nyní kníže světa tohoto vyvrženo bude ven.
Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa, imminka kan madaxda dunida ah dibaddaa lagu tuuri doonaa.
32 A já budu-liť povýšen od země, všecky potáhnu k sobě.
Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa.
33 (To pak pověděl, znamenaje, kterou by smrtí měl umříti.)
Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.
34 Odpověděl jemu zástup: My jsme slyšeli z Zákona, že Kristus zůstává na věky, a kterakž ty pravíš, že musí býti povýšen Syn člověka? Kdo jest to Syn člověka? (aiōn g165)
Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay, Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu? (aiōn g165)
35 Tedy řekl jim Ježíš: Ještě na malý čas Světlo s vámi jest. Choďte, dokud Světlo máte, ať vás tma nezachvátí; nebo kdo chodí ve tmách, neví, kam jde.
Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.
36 Dokud Světlo máte, věřte v Světlo, abyste synové Světla byli. Toto pověděl Ježíš, a odšed, skryl se před nimi.
Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka. Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu ka tegey oo ka dhuuntay iyaga.
37 A ačkoli tak mnohá znamení činil před nimi, však jsou neuvěřili v něho,
Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;
38 Aby se naplnila řeč Izaiáše proroka, kterouž pověděl: Pane, kdo uvěřil kázaní našemu a rámě Páně komu jest zjeveno?
inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
39 Ale protoť jsou nemohli věřiti, neb opět Izaiáš řekl:
Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,
40 Oslepil oči jejich a zatvrdil srdce jejich, aby očima neviděli a srdcem nerozuměli a neobrátili se, abych jich neuzdravil.
Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
41 To pověděl Izaiáš, když viděl slávu jeho a mluvil o něm.
Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.
42 A ačkoli mnozí z knížat uvěřili v něho, však pro farizee nevyznávali ho, aby ze školy nebyli vyobcováni.
Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin,
43 Nebo milovali slávu lidskou více než slávu Boží.
waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.
44 Ježíš pak zvolal a řekl: Kdo věří ve mne, ne ve mneť věří, ale v toho, jenž mne poslal.
Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.
45 A kdož vidí mne, vidí toho, kterýž mne poslal.
Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray.
46 Já Světlo na svět jsem přišel, aby žádný, kdož věří ve mne, ve tmě nezůstal.
Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin.
47 A slyšel-liť by kdo slova má, a nevěřil by, jáť ho nesoudím; nebo nepřišel jsem, abych soudil svět, ale abych spasen učinil svět.
Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo.
48 Kdož mnou pohrdá a nepřijímá slov mých, máť, kdo by jej soudil. Slova, kteráž jsem mluvil, tať jej souditi budou v nejposlednější den.
Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa.
49 Nebo já sám od sebe jsem nemluvil, ale ten, jenž mne poslal, Otec, on mi přikázaní dal, co bych měl praviti a mluviti.
Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba.
50 A vím, že přikázání jeho jest život věčný. A protož, což já mluvím, jakž mi pověděl Otec, takť mluvím. (aiōnios g166)
Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa. (aiōnios g166)

< Jan 12 >