< 1 Petrův 3 >

1 Též podobně i ženy buďte poddané mužům svým, aby, byť pak kteří i nevěřili slovu, skrze zbožné obcování žen bez slova získáni byli,
Sidaas oo kalena, dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la'aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda,
2 Spatřujíce v bázni svaté vaše obcování.
markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh.
3 Kterýchžto ozdoba budiž ne ta zevnitřní, v spletání vlasů, a províjení jich zlatem, anebo v odívání plášťů,
Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,
4 Ale ten skrytý srdce člověk, záležející v neporušitelnosti krotkého a pokojného ducha, kterýžto před obličejem Božím velmi drahý jest.
laakiinse ha ahaato inta qalbiga ee qarsoon, taasoo leh wax aan baabba'ayn ee ah ruuxa qabow oo aamusan, kaasoo Ilaah hortiisa qiimo badan ku leh.
5 Tak jsou zajisté někdy i ony svaté ženy, kteréž naději měly v Bohu, ozdobovaly se, poddány byvše manželům svým,
Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.
6 Jako Sára poslušna byla Abrahama, pánem jej nazývajici; jejížto vy jste dcerky, dobře činíce a nebojíce se žádného přestrašení.
Saarahba sidaasoo kalay Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeedhi jirtay, Sayidow; oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydnaan ka cabsan wixii argaggax leh waxaad tihiin carruurteeda.
7 Též podobně i muži spolu s nimi bydlíce podle umění, jakožto mdlejšímu osudí ženskému udělujíce cti, jakožto i spoludědičkám života milosti, aby modlitby vaše neměly překážky.
Nimankow, idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabardaran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.
8 A tak sumou, všickni buďte jednomyslní, jedni druhých bíd čitelní, bratrstva milovníci, milosrdní, dobrotiví,
Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya.
9 Neodplacujíce zlého za zlé, ani zlořečenství za zlořečenství, ale raději dobrořečíce, vědouce, že jste k tomu povoláni, abyste požehnání dědičně obdrželi.
Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
10 Nebo kdož chce milovati život, a viděti dny dobré, zkrocujž jazyk svůj od zlého, a ústa jeho ať nemluví lsti.
Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.
11 Uchyl se od zlého, a čiň dobré; hledej pokoje, a stihej jej.
Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
12 Nebo oči Páně obrácené jsou na spravedlivé a uši jeho k prosbám jejich, ale zuřivý obličej Páně na ty, kteříž činí zlé věci.
Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda; Laakiin wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya.
13 A kdo jest, ješto by vám zle učinil, jestliže budete následovníci dobrého?
Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona?
14 Ale kdybyste pak i trpěli pro spravedlnost, blahoslavení jste. Strachu pak jejich nebojte se, ani se kormuťte,
Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina.
15 Ale Pána Boha posvěcujte v srdcích vašich. Hotovi pak buďte vždycky k vydání počtu všelikému, kdož by od vás požádal zprávy z naděje té, kteráž jest v vás, a to s tichostí a s bázní,
Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba,
16 Majíce dobré svědomí, aby za to, že utrhají vám jako zločincům, zahanbeni byli ti, kteříž hanějí vaše ctné v Kristu obcování.
idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah.
17 Lépeť jest zajisté, abyste dobře činíce, líbilo-li by se tak vůli Boží, trpěli, nežli zle činíce.
Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.
18 Nebo i Kristus jedinou za hříchy trpěl, spravedlivý za nespravedlivé, aby nás přivedl k Bohu, umrtven jsa z strany těla, ale obživen z strany Ducha.
Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.
19 Skrze něhož i těm, kteříž jsou již v žaláři, duchům přicházeje kázával,
Ruuxii ayuu ku tegey oo wuxuu wacdiyey ruuxyadii xabsigii ku jiray,
20 Někdy nepovolným, když ono jednou očekávala Boží snášelivost za dnů Noé, když dělán byl koráb, v kterémžto málo, to jest osm duší, zachováno jest u vodě.
kuwaas oo waagii hore ahaa caasiyiin markii dulqaadashada Ilaah ay sugaysay intii maalmihii Nuux oo la diyaarinayay doonnidii, taasoo ay biyihii kaga badbaadeen dhawr qof oo ah siddeed nafood oo keliya.
21 K čemužto připodobněn jsa nyní křest, i nás spaseny činí, ne to tělesné špíny smytí, ale dobrého svědomí u Boha dotázání, skrze vzkříšení Ježíše Krista.
Biyahaasuna waxay ka dhigan yihiin baabtiiska hadda idinku badbaadiya sarakicidda Ciise Masiix, oo aan ahayn ka fogaynta wasakhda jidhka, laakiinse waxaa weeye baryo ka timaada qalbi wanaagsan oo xagga Ilaah.
22 Kterýž všed v nebe, jest na pravici Boží, podmaniv sobě anděly, i mocnosti, i moci.
Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.

< 1 Petrův 3 >

A Dove is Sent Forth from the Ark
A Dove is Sent Forth from the Ark