< Matouš 14 >
1 V tom čase uslyšel Heródes čtvrták pověst o Ježíšovi.
Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,
2 I řekl služebníkům svým: To jest Jan Křtitel. Onť jest vstal z mrtvých, a protož se divové dějí skrze něho.
oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
3 Nebo jav Heródes Jana, svázal jej byl a dal do žaláře, pro Herodiadu manželku Filipa bratra svého.
Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.
4 Nebo byl řekl jemu Jan: Nesluší tobě míti jí.
Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,
5 A chtěv zabiti jej, bál se lidu; nebo za proroka jej měli.
oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.
6 Když pak slaven byl den narození Heródesova, tancovala dcera Herodiady u prostřed, i zalíbila se Heródesovi.
Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.
7 Pročež s přísahou zaslíbil jí dáti, zač by ho jen požádala.
Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.
8 A ona jsuci prvé navedena od mateře své, řekla: Dej mi zde na mise hlavu Jana Křtitele.
Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.
9 I zarmoutil se král, ale pro přísahu a pro ty, kteříž spolu s ním stolili, rozkázal dáti.
Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.
10 A poslav kata, sťal Jana v žaláři.
Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.
11 I přinesena jest hlava jeho na mise, a dána té děvečce. I nesla mateři své.
Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.
12 A přišedše učedlníci jeho, vzali tělo a pochovali je; a šedše, pověděli Ježíšovi.
Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.
13 To uslyšev Ježíš, plavil se odtud na lodičce na místo pusté soukromí. Což uslyševše zástupové, šli za ním pěšky z měst.
Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.
14 A vyšed Ježíš, uzřel zástup mnohý. I slitovalo mu se jich, a uzdravoval nemocné jejich.
Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.
15 A když bylo k večerou, přistoupili k němu učedlníci jeho, řkouce: Pusté jest místo toto, a čas již pominul. Propusť zástupy, ať jdouce do městeček, nakoupí sobě pokrmů.
Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.
16 Ježíš pak řekl jim: Není jim potřebí odcházeti, dejte vy jim jísti.
Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.
17 A oni řkou jemu: Nemáme zde, než pět chlebů a dvě rybě.
Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.
18 On pak dí jim: Přinestež mi je sem.
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.
19 A rozkázav zástupu posaditi se na trávě, a vzav těch pět chlebů a dvě rybě, vzhléd v nebe, požehnal, a lámaje, dával učedlníkům ty chleby, a učedlníci zástupům.
Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.
20 I jedli všickni a nasyceni jsou. I sebrali, což zbylo drobtů, dvanácte košů plných.
Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.
21 Těch pak, kteříž jedli, bylo okolo pěti tisíců mužů, kromě žen a dětí.
Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.
22 A i hned přinutil Ježíš učedlníky své, aby vstoupili na lodí a předešli jej na druhou stranu, dokudž by nepropustil zástupů.
Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.
23 A propustiv zástupy, vstoupil na horu soukromí, aby se modlil. A když byl večer, sám byl tam.
Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.
24 Lodí pak již byla u prostřed moře, zmítající se vlnami, nebo byl vítr odporný.
Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.
25 Při čtvrtém pak bdění nočním bral se k nim Ježíš, jda po moři.
Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.
26 A vidouce jej učedlníci po moři jdoucího, zlekali se, řkouce: Obluda jest. A strachem křičeli.
Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.
27 Ale i hned Ježíš promluvil k nim, řka: Doufejtež, jáť jsem, nebojte se.
Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.
28 I odpověděv jemu Petr, řekl: Pane, jestliže jsi ty, rozkaž mi k sobě přijíti po vodě.
Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.
29 On pak řekl: Poď. A vystoupiv Petr z lodí, šel po vodě, aby přišel k Ježíšovi.
Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.
30 Ale vida vítr tuhý, bál se. A počav tonouti, zkřikl, řka: Pane, pomoz mi.
Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,
31 A i hned Ježíš vztáh ruku, ujal jej a řekl jemu, Ó malé víry, pročežs pochyboval?
oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?
32 A jakž oni vstoupili na lodí, utišil se vítr.
Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.
33 Ti pak, kteříž na lodí byli, přistoupivše, klaněli se jemu, řkouce: Jistě Syn Boží jsi.
Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.
34 A přeplavivše se, přišli do země Genezaretské.
Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.
35 A poznavše jej muži místa toho, rozeslali po vší té krajině vůkol, a shromáždili k němu všecky neduživé.
Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,
36 A prosili ho, aby se aspoň podolka roucha jeho dotkli. A kteřížkoli dotkli se, uzdraveni jsou.
oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.