< Judův 1 >
1 Judas, Ježíše Krista služebník, bratr pak Jakubův, posvěceným od Boha Otce, a Kristu Ježíši zachovaným i povolaným:
Anigoo Yuudas ah oo ah addoonkii Ciise Masiix, Yacquubna walaalkiis ah, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa loo yeedhay oo Ilaaha Aabbaha ahu jecel yahay, Ciise Masiixna loo dhawray.
2 Milosrdenství vám a pokoj i láska budiž rozmnožena.
Naxariis iyo nabad iyo jacayl ha idiin bateen.
3 Nejmilejší, všecku snažnost vynakládaje na to, abych vám psal o obecném spasení, musil jsem psáti, vás napomínaje, abyste statečně bojovali o víru, kteráž jest jednou dána svatým.
Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.
4 Neboť podešli někteří lidé bezbožní, prvé již dávno poznamenaní k tomu potupení, kteříž milost Boha našeho přenášejí v chlipnost, a toho, kterýž jest sám Hospodin, Boha a Pána našeho Jezukrista zapírají.
Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.
5 Protož vidělo mi se vám to připomenouti, kteříž jednou již o tom víte, že když Pán lid z země Egyptské vysvobodil, potom ty, kteříž nevěřící byli, zatratil.
Hadda, in kastoo aad hore u tiqiineen wax kasta, waxaan jeclahay inaan idin xusuusiyo sidii Rabbigu dad uga badbaadiyey dalka Masar, dabadeedna u baabbi'iyey kuwii aan rumaysan isaga;
6 A ty anděly, kteříž neostříhali svého knížetství, ale opustili příbytek svůj, k soudu velikého toho dne vazbou věčnou pod mrákotou schoval. (aïdios )
oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira. (aïdios )
7 Jako Sodoma a Gomora, a okolní města, když podobným způsobem, jako i tito, v smilstvo se vydali, a odešli po těle cizím, předložena jsou za příklad, pokutu věčného ohně snášejíce. (aiōnios )
Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya. (aiōnios )
8 Takéž podobně i tito, jako v hluboký sen pohřižení, tělo zajisté poškvrňují, panstvím pak pohrdají, a důstojnosti se rouhají;
Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan.
9 Ješto Michal archanděl, když s ďáblem odpor maje, hádal se o tělo Mojžíšovo, nesměl vynésti soudu zlořečení, ale řekl: Ztresciž tě Pán.
Laakiin Mikaa'iil oo ah malagga sare markuu Ibliiska kula murmayay meydkii Muuse aawadiis, kuma uu dhicin inuu xukun cay ah ku xukumo, laakiinse wuxuu ku yidhi, Rabbigu ha ku canaanto.
10 Tito pak, čehož neznají, tomu se rouhají; a což od přirození znají, jako nerozumná hovada, v tom se poškvrňují.
Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn.
11 Běda jim, nebo cestou Kainovou odešli, a poblouzením Balámovy mzdy se vylili, a odporováním Chóre zahynuli.
Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax.
12 Tiť jsou na hodech vašich poškvrny, kteříž s vámi hodujíce bezstoudně, sami se pasou; jsou oblakové bez vody, jimiž vítr sem i tam točí, stromové uvadlí, neužiteční, dvakrát mrtví a vykořenění,
Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey;
13 Vzteklé vody mořské, vymítající své hanebnosti, hvězdy bludné, jimžto mrákota tmy zachována jest na věčnost. (aiōn )
iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa. (aiōn )
14 Prorokoval pak také o nich sedmý od Adama Enoch, řka: Aj, Pán se béře s svatými tisíci svými,
Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn,
15 Aby učinil soud všechněm, a trestal všecky, kteříž by koli mezi nimi byli bezbožní, ze všech skutků bezbožnosti jejich, v nichž bezbožnost páchali, i ze všech tvrdých řečí, kteréž mluvili proti němu hříšníci bezbožní.
inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.
16 Tiť jsou reptáci, stýskaví, podlé žádostí svých chodíce, jejichž ústa mluví pýchu, pochlebujíce osobám pro svůj užitek.
Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.
17 Ale vy, nejmilejší, pamatujte na slova předpověděná od apoštolů Pána našeho Jezukrista.
Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.
18 Neboť pověděli vám, že v posledním času budou posměvači, podlé svých bezbožných žádostí chodící.
Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.
19 Toť jsou ti, kteříž se sami odtrhují, hovadní, Ducha Kristova nemající.
Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.
20 Ale vy, nejmilejší, vzdělávajíce se na té nejsvětější víře své, v Duchu svatém modléce se,
Laakiinse, gacaliyayaalow, nafsaddiinna ku dul dhisa rumaysadkiinna aad quduuska u ah, oo Ruuxa Quduuska ah ku tukada,
21 Ostříhejte se v lásce Boží, očekávajíce milosrdenství Pána našeho Jezukrista k věčnému životu. (aiōnios )
nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah. (aiōnios )
22 A nad některými zajisté lítost mějte, rozeznání v tom majíce.
Kuwa shakisan u naxariista;
23 Jiné pak strašením k spasení přivozujte, z ohně je vychvacujíce, v nenávisti majíce i tu skrze tělo poškvrněnou sukni.
qaarna dabka ka dhufta oo badbaadiya, qaarna u naxariista idinkoo cabsanaya oo nacaya xataa dharka jiidhka ku wasakhoobay.
24 Tomu pak, kterýž mocen jest, zachovati vás bez úrazu, a postaviti před oblíčejem slávy své bez úhony s veselím,
Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
25 Samému moudrému Bohu, spasiteli našemu, budiž sláva a velebnost, císařství i moc, i nyní i po všecky věky. Amen. (aiōn )
isagoo ah Ilaaha keligiis ah oo Badbaadiyeheenna ah, ammaan iyo weynaan iyo xoog iyo amar ha u ahaadeen xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, wakhtiga oo dhan ka hor iyo haatan iyo weligeedba. Aamiin. (aiōn )