< Skutky Apoštolů 6 >

1 A v těch dnech, když se rozmnožovali učedlníci, stalo se reptání Řeků proti Židům, že by zanedbávány byly v přisluhování vezdejším vdovy jejich.
Waagaas waxaa dhacay, intii xertu badnaysay, in Yuhuuddii Gariigta ahayd ay ka gunuunaceen Cibraaniyadii, maxaa yeelay, carmalladoodii laga dhintay wixii maalin walba la siin jiray looguma hagarbixin.
2 Tedy dvanácte svolavše množství učedlníků, řekli: Není slušné, abychom my, opustíce slovo Boží, přisluhovali stolům.
Markaasaa laba-iyo-tobankii, intay isugu yeedheen kuwa badan oo xerta ka mid ahaa, waxay ku yidhaahdeen, Ma wanaagsana inaannu ereyga Ilaah iska dayno oo aannu miisas ka adeegno.
3 Protož, bratří, vybeřte z sebe mužů sedm dobropověstných, plných Ducha svatého a moudrosti, jimž bychom poručili tu práci.
Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan.
4 My pak modlitby a služby slova pilni budeme.
Annaguse waxaannu ku sii adkaysan doonnaa tukasho iyo shuqulka ereyga.
5 I líbila se ta řeč všemu množství. I vyvolili Štěpána, muže plného víry a Ducha svatého, a Filipa, a Prochora, a Nikánora, a Timona, a Parména, a Mikuláše Antiochenského, k víře v nově obráceného.
Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay.
6 Ty postavili před oblíčejem apoštolů, kteříž pomodlivše se, vzkládali na ně ruce.
Kuwaasay rasuulladii hor keeneen; oo markay tukadeen dabadeed, ayay gacmahoodii saareen.
7 I rostlo slovo Boží a rozmáhal se počet učedlníků v Jeruzalémě velmi. Mnohý také zástup kněží poslouchal víry.
Markaasaa ereygii Ilaah faafay, tiradii xertiina Yeruusaalem aad ugu badatay, oo tiro badan oo wadaaddo ahina iimaankay yeeleen.
8 Štěpán pak, jsa plný víry a moci, činil divy a zázraky veliké v lidu.
Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.
9 I povstali někteří z školy, kteráž sloula Libertinských, a Cyrenenských, a Alexandrinských, a těch, kteříž byli z Cilicie a Azie, hádajíce se s Štěpánem.
Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.
10 Ale nemohli odolati moudrosti a Duchu, kterýž mluvil.
Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.
11 Tedy lstivě nastrojili muže, kteříž řekli: My jsme jej slyšeli mluviti slova rouhavá proti Mojžíšovi a proti Bohu.
Markaasay niman laaluusheen, oo nimankii baa waxay yidhaahdeen, Waxaannu maqalnay isagoo Muuse iyo Ilaahba caayaya.
12 A tak zbouřili lid a starší i zákonníky, a obořivše se na něj, chytili jej, a vedli do rady.
Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.
13 I vystavili falešné svědky, kteříž řekli: Člověk tento nepřestává mluviti slov rouhavých proti místu tomuto svatému i zákonu.
Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,
14 Nebo jsme slyšeli jej, an praví: Že ten Ježíš Nazaretský zkazí místo toto, a promění ustanovení, kteráž nám vydal Mojžíš.
waayo, waxaannu maqalnay isagoo leh, Ciisahan reer Naasared meeshan buu dumin doonaa, wuxuuna beddeli doonaa caadooyinkii Muuse inooga tegey.
15 A pilně patříce na něj všickni, kteříž seděli v radě, viděli tvář jeho, jako tvář anděla.
Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.

< Skutky Apoštolů 6 >