< 2 Timoteovi 4 >
1 Protož já osvědčuji před oblíčejem Božím a Pána Jezukrista, kterýž má souditi živé i mrtvé v příchodu svém slavném a království svém,
Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa,
2 Kaž slovo Boží, ponoukej v čas neb ne v čas, tresci, žehři, napomínej, ve vší tichosti a učení.
inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya.
3 Nebo přijde čas, že zdravého učení nebudou trpěti, ale majíce svrablavé uši, podlé svých vlastních žádostí shromažďovati sami sobě budou učitele.
Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan;
4 A odvrátíť uši od pravdy, a k básněm obrátí.
oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.
5 Ale ty ve všem buď bedliv, protivenství snášej, dílo kazatele konej, dokazuj toho dostatečně, že jsi věrný služebník.
Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.
6 Nebo já se již k tomu blížím, abych obětován byl, a čas rozdělení mého nastává.
Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid.
7 Boj výborný bojoval jsem, běh jsem dokonal, víru jsem zachoval.
Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray.
8 Již za tím odložena jest mi koruna spravedlnosti, kterouž dá mi v onen den Pán, ten spravedlivý soudce, a netoliko mně, ale i všechněm těm, kteříž milují to slavné příští jeho.
Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.
9 Přičiň se k tomu, abys ke mně brzo přišel.
Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid;
10 Nebo Démas mne opustil, zamilovav tento svět, a šel do Tessaloniky, Krescens do Galacie, Titus do Dalmacie. (aiōn )
waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya. (aiōn )
11 Sám toliko Lukáš se mnou jest. Marka vezmi s sebou; nebo jest mi velmi potřebný k službě.
Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda.
12 Tychikať jsem poslal do Efezu.
Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos.
13 Truhličku, kteréž jsem nechal v Troadě u Karpa, když půjdeš, přines, i knihy, zvláště pargamén.
Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo'as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro.
14 Alexander kotlář mnoho mi zlého způsobil; odplatiž jemu Pán podlé skutků jeho.
Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.
15 Kteréhož i ty se vystříhej; nebo velmi se protivil řečem našim.
Adiguna iska jir isaga, waayo, aad buu hadalkayaga u hor joogsaday.
16 Při prvním mém odpovídání žádný se mnou nebyl, ale všickni mne opustili. Nebudiž jim to počítáno.
Isdaafacaaddaydii hore ninna isma kay garab taagin, laakiinse kulli waa layga wada tegey. Taas yaan dushooda laga dhigin.
17 Pán pak byl se mnou, a posilnil mne, aby skrze mne utvrzeno bylo kázaní, a slyšeli je všickni národové. I vytržen jsem byl z úst lva.
Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa.
18 A vysvobodíť mne Pán od každého skutku zlého, a zachovává k království svému nebeskému, jemuž sláva na věky věků. Amen. (aiōn )
Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn )
19 Pozdrav Prišky a Akvile, i Oneziforova domu.
Igu salaan Bariska iyo Akula iyo reerkii Oneesiforos.
20 Erastus zůstal v Korintu, Trofima pak nechal jsem v Milétu nemocného.
Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay.
21 Pospěš před zimou přijíti. Pozdravuje tebe Eubulus a Pudens a Línus a Klaudia, i všickni bratří.
Ku dadaal inaad wakhtiga qabowga hortiis ii timaadid. Waxaa ku soo salaamaya Yubulos iyo Budees iyo Liinos iyo Kalawdiya iyo walaalaha oo dhan.
22 Pán Ježíš Kristus s duchem tvým. Milost Boží s vámi. Amen.
Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.