< 2 Korintským 6 >
1 Protož napomáhajíce, i napomínáme vás, abyste milosti Boží nadarmo nebrali,
Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,
2 (Neboť praví: V čas příhodný uslyšel jsem tě, a v den spasení spomohl jsem tobě. Aj, nyníť jest čas příhodný, aj, nyní dnové spasení.)
waayo, wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay, Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.
3 Žádného nedávajíce v ničemž pohoršení, aby bylo bez ouhony přisluhování,
Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.
4 Ale ve všem se chovajíce jako Boží služebníci, ve mnohé trpělivosti, v utištěních, v nedostatcích, v úzkostech,
Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,
5 V ranách, v žalářích, v nepokojích, v pracech, v bděních, v postech,
iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid,
6 V čistotě, v umění, v dlouhočekání, v dobrotivosti, v Duchu svatém, v lásce neošemetné,
annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,
7 V slovu pravdy, v moci Boží, skrze odění spravedlnosti na pravo i na levo,
iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba,
8 Skrze slávu i pohanění, skrze zlou i dobrou pověst, jako bludní, a jsouce pravdomluvní,
haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah;
9 Jako neznámí, a jsouce známí, jako umírající, a aj, živi jsme, jako potrestaní, a nezmordovaní,
sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin,
10 Jako smutní, a však se vždycky radujíce, jako chudí, však mnohé zbohacujíce, jako nic nemajíce, a však všemi věcmi vládnouce.
sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
11 Ústa naše otevřína jsou k vám, ó Korinští, srdce naše rozšířeno jest.
Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay.
12 Nejste v nás ssouženi, než ssouženi jste v střevách svých.
Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha.
13 O takovéžť pak odměně jakožto synům pravím: Rozšiřtež se i vy.
Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale.
14 Netáhněte jha s nevěřícími. Nebo jaký jest spolek spravedlnosti s nepravostí? A jaké obcování světla s temnostmi?
Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan?
15 A jaké srovnání Krista s Beliálem? Aneb jaký díl věrnému s nevěrným?
Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin?
16 A jaké spolčení chrámu Božího s modlami? Nebo vy jste chrám Boha živého, jakž pověděl Bůh: Přebývati budu v nich, a procházeti se, a budu jejich Bohem, a oni budou mým lidem.
Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
17 A protož vyjdětež z prostředku jejich, a oddělte se, praví Pán; a nečistého se nedotýkejte, a já přijmu vás.
Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.
18 A budu vám za Otce, a vy mi budete za syny a za dcery, praví Pán všemohoucí.
Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.