< Psalmi 78 >

1 Poučna pjesma. Asafova. Poslušaj, narode moj, moju nauku, prikloni uho riječima usta mojih!
Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
2 Otvorit ću svoja usta na pouku, iznijet ću tajne iz vremena davnih.
Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal, Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
3 Ono što čusmo i saznasmo, što nam kazivahu oci,
Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
4 nećemo kriti djeci njihovoj, predat ćemo budućem koljenu: slavu Jahvinu i silu njegovu i djela čudesna što ih učini.
Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
5 Svjedočanstvo podiže on u Jakovu, Zakon postavi u Izraelu, da ono što naredi ocima našim oni djeci svojoj objave,
Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
6 da sazna budući naraštaj, i sinovi koji će se roditi da djeci svojoj kazuju
Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
7 da u Boga ufanje svoje stave i ne zaborave djela Božjih, već da vrše zapovijedi njegove,
Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
8 kako ne bi bili, kao oci njihovi, naraštaj buntovan, prkosan - naraštaj srcem nestalan i duhom Bogu nevjeran.
Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
9 Sinovi Efrajimovi, ratnici s lukom, u dan bitke okrenuše leđa.
Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.
10 Saveza s Bogom ne održaše i ne htjedoše hoditi po Zakonu njegovu.
Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,
11 Zaboraviše na djela njegova, na čudesa koja im pokaza.
Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.
12 Pred njihovim ocima činio je znakove u Egiptu, u Soanskom polju.
Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
13 On more razdijeli i njih prevede, vode kao nasip uzdiže.
Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
14 Danju ih vodio oblakom, a svu noć ognjem blistavim.
Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
15 U pustinji hrid prolomi i napoji ih obilno kao iz bezdana.
Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
16 Iz stijene izbi potoke te izvede vode k'o velike rijeke.
Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
17 A oni jednako griješiše, prkosiše Višnjem u pustinji.
Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
18 Boga su kušali u srcima svojim ištuć' (jela) svojoj pohlepnosti.
Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
19 Prigovarali su Bogu i pitali: “Može li Gospod stol u pustinji prostrti?
Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
20 Eno, udari u hrid, i voda poteče i provreše potoci: a može li dati i kruha, i mesa pružiti svome narodu?”
Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
21 Kad to začu Jahve, gnjevom usplamtje: oganj se raspali protiv Jakova, srdžba se razjari protiv Izraela,
Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
22 jer ne vjerovaše Bogu niti se u njegovu pomoć uzdaše.
Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan, Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
23 Pa ozgo naredi oblaku i otvori brane nebeske,
Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay;
24 k'o kišu prosu na njih mÓanu da jedu i nahrani ih kruhom nebeskim.
Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
25 Čovjek blagovaše kruh Jakih; on im dade hrane do sitosti.
Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
26 Probudi na nebu vjetar istočni i svojom silom južnjak dovede.
Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari, Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
27 Prosu na njih mesa k'o prašine i ptice krilatice k'o pijeska morskoga.
Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
28 Padoše usred njihova tabora i oko šatora njihovih.
Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda.
29 Jeli su i nasitili se, želju njihovu on im ispuni.
Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
30 Još nisu svoju utažili pohlepu i jelo im još bješe u ustima,
Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
31 kad se srdžba Božja na njih raspali: pokosi smrću prvake njihove i mladiće pobi Izraelove.
Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.
32 Uza sve to griješiše dalje i ne vjerovaše u čudesna djela njegova.
In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.
33 I skonča im dane jednim dahom i njihova ljeta naglim svršetkom.
Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi.
34 Kad ih ubijaše, tražiše ga i opet pitahu za Boga;
Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
35 spominjahu se da je Bog hridina njihova i Svevišnji njihov otkupitelj.
Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
36 Ali ga opet ustima svojim varahu i jezikom svojim lagahu njemu.
Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
37 Njihovo srce s njime ne bijaše, nit' bijahu vjerni Savezu njegovu.
Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
38 A on im milosrdno grijeh praštao i nije ih posmicao; često je gnjev svoj susprezao da ne plane svom jarošću.
Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
39 Spominjao se da su pÓut i dah koji odlazi i ne vraća se više.
Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.
40 Koliko mu prkosiše u pustinji i žalostiše ga u samotnom kraju!
Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
41 Sve nanovo iskušavahu Boga i vrijeđahu Sveca Izraelova
Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
42 ne spominjuć' se ruke njegove ni dana kad ih od dušmana izbavi,
Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,
43 ni znakova njegovih u Egiptu, ni čudesnih djela u polju Soanskom.
Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan.
44 U krv im pretvori rijeke i potoke, da ne piju.
Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.
45 Posla na njih obade da ih žderu i žabe da ih more.
Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
46 I predade skakavcu žetvu njihovu, i plod muke njihove žderaču.
Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.
47 Vinograde im tučom udari, a mrazom smokvike njihove.
Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.
48 I predade grÓadu njihova goveda i munjama stada njihova.
Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul.
49 Obori na njih svu žestinu gnjeva svog, jarost, bijes i nevolju: posla na njih anđele nesreće.
Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.
50 I put gnjevu svojem otvori: ne poštedje im život od smrti, životinje im izruči pošasti.
Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,
51 Pobi u Egiptu sve prvorođeno, prvence u šatorju Hamovu.
Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,
52 I povede narod svoj kao ovce i vođaše ih kao stado kroz pustinju.
Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Pouzdano ih je vodio te se nisu bojali, a more je prekrilo dušmane njihove.
Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 U Svetu zemlju svoju on ih odvede, na bregove što mu ih osvoji desnica.
Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Pred njima istjera pogane, konopom im podijeli baštinu, pod šatorjem njihovim naseli plemena izraelska.
Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
56 A oni iskušavali i gnjevili Boga Višnjega i nisu držali zapovijedi njegovih.
Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
57 Otpadoše, iznevjeriše se k'o oci njihovi, k'o luk nepouzdan oni zatajiše.
Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
58 Na gnjev ga nagnaše svojim uzvišicama, na ljubomor navedoše kumirima svojim.
Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
59 Bog vidje i gnjevom planu, odbaci posve Izraela.
Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
60 I napusti boravište svoje u Šilu, Šator u kojem prebivaše s ljudima.
Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
61 Preda u ropstvo snagu svoju i svoju diku u ruke dušmanske.
Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
62 Narod svoj prepusti maču, raspali se na svoju baštinu.
Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
63 Mladiće njihove oganj proguta, ne udaše se djevice njihove.
Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
64 Svećenici njihovi padoše od mača, ne zaplakaše Óudove njihove.
Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran.
65 Tad se k'o oda sna trgnu Gospodin, k'o ratnik vinom savladan.
Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
66 Udari otraga dušmane svoje, sramotu im vječitu zadade.
Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
67 On odbaci šator Josipov i Efrajimovo pleme ne odabra,
Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf, Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
68 već odabra pleme Judino i goru Sion koja mu omilje.
Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
69 Sagradi Svetište k'o nebo visoko, k'o zemlju utemelji ga dovijeka.
Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
70 Izabra Davida, slugu svojega, uze ga od torova ovčjih;
Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71 odvede ga od ovaca dojilica da pase Jakova, narod njegov, Izraela, baštinu njegovu.
Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
72 I pasao ih je srcem čestitim i brižljivim rukama vodio.
Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.

< Psalmi 78 >